Ururka Inspire Group ayaa caawa qabtay dood si weyn looga qaybgalay oo ku saabsan Miisaaniyadda Somaliland

Ururka Inspire Group oo ah hay’ad waddani ah oo qabataha doodaha bulshada saamaynta ku leh ee la xidhiidha maamulka dawladnimo ayaa caawa Hargeysa ku qabtay dood ku saabsan Miisaaniyadda Somaliland oo si weyn looga soo qaybgalay.

Dooddan waxa diirradda lagu saaray meelihii loo arkayey in ay ka dhutinayso miisaaniyadda qaranka Somaliland ee 2019 iyo meelaha ay ku wanaagsan nahay.

Waxa ka qaybgalay oo hadallo ka jeediyey madasha Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Sacad Cali Shire oo difaacay miisaaniyadda isla markaana soo dhaweeyey wixii talooyin madasha loogu jeediyey. Sidoo kale wuxu sharaxaad dheer ka bixiyey sida loo diyaariyo miisaaniyadda Somaliland iyo sababaha ka dambeeya sida wasaaradaha loogu kala badiyey miisaaniyadda. Xoghayaha xisbiga Waddani Khadar iyo Xoghayaha UCID Cabdinaasir Qodax ayaa si ba’an u dhaliilay miisaaniyadda Somaliland ee 2019 isla markaana sheegay in ay tahay mid aan ka turjumayn xaaladda horumarineed iyo baahiyaha dadka Somaliland.

Dadweynaha madasha ka qaybgalaya ayaa su’aalo darandoori ah weydiiyey Wasiirka Maaliyadda kuwaas oo isaga iyo xubnaha madasha kala qaybgalaya ay ka jawaabeen.

Iyadoo ay munaasibaddu hadda socoto wixii faahfaahin ka soo kordha waan soo gudbin doonaa.

bandhige@gmail.com