Wanaag isfarista iyo wax iswaydaarinta: Buuqa Isha gobka (WQ: Mohamad Hirsi G Abdibashir)

Ayaamahan waxa warbaahinta ku jiray, wadaad ka hadlay macaasi iyo fusuq uu sheegay in ay ka jiraan Hargeysa iyo dad badan oo arrintaa ka xanaaqay!

Aan arrintaa saddex dhinac ka istaago.
1- Dhinaca sheekha ama guud ahaan wadaadada
2- Dhinaca dadka ka xanaaqsan
3- Dhinaca caddaaladda war tebinta

Wadaadka sheekh Cabdiraxmaan, dhawr jeer ayaa buuq ka dhashay khudbado uu jeediyey. Waa qof bina Aadan ah oo gefi kara. Arrin uu wanaag u wadayna waa ay ka qaldami kartaa. Laakiin waxa uu iila muuqdaa sheekh dadaal iyo qiiro diineed oo xooglihi ka muuqato.
Qiiradiisa iyo dadaalkiisa waa in lagu garab istaago, wixii gef ah ee ka dhacana looga nasteexeeyo. In la caayo iyo dacaayad loo sameeyo qof daaci ah, waa qalad.
Gefafka ka dhici kara sheekha ee qolyihii ka xanaaqay khudbadihiisa ay cuskanayeen, waxaa u sal ahaa; qiimaynta waaqica oo u baahan in uu dib ugu noqdo. Tusaale ahaan:

1- Waxa koray oo xoogaystay dad badan oo ku kacsan wadaadada iyo khidaabka diiniga ah ee soo jireenka ah. Qaar badan waxbay barteen oo naqdinta wararka iyo faaqidaadda tixraacyada iyo maraajicda wax baa uga bilaaban. Marka aad khudbadaynayso, waa in aad xisaabta ku darsato arrintaa. Marka horeba arrintaas hubinta iyo tirinta ereyadu waa kitaabi oo waxa la ina faray in aan ุชุซุจุช iyo ุชุจูŠู† samaynno. Laakiin arrintaa waa la dhayalsadaa. haddiise markii hore la haystay mujtamaca ku kalsoon culimadooda oo u cudurdaara surmaseegtadooda, maanta waxa jira qolyo wax ku fiirinaya “Indho gorgor”. Faaโ€™iidooyinka waaweyn ee waxbarashadan casriga ah iyo isufuranka adduunka laga helayna waxa ka mid ah, in la kala saaro โ€kutiri kuteenka & runtaโ€ โ€ Mala-awaalka iyo Xaqiiqooyinka. Arrintaas aad ayey ugu wanaagsanaayeen culimadii hore, gaar ahaan ehlul-xadiisku. Hadda wadaadada Soomaaliyeed aad bay ugu liitaan.
2- Waxa aynu ku dhex noolnahay mujtamaca qabali ah, haddana caammo u badan. Si sahlan ayaa hadalkaaga loo maroorin karaa oo la odhan karaa, “Ma innagii ayey xiitaa masaajidadii inaga soo shiideen”. Weliba arrintu waa kala jaadjaade, haddii aad tahay nin dayro ka ah qabiilkiisa iyo siyaasadahooda, laga yaabee in aan dadka laga gadi karin, “Sheekh Hebel waa uu ina qabyaaladeeyey”. Laakiin haddii aad ka mid tahay, culimada bulshada la nool, waa in aad ereyadaada xiitaa miisaankaa sii saarto.
Sidoo kale bulsho siyaasad iyo xisbiyo kala jiiteen ayaad ku dhex nooshahay. Markaa waxa dhici karta in warkaagii, halkii war culimo loo arki laha, laga dhigo war siyaasadeed. Qofkuna isagaa is oge, waa in uu baraarugsanaado.
3- Dadka guud ahan waxa la jeclaysiiyey, shahwaadka, quruxda, tamashlaha iyo lahwiga. In la basriyo oo iimaanqab la geliyo mooyaane, lama mamnooci karo. Xaaraanna ma wada aha ee waa kolba sidii laga yeelo. Wakhti xaadirkan ay noloshii dadku soo yara fiicnaatay, waxa loo baahanayaa in la nefiso oo la raaxaysto oo la bulsheeyo. Halkan fursad weyn ayaa ugu jirta ninka daaciga ah. Ma aha in dadku kuu fahmaan, qof la col ah, quruxda, bulshaynta iyo nafisinta nafta. Waxa aad awooddaa in aad dadka ku dhiirriso u raaxaynta nafta, jidhka iyo maskaxdaba adiga oo siraadul-mustaqiimka ku hagaya.
6- Dadku waa ay danbaabayaan. Haddii aanay dambaabi lahaynna waaba la ina rogi lahaa. Saa, malaa’igta ayaa loogu talagalay in aanay danbaabin. Haddii marka la dambaabo aan laga toobad keeninna waxa aynu halis ugu jirnaa in la ina ciqaabo. Saa ibliis ayaa loo fasaxay dembigiisa si ciqaabtiisa uu aakhiro uun ugu helo. markaa dadka in la didiyo iyo in la cabsi geliyo midna looma baahna. Soo dhaweysta dadka. khayr ha laga shaqaysto. wixii leexda ha la jeclaysiiyo toobad keenka. Qofku haddii uu denbiga la dhuunto isaga oo adiga kaa baqanaya, waxba uma aad tarin.
qolyaha xanaaqsanna waxan ka leeyahay:

1- Xaqa iyo runtu waa laba erey oo isku macno ah. Haddii runta laga sheego arrin, waa in aan la fiirin, qofka shakhsiyaddiisa, manhajkiisa, qoladiisa iyo xiitaa shaqadiisa. Haddii waxa la sheegay run tahay, ha dafirin. haddii ay xaq tahayna ha ku sheegin baadil.
2- Barwaaqo, ganacsi iyo farxadba waa la heli karaa iyada oo aan macaasi iyo dhaqan burbur la samayn. Waa dacwad jaban in la yidhaahdo meel heblaayo iyo meel heblaayaba waxaas iyo waxaas ayaa ka jira. Haddii waxa meel heblaayo ka jiraa qalad yihiin, kuuma fasaxayso in aad meel heblaayo kale qaladkii ka abaabusho
3- Haddii warka sheekhu sheegay aanu run ahayn, adiga oo aan ku dhicin qaladaadka ku xusan labada qodob ee kore, run ku garnaqso
Caddaaladda war tebinta
Waxa loo baahanyahay in diidmo aad wax diidantahay, aanay kaa durkin caddaaladda.
1- Wixii dhab ah ee qofku sheego inta aad fasirato, ha uga dhigin dadka in uu isagu sidaa yidhi.
2- Been inta aad sheegto, in ay faaftaa waxa ka laasimaysa ciqaab aadu weyn. Haddii aad sheekhaaga immika waydiiso ninkii nebiga la tusay sida xun ee loo ciqaabayo, ee loo sheegay in wararka been abuurka ah uu faafin jiray, waad heli jawaab ku argagixisa.
3- Khudbaddan sheekha waxa aan daawaday bilawgii isaga oo carrab-baabay koonfurta iyo galbeedka magaalada Hargeysa oo laga soo dayriyey. Haddana waxa aan arkay, iyada oo laga jaray intii sheegaysay “Galbeedka” si looga dhigo sheekh reer hebel ah oo reer hebel kale khamiis u soo xidhay. Arrintaasi waa ay ka gadmaysaa dadka “Warmoogta” ah laakiin adigaagii sidaa wax u farsameeyey, bal soo warayso sheekhaaga aad ku kalsoontahay. Waa arrin aad u xun.