Warsangali ma Jirto Soomaali Xadaarad iyo Xukun Ka Horeeyay
Qoraalkan oo aan sannad ka hor ku daabacay bartaydani Facebook ayaa dad badan ila soo xidhiidheen si ay u helaan, waa kan markale:
Ma jirto jinsiga iyo cirdiga Soomaali, xadaarad iyo taariikh uga horaysay Saldanaddii Warsangali (Warsangali Sultanate).
Iska dhaaf taariikhda Soomaalida eh, Xadaaradda mandaqadda Afrika iyo Aasiya ayey ka mid ahayd xadaaradahii iyo ilbaxnimooyinkii hormoodka ka ahaa.
Sida ku xusan buugga “Warsangali Sultanate” ee ay wada qoreen Ronald Cohen iyo Jesse Russell, taariikhda Saldanadda iyo xadaaradda Warsangali ayaa soo bilaabantay sannadkii 1218 kii iyadoo soo taxnayd ilaa sannadkii 1960, waa xadaarad ku siman 700 oo sannadood.
Waxay ka talinaysay saldanadaasi dhulka ku dhereran waqooyi bari ilaa Koonfur Bari ee ka bilaabma Sanaag ilaa Eyl ilaa gobolkii Bari ee loo yaqaanay xeebaha Maakhir.
Buuga kale ee uu daabacay qoraaga I M Lewis ee loo yaqaano “Pastoral Democracy” ayuu ku tilmaamay Garaad kii ka talinaayay xukuumaddii Saldanadda Wersengali nin ka aqoon badna hogaamiyayaashii Saldanadahii ka jiray mandaqadaha ku dhawa sida Yemen ilaa Saaxilka carbeed, Garaadka waxaa loo yaqaan “Garaad Dhidhin”
Qarnigii 19 aad oo Saldanaddu mar kale awood yeelatay ayaa waxaa ka talinaayay Suldaan Maxamed Cali Shire, waxaa lagu tilmaama in xadaaraddii iyo ilbaxnimaddii Saldanadda ay usoo waxbarasho doonan jireen Xukunaddii kale ee mandaqadda ka jiray, waxyaabaha ay caanka ku ahayd Saldanaddii Warsangali ayaa ahayd dhismaha iyo nashqadaha, farsamadda doonyaha kalluumaysiga, iyo aqoonta nashqadaha sawirka “the Architect and drawing literature”
Sida buuga “Warsangali Sultanate” ku xusan, magaaladda Laas Qoray waxaa ku yaallay kuuliyad ay usoo waxbarasho doonan jireen arday ka iman jirtay Harar ilaa Saldanaddii Al-mahri loo yaqaanay ee dalka Yemen ka jirtay, ardaydaasi waxay baran jireen culuumta samaynta dhismayaasha iyo farsamadda doonyaha.
Waxay saldanadda Warsangali furtay ganacsigii dhinaca bedda ugu horeeyay ee Soomaali samayso sannadkii 1244 kii, iyadoo doonyo lagu sameeyay Laas Qoray ay ka qaadi jireen magaaladda fooxa iyo beenyadda, isla markaana ay timir iyo bariis kaga soo badalan jireen saldanadahii ka jiray Yemen ilaa Khaliijka carbeed.