Dawladda Kenya oo xaqiijisay geerida madaxweynihii hore ee dalkaas Daniel Toroitich Arap Moi

Madaxweynihii hore ee Kenya Daniel Arap Moi oo ahaa hoggaamiyihii ugu waqtiga dheeraa dalka ayaa dhintey isagoo da’diisu tahay 95 jir, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiska madaxweynaha hada ee Uhuru Kenyatta, kaasoo lagu shaaciyey idaacada dowlada subixii talaadada.

Madaxweyne Daniel Toroitich Arap Moi waxa uu dhashay 2-dii bishii Sabtembar ee sanadkii 1924, kana soo jeeda qowmiyadda Kalenjinta ee degta galbeedka wadanka Kenya ayaa xilka madaxweyne ku xigeenka qabtay sannadkii 1967-dii.

Shan iyo toban sano kadib markii Kenya ay xornimada ka qaadatay Ingiriiska 1963, Mr. Moi wuxuu madaxweyne noqday kadib geeridii Jomo Kenyatta. Moi, waxa uu hore u ahaan jiray macallin wax ka dhiga iskoolka iyo sharci dajiyayaasha qaranka ee waddanka Kenya. Mr. Moi wuxuu ku guuleystay shan doorasho oo isku xigta. Sannadihii 1979, 1983 iyo 1988, isaga iyo Isbahaysigiisa Qaranka Kenya. In kasta oo in ku dhow 1,000 qof ay ku dhinteen isku dhacyada la xidhiidha dib-u-habeeynta dastuurka, haddana doorashadii xisbiyada badan waxaa la qabtay 1992 iyo 1997.

94 sano jirka Moi waxaa uu dalka Kenya soo maamulayay 24 sano, waxaana uu xilka ka degay sanadkii 2002. Moi oo muddooyinkii dambe xanuunsanaa, ayaa xaaladiisa caafimaad lagu la tacaalayay dibadda waddanka iyo gudaha dalka Kenya.

Xigasho:- Warbaahinta Caalamka