Wasiir Cadaani waxaa laga hayaa, waxa aanu isa soo aragnay galabta Madaxwaynaha iyo Marwadiisa (WQ: Qareen Khadar Ibraahim Aar)

Waagi baryaaba waayo leh, ayaan kasta oo aad Adduunka kor kiisa kusii noolaataana waxa ay kuu kordhinaysaa waayo-aragnimo iyo wax cusub oo ku yaab galiya, taasi oo la odhan karo waa jadwal iyo jaangoyn Illaahay u sameeyay dunidiisan.

Jamhuuriyada Somaliland waa waddan curdin ah isla markaana aan wali Adduunka intiisa kale aan ka helin wax aqoonsiya, waa dal aan haysan wax dhaqaale ah uu la taaban karo, hadana iyada oo ay sidaasi tahay dadka Somaliland ma moodid umana muuqdaan in ay yihiin dad wax badani ay ka maqan yihiin, sababta oo ah waa shacab isku tashaday Illaahayna ku tawakalay.

Shacbiga Somaliland iyo Madaxda dalka hoggaamisaa islama haystaan waxaanay kala marayaan laba waddo ama laba dariiq oo kala duwan, iyada oo aad markasta arkayso madaxda dalka hoggaamisa in qaabka ay u dhaqmayaan uu yahay qaab aan Adduunkanba looga dhaqmin marka laga tago Dawladdaha ay haystaan nimanka Tigtaatooriyintii mooyaane.

Waxyaabaha iga yaabiyay ee aan qalinkan iyo warqada u qaatay waxa ka mida ah, waxa aan daawaday maanta Xaflad ama loogu yeedhay caasumad balaadhan oo casho sharaf ah iyada oo lagu marti qaaday casuumadaasi loona sameeyay dhammaan Saxaafada Somaliland, casuumadaasi oo uu fidiyay Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigalinta Somaliland Cusmaan Cabdilaahi Saxardiid “Cadaani”.

Wasiirku isaga oo ka hadlaya una mahad celinaya Aqoonyahankii saxaafada ee kasoo qayb galay casuumadaasi ayaa waxa hadaladiisi ka mid ahaa:

“Waxaanu isa soo aragnay galabta Madaxwaynaha iyo Marwadiisa.”

Runti markii aan hadalkaasi Wasiirka maqlay waxa aan is waydiiyay, in nin Wasiirii uu yidhaahdo Madaxwaynaha waanu isa soo aragnay waa mid qofkastaba uu fahmo karo lagana filaayay, balse maxay tahay xigmada ku jirtaa in uu nin Wasiirii madal ay dad badani fadhiyaan in uu yidhaahdo waxa aanu isa soo aragnay Marwadii.

Hadalkaygan yaan loo qadan in aan xumaan uga jeedo, balse waxa iswaydiin leh wakhtiga aynu maanta marayno in nimankii wasiirada ahaa ay rabaan in ay markasta ku hadaqaan kuna cel-celiyaan Madaxwaynaha iyo Marwadiisa in aan laba kala reebin magacooda, iyada oo markasta oo Madaxwaynaha lasoo hadal qaado Marwaduna ay ku daba jirto.

Waxa aad in badan maqlaysaa Marwada ayaa waxa ay maanta dhagax-dhigtay meel heblaayo ama waxa ay caawinaysaa meel heblaayo, balse Marwadu lacag gaar ah oo ay leedahay oo ay wax ku caawinaysaa ma jirtee waxogaagii yaraa ee cashuurta laga ururiyay ayuun baa laysku qaybinayaa,haddii aan waxyaabahaasi aan hadda laga hortagina waxa iman doonta in Madaxweynaha iyo dhammaan carruurta uu dhalo kuwa ay sii dhalaan ay iyaguna midkastaba inooga baahan doono maamuus iyo magac aanay xaq inoogu lahayn, waana wixii aynu hore usoo eednay.

Waan jecel ahay in Marwada Madaxwaynaha ixtiraam iyo sharaf loo muujiyo waanay inaga mudan tahay balse hadda qaabka ay wax u socdaan maaha kii saxa ahaa, waa kii aynu hore ugu soo aragnay Dawladdihii inaga horeeyay, waana qaab aan fiicnayn aakhirkana keeni karta ceeb iyo fadeexad.

Mise saaxiibayaal aniga ayaan wax ogayne Marwaduba talada Dalka ayay wax ku leedahay oo Wasiirku waa uu saxan yahay, balse haddii ay sidaasi ay tahay miyaanay ka wanaagsanayn in markasta talada iyo toosinta loo nisbeeyo Madaxwaynaha oo aan Magaciisa iyo sharaftiisa aan meel lagaga dhicin.

