Wardhiigley mise Warta Nabadda? (WQ: Cabdicasiis Ibraahin Ciise ”Daacad”)

Sida la wada ogsoonyahay, soomaalidu ma ay haysan qalab isgaadhsiineed oo lagu xafido dhacdooyinka maalinlaha ah iyo kuwa taariikhda ah ee la soo xigan karo. Marka la tilmaamayana waxa lagu sheegaa inay ahaayeen bulsho ka madhnayd aqoonta iyo xaddaaradda qalinka. Sidaa awgeed, ay ku luntay nolosheedii aasaaska iyo jiritaankeedii keyd la’aan iyo qoraal la’aan. Balse in kamida lagu xifdiyey laba xaalo oo kala ahaa: ‘Suugaan’ iyo ‘Sheekooyin kutidhi-kuteen ah ama war dhegood’.

Haddaba, iyadoo soomaalidu qaadata miqiyaaska ah ‘Isha iyo dhegta midkee da’ weyn?’ Ayaa haddana aynu sugantida taariikhda u isticmaalnaa maxaa sax ahaa ee aabbayaasheen ama awoowyaasheen aynu ka soo gaadhnay. Waa halka isa seegga taariikheed ee magacan iyo kuwo kaleba loo asalguursho.

Sida la malaysan karo, taariikhduna ka gadaal isurogtey beryahan danbe, waxa 1967kii dirir dagaal dhexmartay laba beelood oo walaalo ah, isku degaanna ah oo wada deganaa meesha iminka loo bixiyey ‘Warta Nabadda’ hore se u ahayd ‘Wardhiigley’. Dirirtaas oo dad badan ku soo gaadhay in lagu riiqday oo birta la iska aslay ayaa lagu xidhiidhiyey magaca xaafaddan/degmadan Wardhiigley. Taas oo magacan Warta Nabadda ay ula baxday 7dii April 2012 dawladdii Sh. Shariif.

Haddii magacii macne ahaan halkaas lagu jideeyay, ma sax baa in magacu sidan ku baxay oo Wartu ay ahayd meel dhiig ku daatay mise maaha? Aan si degan u saafo sida magacu ugu baxay xaafadda iyo weliba inuu 70 sanno muddo ku dhaw ka horreeyay dirirtan lala xidhiidhinayo.

Ciddii garanaysaa garanaysee, xaafadda Wardhiigley waxa kor ka xigta Boondheere. Boondheere berigii hore ee aanay magaaladu fidin waxa deganaa dad xoolo dhaqato ah. Dadkaas xoolaha ay dhaqdaan ayaa kolka roobku da’o uu daadku soo qaadi jiray dhirqooda ama saaladooda iyo qashinba wixii la socda. Maadaama oo ay Boondheere ka sarrayso Wardhiigley ayuu daadku u soo rogmi jiray dhanka Wardhiigley oo ay ku taallay War weyn oo magaalada dhexdeeda ahaan jirtay; dhinaca Bari ee Beerta kuna dhaw dugsiga sare ee 15 May, waddada marta Masjidka Xaaji Yuusuf. Bartaas ayuu Kawaan xoolaha lagu qalaa ku yaallay. Berigaas magaalada waa ay ka baxsanayd Wardhiigley oo meel dhan uga durugsan baa ay ahaan jirtay. Sidaa awgeed, ayaa warta oo Kawaanka ag ah lagu sii deyn jiray ama daadin jiray dhiigga, uuska iyo wixii dareere ah ee xoolaha laga nadiifiyo. Dhanka kale, biyihii daadka ee Boondheere ka soo rogman jiray iyo qashinkii xoolaha ee ay sideen sida Saaladii adhiga iwm, ayaa isugu iman jiray Wartaas. Kolkaas baa dadku marka ay ka fog yihiin ay ula muuqan jirtey dhiig dhiig oo kale. Waa sababtaas sida magaca la isugu ladhay Wartii iyo Dhiiggii ula muuqday biyihii warta ku jirey ee loo yidhi, “Wardhiigley”.

Haddaba akhriste, xilli ku aaddan ka hor dagaalkaas 1967kii oo magacu baxay iyo sheekadan dirirtu ma noqon kartaa in la isku qaldi karo? Waa maya. Run ahaantiina waa mid xaqiiqdeeda ay ka dheregsan yihiin waayeelkii deganaa ama ku isirnaa xaafaddaas.

Taariikhdan waxa ila wadaagay iina xaqiijiyey ninkii aabbihii ku magacqaatay degmada Eng. Cabdirisaaq Wardhiigley oo ah odayga sawirkan igula jira.

Qalinkii: Cabdicasiis Ibraahin Ciise (Daacad)
Qalin-dhuux
04 Feb 2020
Hargeysa, SomalilandImage may contain: 2 people, people smiling, people standing, tree and outdoorImage may contain: 1 person, smiling, standing, beard, sunglasses, outdoor and close-up