Sidaย taariikhda iyo waayo aragnimadii laga dhaxlay hayaankii dheeraa eeย ay nolosha aadamuhu soo martayย inna tusinayso, ma jirto ummad horumar iyo barwaaqo ku tanaaday oo aanuu hogaamiye han iyo himilo xambaarsani horkicin.
ย Isla sidaas oo kale, ma jirto ummadย fashilantay oo aanuu hogaamiye xumi sababteeda la hayn.
ย Madaxweyne, waxa uu Ilaahay kuu qadaray in aad hogaamiso qarankan jamhuuriyadda Somaliland oo ah, dal ay duruufo iyo waayo badani ku xeeran yihiin, islamarkaana baahi weyn u qaba, in uu helo hogaamiye si daacad ah uga shaqeeya danaha iyo masaaliixda ay ummadani leeyahay. Kaa sooย ka sabata bixin kara, dhibaatooyinka iyo mushkiladaha ragaadiyay.
ย Madaxweyne, markii ay shacabka Somaliland safafka dhaadheer ugu jireen goobaha codbixinta, hamigooda iyo hindisahooda ma ahayn, hawaawi-socod iyo dameeri dhaan-raacday.
Waxay seย la haayeen ujeedooyin cad-cad iyo himilooyin si qoto-dheer, ugu arooraya baahiyaha dhaqan-dhaqaale iyo siyaasaseed ee ku gadaaman noloshooda.
Waxay sidoo kale dib u jalleecayeen, sooyaalkaย iyo waayaha nololeed ee ay soo dhex-jibaaxeen. Waxay ย si dhow ula socdeen xaaladda siyaasadeed, dhaqaale iyo bulsho ee aynu la tacaalayno. Waxayย isha ku hayeen horumarka iyo ilbaxnimooyinka dunida ka hanaqaaday.
Waxayย maanka ku hayeen, saboolnimada iyo shaqo la’aanta baahsan ee bulshadeenna ย ku habsatay.ย Iyaga oo intaa iyo inkale oo badanba ka duulaya, ayay madaxweyne, codka ugu badan adiga kuu hibeeyeen.
Waxaanuuย malahoodu ahaa, in aad noqon doonto hogaamiye lagu hodmo, oo taariikhda baal dahab ah, ka galidoona. Nasiibdaro se madaxweyne,ย in badan oo bulshadii kuu codaysay ka mid ahi,ย waxay iswaydiinayaan halbeeggii iyo miisaankii ay maalintaaย wax ku cabireen.
Madaxweyne,ย yuhuuntii iyo niyad samaantii ay shacab badan oo reer Somaliland ahi kuugu codeeyeen, waxa udub dhexaad u ahaaย rajo iyo idi-diilo togan oo ay ka qabeen hogaamintaada. Waxa se hubaal ah, in uu maanta jiro guux iyo gocosho xoog badan, oo bulshada ka dhex aloosani, kaa sooย salka ku haya, tabashooyin si mug weyn ugu arooraya hogaamintaada.
ย Madaxweyne, markii ay shacabka Somalilandย codkooda ku siinayeen, waxayย saadaalinayeen, in aad la iman-doonto qorsheyaal cad cad iyo istaraatijiyad si cilmiyaysan looga fikiray. Taa sooย ka jawaabaysa, duruufaha iyo waayaha nololeed ee shacabkani la ilmaynayaan. Waxay se madaxweyne, maanta garwaaqsan yihiin, in ay taasi noqotay riyo beena iyo geedi lagu hungoobay.
Madaxweyne, markii ay shacabka Somaliland codkooda ku siinayeen,ย waxay maanka ku hayeen in aad noqon-doonto hogaamiyihii ugu horeeyay ee si dhab ah xididada ugu siiba musuq-maasuqa iyo wax is daba-marinta. Sidoo kalenaย salka u dhigi lahaa, nidaam maaliyadeed oo hufnaan iyo hubanti ku shaqeeya.ย Madaxweyne, waxay shacabkii kuu codeeyay maanta ku qanacsan yihiin, in aanuu musuqmaasuqu lur iyo xanuun midna kugu haynin.
Madaxweyne, markii ay shacabka Somalilandย codkooda ku siinayeen, waxay kaa-filayeen in aad dhidibada u taagi doonto horumar dhaqaale, mid bulsho iyo mid siyaasadeed oo dhumuc weyn, ku waa soo ku qotoma, daraasado iyo cilmi-baadhisyo si xeeldheerย looga baaraandagay.ย Waxay se madaxweyne, maanta rumaysan yihiin in xisaabtii ay maalintaa isku geysteen khalad ahayd.
Madaxweyne markii ay shacabka Somaliland codkooda ku siinayeen,ย waxay odorosayeen in aad rukumada u taagi doonto, nidaam maamul oo si waafiya ugu dhaqma shuruucda iyo qawaaniinta dalka u yaala. Islamarkaana ayย Somaliland noqonto, dowlad iyada iyo shacabkeeduba xaq-dhowraan shuruucda iyo xeerarka dalka u yaalla.
Waxay se madaxweyne,ย maanta dareemayaan in uu xaalku yahay, la jiifiyaana banaan, la joojiyaanaย banaan.
Waxa Qoray: Cumar Axmed
Cali.cumaraxmed331@gmail.com/tel
0634244802.