Xusuusta 10 sano ka hor iyo xiisihii ku lamaanaa kulankii na dhexmaray madaxweyne Rayaale (WQ: Dr. Maxamed Yousuf Aw Cali “Culimo”)

Madaxweynihii hore ee JSL md Daahir Rayaale Kaahin xidhiidh wanaagsan ayaa naga dhexeeyey. Wuxuu ahaa nin dadka aad u dhagaysta, si adagna ula dooda dadka. kulamaddii ugu xiisaha badnaa ee aan la yeesho waxaa ka mid ahaa mid aanu ugu tagnay wakhti xaaladda siyaasadeed ee dalku murugtay 2007-dii.

Kulankaa waxaanu madaxweynaha u wada tagnay BoobeYuusuf Ducaale, prof Saleebaan Axmed Guuleed, prof Maxamed Siciid Gees, Dr Adam Yuusuf Abokor, prof Xassan Halas, Jacfar Gaada-weyne iyo AHU Marxuum Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye).

Shirka bilawgiisa waxaa soo qabanqaabiyey Academiga Nabadda iyo Horumarinta (APD). subaxnimadii hore waxaanu ku shirnay Hotel Ambassador oo aanu balan kula lahayn shirgudoonka golaha wakiiladda (C/raxmaan Cirro, C.casiis Samaale iyo Baashe Maxamed Faarax), isla galinkii dambena xafiiska Academiga (APD) ayaanu isugu nimid intyaddii guddida ahayd si aanu ugu diyaar garawno kulanka Madaxweynaha.

Wakhtigii balantu ahayd ayaanu madaxtooyadda tagnay. Albaabka ayaanu ku kulanay Maxamed Xusseen Cismaan (Muadinka) oo ka soo daadagay dabaqa sare oo madaxweyne Rayaale fadhiyey. Maxamed hadda waa madaxa Jaamacadda Edna University. Bil amaara waa maalmihii Cabdilaahi Xussein Iimaan (Darawal) oo wakhti dheer ahaa wasiir aan dhicin uu is casiley ee wasaaradda caafimaadka loo magacaabi doono Cabdi Haybe Maxamed oo ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee KULMIYE.

Waxaanu u tagnay madaxweynihii oo kali ah oo na sugaya. Salaan, soo dhawayn iyo shaah la noo diyaariyey ka dib hawshii aanu u soconay ayaanu gudo galnay.

Wakhtigaa KULMIYE waxaa uu ahaa xisbi mucaarad ah oo adag. Guddiddii doorashooyinka qaranka ee la magacaabay ayaa golaha wakiiddu qaar u ansixin waayeen arrimo siyaasadeed dartood taasina waxay abuurtay khilaaf xoogan oo u dhexeeya madaxtooyadda iyo baarlamaanka, waana arrinta ugu wayn ee taagnayd. Miisaaniyaddii golaha wasiiraddu ansixiyeen ayaa baarlamaanku wax ka badal ku sameeyeen una ansixiyeen si aan xukuumaddu raali ka ahayn taasina waxay sii hurisay khilaafkii jiray. Isla wakhtigaa waxaa xidhan oo xabsiga Mandheera loo taxaabay Dr Maxamed Cabdi Gaboose, Eng Maxamed Xaashi Cilmi iyo Jamaal Caydiid oo ku dhawaaqay inay sameeyeen ururkii QARAN. Guud ahaan jawiga siyaaadeed ee dalku waa xasaasi, bulshaduna dhagta ayay u taagayaan dhaq dhaqaaq kasta. Sidaas oo kale , jawi doorasho ayaa la isku diyaarinayey guud ahaan.

Waxaa hadalka bilaamay prof Saleebaan Axmed Guuleed oo ah gudoomiyaha jaamacadda Camuud oo madaxweyne Rayaale u sharaxay arrinta aanu ula socono…..

La soco qaybaha dambe.