Waraaqdii Odayaashii Reer Hargaysa u qoreen Afweyne (WQ: Cali Cabdi Coomay)

30/3/1982 ayey odayaashii reer Hargaysa waraaq u qoreen Maxamed Siyaad, taasi oo ay kaga warramayaan wixii ka dhacay gobolladii waqooyi (Soomaalilaanta maanta), ee ay geysteen maamulkii gacanta ku hayey iyo waxa dhici doonaa mustaqbalka haddii aan si deg deg ah waxa looga qaban, oo ay cawaaqib xun keeni karto.  Waxa ay sidoo kale odayaashu ka digeen inay saamayn xun ku yeelan doonta gobollada waqooyi (Soomaalilaan). Waraaqdu waxa ay u qornayd sidan:

Ku: Madaxweynaha J.D.S Jaalle S/Gaas Maxamed Siyaad Barre.

Ka: Odayaasha Reer Hargaysa

Muqdisho——30/3/1982

Ujeeddo: Gudbin warbixin

Iyadoo aanu dareenay khatarta iyo burburka ku iman kara midnimada ummadda soomaaliyeed, waxa aanu isu xilsaarnay baadhista arrimaha keenay dhibaatooyinka abuuray khatartaasi, muddo laba toddobaad ah haddii aanu fadhiyo is-dabajoog ah ku falanqaynay dhibaatooyinka la xidhiidha waqooyiga (Soomaalilaan0, waxa aanu goosanay in aanu ku soo gudbino dareenka dadweynaha oo aanu u soo habaynay war-bixin iyadoo aanu u aragno in wax ka qabashadoodu tahay lagama maarmaan habka dhibaatooyinkaasi loo daweynayo, Jaalle waxa aanu go’aaminey:-

  • In nabadgeliyo iyo xasilooni wada jir ah lagu maamulo  dalka
  • In imaatinkaaga gobollada waqooyi(Soomaalilaan) gacan xoog leh ka geysan karo xallinta mushkiladaasi, iyadoo aad nala dareemi kartid xaalada adage e uu waqooyi ku sugan yahay, ka bacdi marka aad la kulantid odayaasha iyo dadweynaha, aad taaban kartana dareenka dhabta ah ee dadku qabaan. Waxa aanu kuugu soo gudbinaynaa warbixin kooban oo ku saabsan arrimaha aanu doonayno in la baajiyo, iyadoo aanu u aragno daweynta arrimahaasi inay yihiin saldhiga midnimada iyo qaranimada soomaaliyeed.

Naga guddoon salaam wacan

 

Magacyada odayaasha

= suldaan Maxamed Sul. Faarax Guddoomiye

= suldaan Cabdilaahi Sul. Cabdiraxmaan

= Suldaan Maxamed Sul. C/qaadir

= Maxamuud Cilmi Cabdalle

= Axmed Maxamuud Nuur

= Cabdi Aw ismaaciil Qabile

= Cawil Jaamac Maxamuud

= Sh. Khaliif Sh. Xasan Gudaal

= Axmed Sh. Nuur Hurre

= Axmed X. Cabdi Warsame

= Faarax Carraale Guuleed

= Xaaji Axmed Ildab

= Nuux Maxamuud Rooble

= Yuusuf Khaliif Cige

= Xaaji Maxamuud Askar Aaye

= Aadan Maxamed Siraad

= Maxamed Jaamac Belel

= Yuusuf Cismaan Xasan

= Iimaan Jaamac Cawed

= Cismaan Aadan Xasan

 

Ayaan darro se Maxamed Siyaad wax qiimo ah umuu yeelin taladii odayaashu ku doonayeen in lagu badbaadiyo burbur ku yimaada ummadda Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaan gobollada waqooyi (Soomaalilaan), waanu ku gacansaydhay. Wixii intaasi ka dambeeyey xaaladii gobollada waqooyi faraha ayey ka sii baxaysay, waana tii keentay inay afka dhulka darta dawladii afweyne.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

 Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com

Tixraac:

Raadkii Siyaad iyo Raadcadii shacabka (2014)…… Cabdilaahi Cige (Distoor)