Mid ka mid ah qaxoontiga Suuriya ayaa soo jiitay quluubta dadka Kanada

Nin ka mid ah dadkii ka cararay dagaalka ka socda Suuriya, ayaa waxa uu maalmo yar ka hor ka furtay dukkaanka dharka lagu tulo, xarun dumarku isku qurxiyaan marka ay aqal galayaan iyo marka ay xaflad tegayaan.

Inkasta oo dumar aad u jecel yihiin in xafladda arooskeed aaanay ka hor iman wax dhibaato ahi, haddana mararka qaar waxa dhacda in ay carruusado badani la kulmaan mushkilado saamey ku yeesha arooskooda.

Gabad magaceeda la yidhaah Jo Du ku dhaqnayd Kanada ayaa waxa ka lumay habeenkii arooskeeda siibada (suusada) taajkeedii ay u xidhan lahayd xaflada arooskeeda.

Inkastoo aysan ogayn Jo hadana meesha ma oolin wax ay ka walbahaarto.

Sababtoo ah albaabka ku xiga waxaa joogay dawaarle, maalmoo uun ka hor yimid Kanada kadib markii uu ka soo qaxay colaadda ka taagan Suuriya laakiin eray Ingiriis ah kuma hadli karin.

Ibrahim Halil Dudu oo ah ninka dawaarlaha ah ayaanse ka labo labaynin in uu badbaadiya caruusadda.

Gurigii uu aroosku ka socday ayuu soogalay isaga oo wata boorsadii ay ugu jireen dunta iyo irbadda isaga oo ay weheliyaan wiilkiisa oo yar iyo David Hobson oo ah nin reer Ontario ah oo shaqsiyan isagu qayb ka mid ah gurigiisa si mutadawacnimo ah ugu wareejiyay Ibraahim iyo qoyskiisa si ay hoy uga dhigtaan.

Daqiiqado guddahoodna Jo ayuu u hagaajiyay siibkii ka halaabay aroosada isaga oo ka dhigay sidii lagu soo iibiyay oo kale.

Lindsay Coulter oo sawir qaade ka ahayd arooska ayaana sawirro ka qaaday

Lindsay oo 26 jir ah ayaa aad u jeclaysatay wixii ay indhaheedu qabteen, Face book-guna kula wadaagtay oo ay jeclayseenteen 22,000 qof.

Waxay sheegtay in wixii intaas ka dambeeyay ay usoo dhacayeen email-lo iyo taleefoonno ka soo gaadhayay dad doonaya in ay wax badan ka ogaadaan dhar tolahan Xalab ka soo qaxay oo Suuriya joogay saddex sanno isaga oo dib u dajin halkaas ku sugayay.

Xaqiiqadu waxay tahay in sama falidda sheekadan ay sii horaysay: Ibrahim, xaaskiisa iyo saddex carruur oo ay dhaleen ayaa ka mid ahaa 50 qoys oo uu Kanada geeyay ganacsade Jim Estill oo damaanad qaaday dhaqaalaha ku baxaya qoysaskaas si ay Kanada ugu noolaadaan.

xigasho: BBC Soomaali.

bandhige@gmail.com