Golaha Wakiillada JSL iyo wax-ka-badelka Xeerka Ururrada iyo Axsaabta Xeer Lr 14 iyo rejada dadka Somaliland

Shalay oo ay taariikhdu ahayd 13-March-2021 ayaa waxa uu gudoomiyaha golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland gudi u saaray ka soo talo bixisa wax ka badelka iyo kaabida lagu sameyn doono xeer lr.14 oo ah xeerka ururada iyo axsaabta siyaasada Somaliland oo ka mid ahaa ajandaha kalfadhiga golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland ee 45naad.

Xeerkani waxa uu saldhig u yahay nidaamka doorashooyinka iyo dimuqaaradiyada Somaliland oo waa xeerka ay ku dhisan yihiin axsaabta jamhuuriyada Somaliland , sidoo kale xeerkani waxa ku dhisan gudiga diwaan galinta ururada iyo axsaabta siyaasada Somaliland oo ah hayโ€™ad dawladeed oo uu madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland gudigeega magacaabo.

Xeerkani waxa uu soo maray taariikho badan iyo marar hore wax laga badaley isaga oo xeerka markiisa hore la sameeyey sanadkii 2000 oo waxa uu ahaa seeskii nidaamka dimuqaradiyadeed ee Somaliland .

Hadana waxa wax ka badel lagu sameeyey sanadkii 2011 kii oo xiligaasi markii dib loo eegay dastuurka dalka jamhuuriyada Somaliland iyo xuquuqda siyaasadeed ee muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland , sidoo kale markii la eegay baahida dadka jamhuuriyada Somaliland u qabaan in ururo siyasadeedyo kale yimaadaan , oo ay furan karaan muwaadiniinta aan ku qancin sadexdii xisbi qaran ee xiligaasi joogay .

Waxa ugu weyn ee la isku qabsaday xiligaasi waxa ay ahayd axsaabta siyaasada jamhuuriyada Somaliland maadaama oo uu dhigayo qodobka 9aad ee dastuurka jamhuuriyada Somaliland faqradiisa 2aad in aan axsaabta siyaasadu ka badan karin 3 xisbi qaranย  , isla xeerkaasi faqradiisa 3aad waxa ku qoran qaabka loo furan karo xisbi siyaasadeed iyo waxa ka reeban oo ah gobolaysi iyo qabyaalad , oo faqradani cadeyn u tahay in la furan karo xisbi siyaasadeed.

Sidoo kale waxa kabaya qodobada dastuurka ah ee 23naad faqradiisa 3aadย  iyo qodobka 22naad faqradiisa 1aad iyo 2aad , markaa waxa ay noqotay in wax laga badelo xeerkii hore ee ururada iyo axsaabta jamhuuriyada Somaliland xeer lr14. 2000 oo uu noqdo xeer lr.14 2011 , waxaana si cad loogu qeexay in 10kii sanadoodba hal mar la furto ururo siyaasadeed , iyada oo lagu furi doono doorashada dawladaha hoose ee dalka.

Haddaba waxa uu golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland soo saaray bishii sept ee 2020 xeer loogu magac daray xeerka guud ee doorashooyinka jamhuuriyada Somaliland , oo lagu ururiyey dhawr xeer doorasho , waxaana uu xeerkaasi madaxweynaha Somaliland saxeexay 14/10/2020 isaga oo xeerku faafinta rasmiga ah ee garyaqaanka guud ee qaranka galay 19/10/2020 .

Xeerkani cusub ee Xeer lr.91 faaiidooyinka ugu waaweyn ee ku jiray waxa ay ahaayeen in uu xeerku qaabeeyo hanaanka guud ee doorashooyinka iyo xeerarkooga marka laga reebo xeer lr 14 , waxaana meelaha ugu muhiimsani ahaayeen in xeerkani lr.91 lagu xusay in faqradiisa 6aad in gudiga doorashooyinku hal mar wada qaban karaan halย  doorasho iyo waxii ka badan , faqradani oo u gogol xaadhaysa mustaqbalka in doorashooyinka mar la wada qaban karo , sidoo kale xeerka waxa ku jiray shuruudaha murashaxyada doorashooyinka wakiilada iyo deegaanka oo wax laga bad badalay.

Xeerka waxa kale markii la sameynayeyย  lagu daray hadii goleyaasha deegaanada dalku mudo dhaafaan duruufaha xeerarku sheegeen awgood in loo kordhin karo mudada sida goleyaasha kale ee qaranka , isaga oo aanay xeerarkii kale ee hore ku cadeyn oo ay dhacday in goleyaasha deegaanka oo mudo xileedkoodii sharciga ahaa dhamaaday hadana ay iska fadhiyeen ,ย  isaga oo uu qiil u noqday qodob ku jira Xeerka gobolada iyo degmooyinka Xeer Lr.23 oo sheegaya in golaha deegaanka gole kale oo deegaan oo la doortay uun ay badali karaan.

Haddaba xeerkani markii la sameynayey laguma fadhiisin Xeer lr14 oo ah xeerka uu ku aas-aasan yahay nidaamka dimuqaradiyadeed ee dalka jamhuuriyada Somaliland , hadii aan xeerarka la waafijinina waxa laga yaabaa in uu khal-khal ku yimaado wareega shaqo iyo xili ee doorashooyinka ( elections mandate and frame work disorder ).

Sidoo kale xeerkani waxa ku jira oo aad loo danaynayaa furistii ururada siyaasada oo ahayd in lagu furo doorashadan dawladaha hoose ee mudaysan 31-05-2021 ,ย  hadana wali ay axsaabta siyaasada ee maanta joogta ay mudo koobani uga hadhsan tahay shahaadadoodii oo aanu wakhtigoodii dhamaanin , iyada oo dadka somaliland ee danaynaya ururada siyaasaduna qabaan tuhun hoose oo axsaabta maanta joogtaa ay doonayaan in aan ururo lagu furin , ayaa aad loogu dhag taagayey waxa laga yeeli doono Xeer lr 14.

Dad badan baa hore wax uga qoray oo aan ka mid ahay oo is weydiinayay sababta xeerka loogu daray ajandaha kalfadhigii golaha wakiilada , isweydiinahan iyo filashada shacabka jamhuuriyada Somaliland ee ah in la furo urur siyaasadeedo cusub waxaa jawaab wanaagsan u noqon doonta qaabka uu golaha wakiilada jamhuuriyada Somaliland xeerkani wax uga badelo iyo sida uu goluhu isugu hagaajiyo xiliga ururadii la furayo , qaabka kale ee loo furi karo maadaama ay doorashadii deegaanku ee lagu furi lahaa meesha ka baxday , waana aynu sugi doonaa insha Allah.

Qofwalba waa ku waajib in uu ilaashado xeerarka dalkiisa , u dagaalamo xuquuqaha muwaadiniinta jamhuuriyada Somaliland ee dastuurka dalka iyo xeerarku siiyeen oo ay xuquuqda siyaasadeed tahay mid ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee u baahan in loo ilaaliyo dadka jamhuuriyada Somaliland.

 

Mohamed Abdi Jama

Mohamed Dhimbiil