Wasaaradda beeraha iyo wasiirkeeda maxaa la gudboon? (WQ: Cabdiraxmaan Ismaaciil Aadan)

 

Asalaamu calaykum waraxmatullaahi wa barakaatuh. Sida aynnu wada ogsoonnahay waxa waddanka ka dhacay is beddel hoggaan. Somaliland waxa ay yeelatay madaxwayne cusub iyo gole wasiirro oo cusub inkasta oo ay wasiirradu si sharci ah wasiirro u noqonayaan marka ay si buuxda u ansixiyaan golaha wakiillada ee Somaliland hadana waxa aan rabaa in aan halkan ku soo gudbiyo dhawr qodob oo aan u arkay in ay  la gudboon yihiin ama ay habboontahay in uu fuliyo wasiirka cusub ee wasaaradda beeraha mudane Axmed Muumin Seed iyo wasaaraddiisa horumarinta beeruhu.

Wax soo saarku waa waxyaalaha ugu horreeya ee ay tahay in laga helo waddan ama ummad meel deggan isla markaana waa mid ka mid ah lafdhabarradda nolosha aadamaha. Dal iyo dad dhan oo aan haba yaraatee la soo bixin ama beeran karin wixii ay cuni lahaayeen oo dekedo uun wax ka sugayaana waa wax aad ugu muuqda liidasho iyo karti la’aan, maanta waxa aynnu taagannahay xilliggii aynnu ugu yaraan la soo bixi lahayn quutal daruurigeenna isla markaana u dhaqaaqi lahayn sidii aynnu waddankenna wax ugala soo bixi lahayn. Cidda markastaba ay tahay in ay siyaasaddeeda ku darto wax soo saarka iyo horumarinta wax beerashaduna waa dawladda markaa jirta. Dawladduu waa in ay lahaataa qorshaha horumarinta beeraha “Agricultural development Plan “  maxaa yeelay dawladdu waxa ay awood dhaqaale iyo mid dhiirrigelineedba u yeelan kartaa sidii ay dadka ay masuulka ka tahay ugu abuuri lahayd mashruucyo horumarineed iyo wax soo saar oo aad u waawayn isla markaana lagu badhaadho lagagana maarmo cuntooyin inooga yimaadda dalal kale. Haddaba arrimaha aan odhan karo way ugu horrayn karaan ama mudanyihiin in wasaaradda beeruha iyo maamulkeeda cusubi ahmiyadda siiyaan waxa ka mid ah:-

  1. Horumarinta kaabayaasha dhaqaale ama wax soo saar:- marka aan leeyahay horumarinta kaabayaasha dhaqaale waxa aan u jeedaa wasaaradda beeruhu waa in ay ku darsataa miisaaniyadda wasaaradda kharash ay ku horumarinayso waddooyinka taga ama ka yimaadda dhulalka ay wax ka soo baxaan ama wax laga beero “ Agricultural production areas”. ama ay ku dhiirigeliso cidda qaabilsan dhisidda iyo horumarinta waddooyinka sidii ay xoogga u saari lahayd dhisidda waddooyinkaas. Taasi waxa ay ku dhiirigelinaysaa dadkii wax beeran jiray “ Farmers” in ay si sahlan u helaan suuq ama meelo ay u iib geeyaan wixii ay soo saareen. Tusaale waxa aynnu u soo qaadan karnaa dalagga ka soo go’a dhulal ka mid ah Sanaag iyo awdal sida Baki, Ruqi iyo meel kale oo badan, waxa aanay u soo gaadhi karin dhammaan suuqyada Somaliland waa waddo xumo ama waddo la’aanba.

2. Hirgelinta beero dawladeed:- wasaaradda beeruhu si ay uga qayb qaadato koboca dhaqaalaha waddanka isla jeerkaasna ay hormuud ugu noqoto wax soo saarka waddanka waxa la gudboon in ay samayso oo dhaqaale geliso hirgelinta beero ay leedahay dawladdu “ State farms”. Dunida waddamadu waxa ay leeyihiin beero ay iska leedahay dawladdu kuwaas oo ay ku beerto dalagyada ama cuntooyinka ay dadkeedu u baahanyihiin, si gaar ah kuwa muhiimadda koowaad u ah dadka deggan dhulalkaas “staple foods”. Arrintaasi wax kasta oo ay qaadato waa mid aad u qurux badan una baahan in laga hirgeliyo dhulkeenna. Waxana ay muhiim u noqonaysaa arrimo badan oo ay ka mid yihiin:-

