“Xilkii Qaranka Maanta Laga Bilaabo Anaggu Waannu Ka Nasanay” Wasiirkii Madaxtooyada

Wasiirkii hore ee madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa maanta wareejiyey xilkii wasaaraddaas. Waxa halkaa ku dhammaaday toddoba sanno oo uu wasiir awood leh ka soo ahaa xukuumadda Somaliland. Qoraal kooban oo uu ku baahiyey barta uu ku leeyahay internetka ayaa sidan u dhigan:

Saaka farxad weyn ayey ii tahay in aan halkan xilkii qaranka aan u hayey muddo dheer aan ku wareejiyo, Ilaahay ayaannu ugu mahad-naqaynaa nimcooyinka kala duwan ina siiyey, nasiibooyinka kala duwana ina baal mariyey.

Waxaan ugu horayn jecelahay shaqaale weynaha kala duwan ee madaxtooyada ee halkan fadhiya ee lab iyo dhedigba ka kooban in aan ku boggaadiyo mudaddii aan halkan ka wada shaqaynaynay ee xilka qaranka iyo maysigan wada haynay ee dalka iyo dadka aynnu u wada adeegaynay, sidii aynnu isku kaashanay, sidii aynnu isu garabsanay aad iyo aad ayaan idiinku boggaadinayaa, waxaan qirayaa inaad door-weyn ka qaadateen shaqadii qaranka ee wasaarad ahaan aan odayga idiinku ahaa.

Ma qabo aniguna inaan ahaa oday xun oo si xun idiin maareeyey ama idiin maamulay saaka hortiina ka faani maayo inaga oo kala tagayna laakiin isma lihi si xun ayaad u maamushay shaqaale weynaha madaxtooyada, runtii waxaan ku boggaadinayaa agaasimaha guud iyo agaasime waaxeed-yada sidii wanaagsanayd ee ay shaqada qaybtooda u qabteen, u maamuleen, kartida iyo hufnaanta lahayd iyagana gaar ayaan u boggaadinayaa.

Muddadii labada sanno ahayd ee aan wasiirka Madaxtooyada ahaa tacab faro badan ma galin dhismaha iyo fayo-tirka wasaarada madaxtooyada gudaheeda, shan sanno waxaan ahaa wasiirka duulista fursadii aan halkaa helay halkan umaan helin waayo labadii sanno ee u dambeeyey waxaan mashquul ku ahaa hawlihii adkaa ee qaranka ee horeereeyey Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaan u ahaa gacan-yare, waxay leeyihiin kaaliyeyaal iyo gacan-yaraal badan oo ay xilka u igmadaan anuu waxaan ahaa gacan-yaraha koowaad oo ay masuuliyadiisa ahayd inuu gufeeyo gal-daloolo kasta oo gabadano ka soo gali karto, dawladnimadu labada sanno ee u dambeeya way soo ururtaa dhibaatooyin badan ayaa ku furma, mar hadii xili doorasho loo dhaqaaqo waxaba dhici karta hadii habac ku yimaado inuu lumo habsani u socodka hawlaha dawladninmada oo dhami.

Waxaan Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ka kaalmaynayey xilkii ummaddu u dooratay ee ahaa habsami u socodka hawlaha qaranka, kuwaas ayaan xoog ugu mashquulay ILAAHAY mahadii ceebi uma iman Madaxweyne Siilaanyo, bulshada Somaliland maanta waa ka markhaati xilkii qaranka ee adkaa inaan ceebi ka iman, hadii ceebi ka timaado KULMIYE-ba doorashada ma heleen.

Xilkii qaranka maanta laga bilaabo anaggu waannu ka nasanay, waxaanu boggaadinaynaa golaha wasiirada cusub ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi cugtay iyo madaxweyne ku xigeenku, waxaan aaamin-sanahay inay yihiin gole tayo leh oo tiro yar, gole xaqiijin kara himiladii xisbiga KULMIYE iyo balanqaadyadii aannu bulshada u balan-qaadnay, intayada kalena maanta waannu daba-fadhinaa, raggayagii kale ee khibrada badan lahaana dabadooda ayaannu fadhinaa oo musdambeed baanu u nahay, meel cidlo ah mus-dambeed ka noqon maynee dawlad shaqaynaysa ayaannu annagu mus-dambeed ka nahay, meel cidlo ah mus-danbeed kama nihine, dawladd soo baxday oo dawladayadii ah oo xisbigayagi ah oo taanu dhisnay ah ee guulaysatay oo guushaa inteeda weyn aanu leenahay, tallo iyo tusaalena aanu la dabataagan nahay.

Wa bilaahi Tawfiiq
Guul Somaliland.