Xarunta Xuquuqal Insaanka waxay canbaaraysay xadhiga abwaan Cabdiraxmaan Abees

Maalintii sabtida ahayd ee 12 January 2019 waxa dawladda Somaliland ay xidhay abwaan Cabdiraxmaan Abees oo ah muwaadin dhalashada Somaliland iyo Ingiriiska haysta.

Xadhiga abwaanku waxaay la xidhiidha gabayo uu ka tiriyay 11 January maagalada Hargeysa, sida ay Xarunta Xuququqal Insaanka u xaqiijiyeen saraakiil dawladda ah iyo ehelka abwaanku.

Abwaanku wuxuu madal lagu qabtay Hargeysa ka akhriyay laba gabay oo ka hadlay โ€œhab-dhaqan qalafsan oo booliiska ah, โ€œxadhiga aan sharci ahaynโ€ iyo โ€œhogaan xumo.โ€

Wuxuu hada ku xidhan yahay Xarunta Dembi Baadhista ee Hargeysa, unugga la dagaalanka argagixisada.

Abwaan Abees waxa laga xidhay maqaaxi ku taal Hargeysa iyada oo aan la tusin amar maxkamadeed oo xadhigiisa amraya, dad goob joog ah iyo ilo kale ayaa sidaas u xaqiijiyay Xarunta.

Qodobka 25(2) ee Dastuurka Somaliland wuxuu sheegayaa inaan qofna la xidhi karin hadii aanu markaas dembi faraha kula jirin ama amar garsoore oo sababaysan loo haysan xadhigiisa.

Qodobka 32(1) ee dastuurku wuxuu u damaanad qaaday qof walba xorriyada inuu aragtidiisa dhiibto.

Xadhiga abwaanku waxaay xad gudub ku tahay dastuurka Somaliland, waana cabudhin.

Qoyskiisa iyo qareenadiisa waa loo diiday inay la kulmaan abwaanka, sida uu Xarunta u sheegay abwaanka aabihii iyo qareenkiisa, qareen Sacad Yaasiin Maxamuud. Isku day ay doontay Xaruntu inay kula kulanto abwaanka waa loo diiday.

Qodobka 27(1) ee Dastuurku wuxuu sheegayaa in qofka la xidho sida ugu dhaqsaha badan uu ula kulmi karo qaraabadiisa, qareenkiisa iyo cidii kale ee uu codsado.

Dhinaca kale, waxa maanta Maxkamadda Gobolka Hargeysa ay yeedhmo u qortay suxufiyiinta wargeyska Foore, Maxamed Maxamuud Yuusuf iyo Cabdirashiid Cabdiwahaab Ibraahim oo lagu eedeeyey inay qoreen โ€œwar been abuur ahโ€ iyo โ€œcay,โ€ sida ku qoran yeedhmada. Lama faah-faahin waxa ay dacwadoodu tahay.

Xaruntu si aad ah ayay uga walaacsan tahay xadhigga Abwaan Abees iyo dacwadda ciqaabta ah ee lagu soo oogay suxufiyiinta wargeyska Foore. Waxaay ka codsanaysaa dawladda Somaliland inay sii dayso Abwaan Cabdiraxmaan Abees, ayna la noqoto eedaha ka dhanka ah suxufiyiinta Foore.

Guleid Ahmed Jama

Agaasimaha Ku-meel gaadhka ah ee Xarunta Xuquuqal Insaanka

Email:ย hrcsomaliland@gmail.com