Makhaayaddii Dembiga (WQ: Cali Cabdi Coomay)

Shaaha iyo bunka makhaayadu waa diyaar 4:30 habeennimo ilaa 5:00. Marka sidaasi looga soo baxo salaadda subax ayey camirtantaa, oo dadkii soo tukaday ayaa shaaha iyo bunka cabba. Dad aan sidaasi u sii badnayn ayaa sii fadhiya, kuwaasi oo u badan kuwa aan tukan salaadda oo saamaleyl ahaa ama soo jeeday xalay oo dhan. Dadka qaarkii markaba masaajidka way ka soo baxaan, kuwa kalena waxa ay ku hadhaan duco iyo Qurโ€™aan akhris oo mar dambe ayey soo galaan makhaayadda. Waa se la isla jaanqaadaa oo markaba faallooyinka siyaasadeed, kuwa shakhsiyadeed iyo kuwa kale oo aakhiro seeg u badan ayaa la isku weydaarsadaa.

Waxa goobta lagu faaruqiyaa ajarkii masaajidka lagala yimd oo dembi ayaa laga soo xambaartaa. Malahayga dhawr cisho oo aan makhayaadda imid khayrkii masaajidka lagala soo baxay iyo dembiga meesha lagala tegayo way is-goosanayaan. Nin sheekh ah oo inta badan masaajidada dadka ka wacdiya ayaa maalin soo galay makhaayadda, markuu isha mariyey siday wax u socdaan dib ugumuu soo noqon. Dadku waa daโ€™o kala duwan ha u badnaadaan daโ€™da dhexe iyo kuwa weyniye. Waxa loo wada fadhiya ugu yaraan afar kooxood oo afka is-gelisa sidii oo ay xeedho wadaagayaan. Qaarkood wararkii xalay iyo shalay warbaahinta bulshada dhex wareegayey ayey miiska soo saaraan, markaasaa dood iyo falaqeyn aan cilmi iyo waayo-aragnnimo midna ku dhisnayn lala boobaa. La isma dhegaysto, waxba lama kala korodhsado, la isma qanciyo, waa se la shimbiro waaqleeyaa.

Mid baa hadalka qaata markaasuu nin masuul ah kitaabkiisa iyo ceebihiisa kala dhig dhigaa isaga oo sheeganaya inuu ka waayo-aragsan yahay intan meesha fadhida oo uu masuulkaasi hore ula soo shaqeeyey. Makhaayadu waxa ay leedahay INTERNET, waxaana la shidaa marka dadku yimaadaaan goobta. Koox dadka ka mid ah ayaa ku murantay warkii shalay warbaahintu qortay, markaasuu mid moobilkiisa ka baadhay warkii. Intii kale may sugane way ku urureen ninkii sidii islaan shilin ka guraysa neef xoolo ah. Abwaan Muuse Cali Faruur ayaa laga hayeyโ€ waar ninku muxuu inanta kaga fooraraa ma shilin buu ka gurayaaโ€.

Qaabka is-dhegaysiga hadalka iyo kolba qofka aragtidiisa dhiibanayaa lama ixtiraamo, mid kastaa isagaa is-la-toosan oo doonaya inuu wuxuu aaminsan yahay si jujuub ah kuwa kale ugu qasbo. Sida dhaqanka wada sheekaysiga Soomaalidu yahay, kolba mowduuc ayaa la isku qaadaa iyada oo kii hore aan laga gun-gaadhin. Mar siyaasadda gudaha Soomaalilaan, mar ta Butlan, mar ta Soomaaliya, mar ta Soomaalida Itoobiya, mar ta adduunka. Mar, Marโ€ฆโ€ฆ. waxa meesha dhex socota kaftanka shakhsiyaadka gaarka ah u dhexeeyey ee ku salaysan af-xumada iyo ceebeynta. Waxa aan ka xusuustaa โ€œ waar adigu shalay ayaad magaalada soo gashay oo bilaa taariikh ayaad tahay. Adigu sowdigii hudheelka haysan jiray, maadaa waxba ogaa meel adduunka iyo aakhiro lagu kala macaashayo.

Adiga oo dhuxul iibiya ayaan ku ogaa. Inan yar ayaad tahay ee sideed wax iigu sheegtaa?โ€. Intaa iyo kuwa kale oo aan wax micno leh sheekadooda ku soo kordhinayn oo u badan hunqaaco ayaa la si qaab darran la isugu hurgufaa. Nin makhaayadda ku cusbaa oo u muuqday inuu qurbaha ka yimid oo qiyaas ahaan ku jiray daโ€™da 60-maadka ayaa dhawr cisho damcay inuu beddelo qaabka liidata ee kooxuhu u sheekaystaan, hasayeeshee lagama hoos qaadin. Aakhirkii markii uu ka sii faataxaysanayey goobta ayuu cod dheer ku yidhiโ€ waar yaadhaheen ama meesha wax ku kala korodhsada ama shaaha aad cabteen ha iska saarina, meesha muran iyo macno laโ€™aan ayaa la soo fadhiisateeneโ€.

Nin la iigu sheegay inuu ahaan jiray askartii Guulwadayaasha dawladdii MSBarre oo daโ€™ ahaan aan ku qiyaasay 70 jir ayaa meesha inta badan loogu yimaada aroortii ma tukado salaadda oo muuqaalkiisa ayaad ka garanaysaa, wuxuu weli aaminsan yahay KACAANKII. Wuxuu daystaa Shaarubaha sidii ay caanka ku ahayd madaxdii taliskii Af-weyne. Ninkan waxa ay ugu yeedhaan inuu yahay guddoomiyaha makhaayadda. Markuu hadalayo qofkii ka dhexgala hadalka, wuxuu markaba kula soo boodaaโ€ waar naga aamus iimanka lagaa qaadayeโ€.

Dadka aroortii kalahaya ee u badan dumarka suuqyada tegaya, markay soo ag-maraan buuqa iyo muranka qalalan ee meesha ka baxaya, way yara yaabbaan oo cabbaar ayey eegaan. Sidii loo buuqayey ayey soo gaadhay 6:30 aroornnimo, markaasuu nin qunyar socod ah oo aan dhexgelin buuqa, balse ay is-wada garanayaan kooxaha uu cod dheer ku yidhiโ€ waar warka dhegaysta oo muranka ka nastaโ€. Markaasaay dhanka idaacadda u soo jeesteen iyada mid kasta ay labada qowlal xumbo kaga taallo hadal aw-gii. Waanigaa isaga kacay ee dantayda ku foofay ee nabad ahaada.

Cali Cabdi Coomay
Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan
Calicoomay@gmail.com