Qaar ka mid ah masuuliyiinta ugu sareeya Gobolka Togdheer ayaa laga helay xanuunka  Covid-19

 

Kadib markii ay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, sheegtay in Xanuunka Covid_19 uu meel halis ah ka marayo dalka, isla-markaana ay kordhayaan Dadka u dhimanaya iyo kuwo soo ridanayaa ayaa waxa soo korodhay tirada Masuuliyiinta xanuunka COVID-19 haleelay,  iyadoo hore xanuunka looga Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil. Waxa sidoo xanuunka laga helay qaar ka mid ah masuuliyiinka ugu sareeya Gobolka Togdheer.

Masuuliyiintan ayaa waxa ka mid ah Taliyaha Ciidanka aAsluubta Togdheer, Guddooomiyaha Komishanka ee gobolka iyo maayirkii hore ee magaaladda Burco, dhegolaab.

Masuuliyiintan oo ka mid ah kuwo udub dhexaad u ah shaqada gobolka, ayaa hadda la tacaalaya xaaladooda caafimaad.

Xanuunka Covid-19, ayaa si hawli ah ugu faafaya guud ahaan Somaliland, iyadoo ay aad u korodhay  tirada dadka laga helo xanuunka COVID-19 maalin walba.

bandhige@gmail.com