  • Waxa ay abuuraysaa shaqooyin “ job creation” :- marka ay dawladdu samayso Il dhaqaale iyo wax soo saar oo ah hirgelinta beero dawladeed waxa halkaas shaqo ka helaya in badan oo ka mid ah bulshada sida dadka bartay aqoonta beeraha, muruq-maalka, gaadiidlayda, ganacsatada iyo qaybo badan oo kale oo si cad iyo si dadbanba wax uga helaya ishaa wax soo saar ee waddanku yeeshay.
  • Kor u kaca dhaqaalaha waddanka:- waxa kor u kacaya dhaqaalaha waddanka waayo waxa soo kordhay Il dhaqaale oo hanti iyo lacago badani ka soo geli karaan dawladda hirgelisay mashaariicdaas wax soo saar.

3. Dhiirrigelinta dadka wax beerta:- dawladda markaa jirta siiba wasaaradaha ku shaqo leh ee ay ka mid tahay wasaaradda beeruhu waxa la gudboon in ay dhiirigeliso taageerana siiso dadka beeraladayda ah, waxyaalaha ay tahay wasaaradda beeruhu in ay ku taageerto dadka wax beerta waxa ka mid ah:-

  • In ay siiso kab dhaqaale oo ay ku teegeeraan hirgelinta wax soo saarkooda.
  • In ay siiso iniinyo ay wax ku beertaan “ seeds”.
  • In ay samayso tiimam ama kooxo aqoon iyo xirfadba u leh wax soo saarka oo wax bara isla markaana ka caawiya beeralayda dhibaatooyinka wax soo saar ee haysta.
  • In ay ka caawiso beeralayda sidii ay u heli lahaayeen biyo ay wax ku beertaan. Sida hirgelinta ceelal biyood.
  • In ay sidoo kale abuuraan tiimam ama kooxo daryeela xoolaha ama wax soo saarka dadka wax beerta sida daawaynta dalagga iyo xoolahaba.

4. Ka war haynta hayadaha waddanka jooga iyo sidoo kale tijaabinta midhaha soo galaya waddanka:- wasaaradda beeraha iyo shaqaalaheeda waxa la gudboon in ay markasta ka war hayaan una dhug yeeshaan wixii la xidhiidha shaqooyinkooda ee waddanka ka jira. Waxa waddanka ka shaqeeya hayado badan kuwaasi oo qaar badan oo ka mid ah aynnu ka helno caawimooyin kala duwan oo dhankasta leh. Haddaba waxa jira kuwo aad mooddo in ay caqabad ku yihiin wax soo saarka waddankeenna danta ay doonaan ha ka lahaadaan e. Waxa jira kuwo qaybiya midho ama raashin xilliyada ay dadkeenna wax beeraa soo saarayaan dalagyada noocyadooda kala duwan, arrintaasi waxa ay niyad jab ku noqonaysaa qofkii wax soo saarayay, waayo? marka dadkii la siiyo midho bilaash ah oo lagaba yaabo xitaa in aanay tayo iyo nafaqo fiicanba lahayn qofkii wax soo saaray ma helayo suuq uu geeyo wixii uu soo saaray taasina waxa ay dib u dhac wayn ku tahay wax soo saarkeenna. Wasaaradda beeruhu waa in ay Il gaar ah ku eegtaa isla markaana la xisaabtantaa haayadahaas oo kale, sidoo kale kala shaandhaysaa hayadaha waddanka ka shaqaynaya ee qaabilsan qaybaha wax soo saarka “ Production sector organizations” . Sidoo kale wasaaradda beeruhu iyada oo kaashanaysa hayadda dawliga ah ee badhista-tayada “Quality control” waxa habboon in ay tijaabiso ama hubiso cuntooyinka iyo midhaha imanaya waddanka ee laga soo dajinyo dekedaha. Cuntooyinka qaarkood ma laha nafaqooyinkii ay ahayd in laga helo oo in badan waxa ka tayo iyo nafaqo wanaagsanba inta yar e aynnu la soo baxno. Sida oo kale waxa jira midho inooga yimaadda debedda “Exotic seeds” oo aan ahayn kuwo la soo daweeyay “non treatment seeds” ama la hubo. isla markaana wax yeelayn kara  dhulkeenna ama nafaqooyinka ku jira ciidda aynu wax ku beeranno.

