Sucuudigu waxa uu Maraykanka uga degay in dacwada weerarkii 2001-kii lagu soo oogo waddankooda

Sucuudiga ayaa waxa uu ugu baaqay aqalka Congres-ka Maraykanka in aanay ogolaan in eheladii dadkii ku dhintay weerarkii 11-kii September 2001-dii in ay qaadaan tallaabo sharci ah oo ka dhan ah boqortooyada Sucuudiga.

Waxa ay sheegtay in tallaabadaasi oo lagu suurta gelinayo diidmada Congress-ka uu diiday codkii qayaxnaa ee madaxweyne Obama ku diiday sharciga fududeynaya arrintaasi ay meesha ka saareyso xasaanadda waddamda,

Sucuudiga waxa uu intaasi ku daray in tallaabadaasi ay yeelan doonto saameyn xun oo dhanka diblomaasiyadda ah.

Madaxweyne Obama ayaa dhowr jeer ka digay in arrintan ay halis gelinayso askarta iyo saraakiisha Maraykanka ee ka howlgalaya dalkooda dibeddiisa kuwaasi oo uu sheegay in ay wajihi karaan dacwad.

Afhayeen u hadlay aqalka cad ee Maraykanka looga arrimiyo Josh Earnest ayaa sheegay in xildhibaanada Congress-ka aysan fahmin cawaaqibka arrintan ka dhalan kara.

Balse hoggaamiyaha aqlabiyadda ee aqalka sare ee Senate-ka Mitch McConnell ayaa sheegay in aysan jirin cid dhab ahaantii diiradda saartay dhibaatada dhanka xidhiidhka caalamiga ah ee arrinta ka dhalan karto.

McConnell ayaa ka mid ahaa tiro xildhibaana ah oo ka tirsan Congress-ka Maraykanka oo u codeeyay sharcigan balse hadda rumeysan in sharciga uu u baahan yahay in wax weyn laga badalo.

Waxayna doonayaan in ay sharcigaasi ay ku koobaan oo kaliya arrinta la xidhiidha weerarkaasi, si ay u yareeyaan saameynta ay arrintan ku yeelan karto dadka Maraykanka ah ee dibedda ku sugan.

bandhige@gmail.com