Taxanaha cibrada nolosha (qisooyin cajiib ah): Qisada 9aad (WQ: Cabdi Caawiye)

Qisadii taabiciigii weynaa ee Curwa,

Qisadani waxey ku dhacdey taabiciga layidhaahdo Curwa binu Zubayr waxaa dhalay Curwa saxaabigii waynaa e Cabdillaahi binu Zubayr hooyadiina waa Asmaa binti Abiibakar Sidiq R.c. Curwa ayaa xiligii dawladdii Umawiyiinta ayaa waxaa u yeedhay madaxwaynihii xiligaa oo la odhan jiray Alwaliid ibnu Cabdi Malik

Curawa waxaa uu lahaa 7 carruura waxa uu kaxaystay kii u yaraa waxa uuna aaday Dimishiq oo xiligaa ahayd magaalo madaxdii kadib Curwa intuu jidka ku jiray ayuu xanuunsaday waxaa laga qabtay lug kadib markii uu Dimishiq tagay ayuu ka xumaaday Alwaliid saaxiibkii uu u yeedhay oo xanuunsan markaas ayuu waxa uu soo safay dhakhaatiirtii xiligaas ugu wanaagsanayd waxeyna yidhaahdeen lugtani waa goyn rajo kale maleh kadib Curwa waxaa lagu yidhi, waxaan ku siinaynaa dawo aad ku suuxdo markaas ayuu diiday, waxaa lagu yiri:- uma adkaysan kartid markaas ayuuu yidhi:- anigu salaad ban xidhanayaa markaas lugta iga goooya hadii mar illaahay aan is-hortaago wax dareema ah ma lihiye ka dib markii uu salaada galay ayaa laga jaray is-mana nuux-nuuxin kadib saliid ayaa lagu riday isla intii uu salaada ku jiray.

Markii uu salaadii ka baxay ayaa wiilkiisii yaraa ee uuu jeclaa waxa loo sheegay inuu faras dilay oo uu dhintay ma uusan qayline waxa uu yiri illaahbaa mahad is kaleh 7 wiill isiiyay hal kaliya iga qaaday 4 waaxoodna isiiyay hal kaliya iga qaaday kadib lugtiisii ayaa lasoo hor-marshay oo lawado markaasuu yidhi:- eebow waxaan markhaati kaaga dhigayaa inaanan waligay xumaato u is-ticmaalin ka dib maalin dambe ayaa madaxwaynahii waxaa u yimid oday indho la’ oo nabar wayn wajiga uga yaal markaas ayuu uga waramay xaaladiisa madaxwaynihii ayaa Curwa ku yidhi:- Curwa odaygan bal warayso xaaladiisa odaygii waxa uu yiri:- waxaan lahaa 3 xaas iyo xoolo aad u fara badan iyo awlaad fara badan ka dib habeen ayaan guuuray waxaana dagey meel tog maro kadib habeen barkii ayaa waxaa xoolihii iyo awlaadii la tagay daaad waxaa ii haray 1 rati iyo wiilkii u yaraa markaas ayaa ratigii iga cararay soo qabaan is iri kadib waxaan maqlay wiilkii oo ooyaya waxaanba arkay yeey cunaya waan ku orday balse nafba kuma gaarain kadib ratigii ayaan kusoo noqday markaas ayaa ratigii idilay oo uu igu dhigay nabarkaa wajiga iiga yaal.

 

Curwa ayaa yidhi:- hadda maxaa leedahay

odaygii ayaa ku jawaabay:- waxaa mahad iska leh eebaha isiiyay qalbi iimaan ka buuxo iyo carab aan ku xuso illaahay.

BAL WALSALL ARISE KA WARAMA ODEYGAA IYO IIMAAN KA KU JIRA IYO SIDA UU ALLE QADARKIISA UGU KALSOONYAHAY…… MANSHALLAH

Hoos ka akhri qaybe hore oo qisadan ah:

Taxanaha cibrada nolosha (qisooyin cajiib ah): Qisada 8aad

Taxanaha cibrada nolosha (qisooyin cajiib ah): Qisada 7aad

Taxanaha cibrada nolosha (qisooyin cajiib ah): Qisadii 6aad

Taxanaha cibrada nolosha (qisooyin cajiib ah): Qisadii 5aad

Taxanaha cibrada nolosha (qisooyin cajiib ah): Qisadii 4aad

Taxanaha cibrada nolosha (qisooyin cajiib ah): Qisadii 1aad

 

Qalinkii cabdi cawiye   telephone  +252634115877