Miyaanay ogayn Madaxda dalku marka ay markasta Magaca Madaxwaynaha ay ku lamanaynayaan magaca Marwadiisa in ay isaga sharaf dhac iyo karaamo xumo u tahay, mise aniga ayaaba gudcur gudaaye Madaxwaynahu haddii aanu maqal Magaca Marwadiisa oo ku lamaan magaciisa cadho ayuu la suuxaytaa, Wasiirka aan sidaasi yeelina waaba e’ri.

Aniga waxa ay ila tahay in dhaqankani uu yahay mid aan fiicnayn mustaqbalkana aynu ka dhaxli doono waxyaabo intaasi kasii xeel dheer oo ay ka mid yihiin, in Madaxda dalku ay ina yidhaahdaan waxa aanu isa soo aragnay galabta Madaxwaynahii, Xaaskisii iyo dhamaan carruurtisii, taasi oo aakhirkana inoo noqon doonta halku dhig aan fiicnayn.

Madaxda dalku waxa ay milgo iyo sharaf ku leeyihiin marka lagaga daydo wanaaga iyo anshaxa wanaagsan ee ay leeyhiin, ninka madaxda waxa looga baahan yahay in uu dadka u noqdo tusaale fiican oo dhankasta lagaga dayan karo, balse haddii uu noqdo mid lagaga daydo xumaanta iyo faxishada waa mid subxaanala.

Waxa kaloo iyana layaab noqotay in casuumadaasi uu Wasiirku fidiyey waxa si toos ah oo qofkastaba uu arki karo uga muuqda Wasiir Cadaani oo si aan gabasho lahayn laabta-laabta ugu saaraya gabadh fanaanada, taasi waxa ay ku tusinaysaa Wasiir Cadaani halka uu ka taagan yahay Akhlaaqda iyo milgaha islaamka.

Wasiir Cadaani waa Wasiirkii Warfaafinta iyo wacyi-gelinta, waa ninkii laga rabay in uu bulshada uu madaxda u yahay markasta wanaaga, faro xumahana ka reebo, waa ninkii laga rabay in ay dadku wanaaga iyo sharafta uu leeyahay ay kaga daydaan, waa ninkii ay ahayd in Warbaahinta iyo Idaacada oo Madaxda ka yahay laga arko isaga oo samaynaya wax wanaagsan oo Ilahay iyo ummaddiisuba ay ka raali tahay.

Qudhaanjoy ku quuso, Wasiirkii ay ahayd in uu ummadda wanaaga tusa xumaantana ka reebo, ayaa waxa uu Masraxa iyo Idaacadaha lasoo istagay gaada ka cayaar iyo laabta laabta u saar gabadh aan muxaramkiisa ahayn, ka sii darane mabay xumaateen haddii uu ku sameeyo meel qarsoon, waxa uu xumaanta uu samaynayo markhaati uga dhigay bulshada.

Waxa baryahan danbe Somaliland dhaqan iyo caado xun u noqotay casuumaddo aan kala go’lahayn oo ay markasta samaynayaan Madaxda dalku, iyada oo fakhriga iyo gaajada dalka ka jirtaana ay tahay mid aan la qiyaasi karayn.

Casuumadkasta oo la dhigo waxaa ku baxda lacag aan la qiyaasi karayn, taasi oo ah cashuurta yar ee shacbiga masaakiinta ah laga qaado, waa dulmi iyo dibindaabyo waxyaabaha ay ku kacayaan Madaxda qaranku, waxa la xalaalaystay oo aan cidna lagala gabanayn boobka iyo dhaca hantida dadka Somailand (agoonta ah).

Waxa kale oo iyana hadda aad arkaysa in ay Somaliland kusoo biirtay dhaqan ah in Dawladnimadiiba ay noqotay wax ay ku kulmaan afarta Hudheel ee waawayn ee Hargaysa ku yaala, Madaxda dalka iyo dadka maalqabeenada ahi.

Somaliland haddii ay sidan kusii socoto waxa iman doona in aakhirka la waayo wax Dawladnimo la yidhaadaba, kadibna ay gacanta u gasho dad Dawladnimadaba ka baayac mushatareeya dadkana ula dhaqma sidii oo ay adoon u yihiin.

Mudane Axmad Maxamed Siilaanyo waxa fiican in uu waxyaabaha badan ee hoostisa ka dhacaya in uu u fiira yeesho waxna uu ka qabto, isla markaana uu Wasiradiisa iyo kuwa kale ee ka hooseeyaba uu kula taliyo in la ilaaliyo milgaha iyo sharafta dawladnimo.

khadar-aar.blogspot.com

facbook.khadaraar@hotmail.com

khadaraar7@gmail.com

https://twitter.com/khadar_aar

Waxa Qoray: Qareen Khadar Ibraahim Aar