Wadayaasha baabuurta iyo waxyeeladay carruurta ku hayaan (WQ: Kamaal Xasan Isaaq)

Horumarka aadamuhu sameeyaa, khasaara iyo faa’iido labada waa  laga helaa.

Baabuurtu waxay ka mid yihiin marka loo eego casrigan aynu noolahay baahiya asaasiga ah ee aadamuhu  aanu ka  maarmi Karin  miyi iyo maagalaba meeshuu doono ha joogee,

Balse Khaasaraha iyo faa’iidadoodu  waxay ku xidhan tahay hadba sida loo isticmaalo.

Wax kastana shuruudo iyo aqoon u gaar ah u baahan yahay,  suurto galna  maaha  adigoo aan baran haddii aad tidhaado  waan kaxaynayaa. Baabuurtuna sidaa oo kale ayey u baahan yihiin,  haddaba maxaa ka dhalan kara, waa jawaab iska cad. dhimasho iyo khasaare badan baa maalin walba dhaca,  cida ay gaarka u taabanaysaa waa carruurta yar yar ee maalin walba gaawadhu  ku jiidhaan wadooyinka  xaafadaha,  magaalooyinka, tuulooyinka,  hadba meesha ay marayaan wadayaashu.

Waynu ognahay ,laamaha  nabad gelyada wadooyinka  ayaa u darban  oo cadeedaad aragteen iyo roobkaba u taagan una  diyaar u ah inay kala hagaan baabuurta, oo ay nidaamiyaan  marka laga hadlayo magaalooyinka waaweyn, iyadoo mar walba lagu canaanto wadayaashaa  lana wacyigi galiyo, haddana arinkoodu wuxuu noqday

dhego laydh u daloola

Hadba waxaa aniga I damqayb   oo qoraalkan kooban igu kalifay, qayrul masulnimada  Dirawalada baabuurta wada noocay doonaan ha ahaaadeene, waxyeelada ay carruurta yar yar u geysanayaan  ee ay nafahooda u galaafanayaan gabal dhaciyo waagii guduutaba.

Talo bixin

  • Dawladu xil hoos ha u eegto baabuurtan magaaalooyinka cidhiidhiga ah   xawaaraha  sare ku dhex maraya.
  • Dib ha loogu noqdo  shuruucda u dejisan wada marista  iyo dhaqan gelintooda
  • Hala hubiyo cida baabuur wadi karta iyo cida aan wadi Karin  tusaale, waxaa jira dad badan oo maskax ahaan buka oo hada baabuur wada,  waxa kale oo jira qaar iyaguna  jidh ahaan xanuunsanaya oo baabuurtii wada
  • Carruurta wadooyinka garoomada ka dhigtay ee halista ku sugan, bal ka fikira sidii garoomo ay ku madadaaloodaan loogu samayn lahaa si looga badbaadiyo khatarta gaadiiidka
  • In qof kasta oo gaadhi kaxaynaya imtixaan adag laga qaado,oo aan daaha dabadiisa looga dhibiin liisanka
  • In qofka khalad gala ciqaabtiisa ama ganaax adag la mariyo, tusaale ahaan wadamada qaar mudo dhan Ayaan looba ogaalaan qofka ku gefa nidaamka wada marista
  • Wadaayaashana waxaan leeyahay, “nabad galaa dheereeye” waxa kale oo somaalidu tidhaa ” qunyar socde qodaxi ma  mudo”

Ugu dambayntii dhamaanteenba masuuliyad baa ina saaraan, carruurtan innagaa ka masuula ee haloo naxariisto waa ubaxii dalkeene .

Afeef:  shilalka gaadiidka qaar waa qadar alle ilaahay baana ugu talo galay inay sidan u dhacaan,   laakiin inta badani waa qalad aynu samayno iyo taxadir la’aanteena

 

WQ: Kamaal Xasan Isaaq

Tell:  00252-63-4402758  

 kamalcadow@hotmail.com

Hargeysa Somaliland