Raggu waa 9 nooc. Marka aakhiro la xisaabinayo, 3 waxa la weydiiyaa naftooda iyo arrimaha bulshada, 6 da kalena waxa la weydiiyaa naftooda oo keliya.
Saddexda la weydiiyo naftooda iyo arrimaha bulshadu ba waxa ay kala yihiin:
1. MAQANE HAYBIYE: wixii maqan ayuu raadiyaaa,
2. HELAA DHAQE: waa maareeye, ilaaliya, dhawra oo kobciya wixii loo dhiibo,
3. HAGI-YAQAAN: waxa uu yaqaanaa sida loo hoggaamiyo intan kale.
Shanta la weydiiyo naftooda oo kaliya:
1. HOO KU QANAC: waxa uu raali ku yahay mar ba ciddii wax siisa. Waa makarafoon cid kale ku hadasho isagu. Haddii uu ku maago isaga ha la hadlin, cid ku hadlaysa doon.
2. HADAL KU QANAC: waxaa deeqa hadal wanaagsan, gartii buu qaataa; tu uu leeyahayna lagalama dhaqaaqo. Is-af-garrad iyo wada-hadal ayuu ku abbaaraa arrimaha
3. HUMMAAG KU QANAC : waxa uu ku qancaa muuqa. Tusaale, waa kan ku faana inta dhisme ama daarood qurux badan ee ay reerkoodu leeyihiin. Nin adduunyo.
4. HANGOOL: noocani waa labba oo mid ka mid ahi aabbihii ayuu idiin gar qaadi. Midna Suldaankiisii ayaad wax ka sheegtay, bud ayuu ku saari. Mid reerkooda ah marka uu arko ayuu ku odhan “maad I garanaysaa. Waxaan nin reer hebel ah oo aad ilmaadeer tihiin/addeer aad u tahay” iyo waxyaabbo la hal maala oo is-aqoonsaddadii dhaafsiisan.
5. CEEB HILAAB: waa ninka qaadhaanka loo ururiyo, ee tolka u qaabilsan inuu galo dhammaan ceebaha iyo danbiyayda ay galaan, haddii ay tahay xatooyo, dil, kufsi iwm.
6. TIRO-KU-HEL: waa ninka la xasuusto uun marka la is tirsanayo. Waa marka la leeyahay horta hebel imisuu dhalay ee halkaasuun laga helo.
Saddexdiinaa ay labadda qoraayadda yihiin, midna saxafiga weyn yahay (iyo inta la midka ah ee qallinka ku halganta) waxaan u carrabbaabay in aad kaydkiina abwaanka ugu dartaan xikmaddan dadkana la wadaagtaan markaad garataan.
Waxaan ogahay in idinka qudhiina in badan la idinku ururo oo ha anfacddana waan is idhi. Ma saddexda hore mise lixda dambe. Saddexda hore iska dhabba, la doodda iskuna garaabba, shanta dambe se u dulqaata xil baa idinka saaran.