Waddooyinka kalya xanuunka iyo dhaqaale burburka! (WQ:Dr-Abdulqani Hussein Beder)

Waxa la yidhi waddoonyinka Hargeysa ee Huqda iyo hogga miidhan ah waxa loo bixiyey magacyadii Khulafaa-u-Raashidiin, ta Cali Bin Abii Daalib loogu magac daray ayaaba iga yaabisay, waar nimanku amiirka necebaa ma Nawaasib baa, mise waa khawaarijktii uu la diriray !

Cumar Ibn Khadaab- Alle ha ka raali noqdee – ayaa laga weriyey isaga oo joogay Madiina oo imika dhulka Sucuudiga loo yaqaanno ku taalla, in uu yidhi: “Wallaahay hadday Baqali ku turunturrooto Basra- waa magaalo imika ka tirsan dalka Ciraaq- waxa aan ka baqayaa in uu Alle aakhiro i wayddiiyo oo yidhaahdo: Maxaad dariiqa ugu hagaajin wayday Cumarow”.

Jidxumida waxa bulshada kaga luma maalinkasta boqollaalkun oo saacadood oo ay shaqooyinkooda/waxbarashadooda iyo danahooda kale uga faa’iidaysan lahaayeen, waxsoosaarna ku samayn lahaayeen, waxa arrintaa ka dhasha khasaare dhaqaale oo baaxad leh.

Tusaale ahaan: Haddii ugu yaraan 100 kun oo qof oo shaqo u socda uu mid waliba jidka googgo’an ku habsaamo 10 daqiiqo oo keliya, suuraggalna ay tahay in uu mid waliba celcelis ahaan tobankaa daqiiqo soo saari lahaa 1$ keliya, taasi waxa ay ka dhigan tahay in uu dhacay khasaare 100 kun oo doollar ahi 10 kaas daqiiqo, waayo 100 kaa kun ee qof mid waliba waxa u lumiyey 1$

Dhibaatooyinka badan ee ay ka midka tahay dhibaatada caafimaad darradu ee ka dhashay maritaanka waddooyinka burbursan, iyada oo caafimaad darridaas dad badani u dhintaan, waxa denbigooda leh oo Alle hortii la wayddiinayaa madaxda dawladda ee lacagta HOGAG MARISTA gawaadhida ka qaadata.

Raadka xilgudasho xumida iyo musuqmaasuqu wuu ka baaxad weynyahay inta aad malaynayso !

Dr-Abdulqani Beder