Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha, Iyo Dalxiiska oo Dalka dib ugu soo laabtay

Wasiirka Wasaaradda Ganacasiga, Warshedaha iyo Dalxiiska Mudane Maxamuud Xasan Sacad iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib safar shaqo oo uu Wasiirku dalka Malaysia dhawaan ugu baxay ayaa waxa ku wehelinayey Gudoomiyaha Baanka Dhexe ee JSL iyo Godoomiyaha rugta Ganacsiga waxaana madaarka caalimiga ah ee Cigaal International Airport kusoo dhoweeyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Mustafe Maxamuud Cali Bile iyo qaar ka mida Agaasimayaasha waaxaha Wasaaradda.

Waxaana uu Wasiirku saxaafada kula hadlay gudaha Madaarka halkaas oo uu saxaafada ugaga waramay wixii uga soo qabsoomay safarkoodii shaqo isagoona sheegay inay guulo badan uga soo hooyeen qaranka islamarkaana ay la kulmeen madax sare oo ka tirsan dalka Malaysia.

GOOR DHOW FILO WARKAASI OO FAAHFAAHSAN