5. Dib u habaynta iyo tayaynta kooxaha ka shaqeeya fidinta beeraha:- iyada oo aan ogsoonahay in ay jiraan kooxo ka shaqeeya fidinta beeraha ama tayaynta awooddaha dadka wax beerta. haddana waxa aynaan indhaha ka qarsan karin in kooxahaasi aanay u shaqayn sidii la rabay, wasaaradda beeraha waxa la gudboon in ay goboladda iyo degmooyinka ka abuurto rugo cilmi-baadhiseed “Research centers” isla markaana tayayso, wax barto  oo tababarto kooxaha ka shaqeeya fidinta beeraha “ Agricultural Extention workers”. Shaqaalahaas waxa ay shaqadoodu tahay in ay u tagaan dadka beeralayda ah isla markana xog ururin ku soo sameeyaan dhibaatooyinka haysta dadkaas, waxyaalaha ay u baahanyihiin iyo waxyaalaha ay tahay in laga caawiyo isla markaana ay keenaan rugaha wax lagu badho sidoo kale ay aqoon iyo caawimoba ku celiyaan dadkii beeralayda ahaa. Wasaaraddu waa in ay dhammaan waddanka ka abuurta wada shaqayn ka dhaxaysa beeralayda, shaqaalaha fidinta beeraha iyo rugaha cilmi-baadhista.

Farmers—————–Agricultural Extension workers———————–Research Centers.

Arrintaasi waxa ay ku dhiirrigelainaysaa dadkii wax soo saarayay in ay dardar geliyaan isla markaana kobciyaan wax soo saarkoodii.

6. Xakamaynta dalagyada ka soo baxa waddanka ee ka imanaya dhulalka shisheye:- wasaaradda beeraha waxa la gudboon in ay u war hayso isla markaana qiimayso dalagyada waddankeenna ka soo go’i kara ee ay beeralaydeennu soo saarto in aanay inooga iman dhulal kale. Waasaradda beeruhu waa in ay dejisaa siyaasad ay kor ugu qaadayso wax soo saarka beeralaydeenna, siyaasaddaas waxa ka mid noqon kara in wax kasta oo ay beeralaydeennu awood u leeyihiin in ay soo saraan ay ka joojiyaan in ay waddanka uga yimaadaan dhulal shisheeye, taasi waxa ay qiimo u yeelaysaa wax soo saarkii waddanka isla markaana waxa ay abuuraysaa in dadkii wax beeri jiray ay ku dhiirradaan in ay wax badan soo saaraan.

7. Tayaynta iyo tababaridda shaqaalaha wasaaradda:- wasaaradda beeraha waxa la gudboon in markasta ay kordhiso xirfadda iyo aqoonta dadka ka shaqeeya wasaaradda. Waa in ay markasta siisaa tababarro la xidhiidha beeraha iyo xirfadaha la xidhiidha aqoonta wax beerista. Taasi waxa ay abuuraysaa in wasaaraddu yeelato shaqaale aqoon iyo awoodba u leh waxa ay qabanayaan isla markaana caawin kara dhammaan beeralayda waddanka.

Iyada oo aanan iska indho saabayn isla markaana aan ogsoonahay in waddankeenu yahay waddan yar oo aan dhaqaalihiisu aad u badnayn ayna ku adagtahay in uu hadda hirgaliyo dhammaan qodobadaa aan sare ku soo sheegay, Haddana waxa markasta ah in lagu dhaqaaqo intii la awoodi karo, markaana inta hadhay iyo inta kale ee badan ee aanan halkan ku xusinba in xisaabta iyo siyaasadda dawladda iyo wasaaradaha ku shaqada leh lagu daro si ay mar uun inoogu hirgalaan haddii allaha awoodda lihi ogolaado.

Qore: Cabdiraxmaan Ismaaciil Aadan.

Bartay aqoonta beeraha iyo deegaanka.

Ciwaan: Abdirahmaniayare@gmail.com

Burco, Somaliland.