Geesigii Geeska, Q.3aad (WQ: Cabdi Cawiye)

Markii Faarax gaadhay London, waxaa soo dhaweeyay dadweyne farabadan oo Ingiriis ah, lana saftay halgankiisii iyaga oo si cad u sheegay inay ku garab taaganyihiin halgankiisa gobonimo doonka aha. Waxaa isla markiiba kor u kacay codkiisii iyo sumcaddiisii, wuxuuna qabtay shirar badan oo uu kaga hadlayo dhibaatada gumaysiga, waxanu wax ku qoray wargeysyada ka soo baxa dalka Ingiriska, kuna caddeeyay dhibaatooyinka ka taagan dalkiisa. Sidoo kale waxa doodo iyo aqoon-iswaydaarsiyo badan la yeeshay aqoonyahano badan oo Ingiriiska iyo xubno ka tirsan garyaqaanada Ingiriska(British Lawyers Organization) oo iyagu aad u xiisaynayey inay arkaan nin madow oo ka hadlaya gumeysiga oo aan dadka ingriiska ahi badidoodo la socon dhibaatada ay dawldoodu ku hayso dhulyowga ay gumeysato.

Faarax wuxuu ku cambaarayn jiray dawladda Ingiriiska in aanay u dirin dalalka ay gumaysato dad aqoon u leh sharciga, garsoorka iyo maamulka midna. Wuxuu ku andacooday indacooday in dadka xukumaya Somaliland ay yihiin dad naxariistii ka guuratay oo aan haba yaratee caruur iyo xaasas toona lahayn. Waxaana laga yeelay dacwaddiisii ahayd in loo soo diro somaliland, mas’uul xaas iyo carruur leh, si uu naxariis iyo jab-jabnaan ugu yeesho dadwaynaha uu xukumayo.

Intii uu joogay London wuxuu samaystay dad Somaliyeed oo hawsha gudha Ingriiska ka wada isaga oo u doortay nin la odhan jiray Ismaciil Telefoon oo reer London ahaa inuu noqdo wakiilkiisa kaas oo uu awood u siiyey inuu wararkiisa iyo farrimaha uu ka soo diro dalkii uu u gudbiyo Urukii Garyaqaanada oo taageersanaa halganka Faarax Oomaar.

Intii uu joogay London ayaa Faarax Oomaar arkay saaxiibkii Mahatma Gaandi oo dadkiisii wada daba socdaan; Hindidii oo joojisey wax kasta oo England lagu soo sameeyey ama Ingriiskuba raad ku leeyahay; iyaga oo muddaharaadaya oo dariiqyada tuban, iyo Soomaalidii oo laba wax isku raacsani aanay jirin oo kala wada higgoonaysa iskana soo wada horjeeda! Faarax waxa uu la yaabay isuguna xidhmi waayey labadaas dhacdo, waayo waxa uu ogsoonaa, kana dheregsanaa in labada quruumoodba la wada gumaysanayey oo ay eelka wada qabeen; welibana gumaysi keli ahi uu labadaba gacanta ku hayey.

Yaabka Faarax Oomaar waxa uu ka soo jeedey in qolana (Hindidu) ay loolanto, gilgilato oo ay kacdo, quruunta kalena (Soomaalidu) ay keenada dhiibato, gorodda laalaadiso oo ay barkinta dheeraysato! Faarax Oomaar waxa uu arrintaas wax ka waydiiyey Saaxiibkii Gaandi mar ay wada xidhiidheen, waxanu Gaandi ugu soo war-celiyey Faarax Oomaar oo waydiiyey in Soomaalidu ay tahay quruun dhaqan iyo ilbaxnimo u leh qoraalka iyo wax-akhriska iyo in kale. Faarax waxa uu Mahatma u sheegay in aanay Soomaalidu waxna qorin, waxna akhriyin. Mr. Gaandi waxa uu Faarax Oomaar kula taliyey oo kusoo yidhi ‘in uu Soomaalida ka feejignaado, waayo waxa dhaci kartaba buu yidhi in iyagu (Soomaalida) ay Ingriisku kaaga cadaawad bataan oo isaga (gumaysiga) kaaga soo horreeyaan kaana raacaan.

Mahatama Gaandi waxa aragtidiisu ku saabsanayd in gadoodyo siyaasadeed lagu boqno-gooyo, laguna muquuniyo jiritaanka gumaysiga Ingriiska ee arladooda. Xaaji Faarax Oomaar isaga oo haddaba ka dab qaadanaya aragtidaasi Gaandi, ayaa waxa uu bilaabay loollan siyaasi ah oo aan hubaysnayn inuu ku muujiyo in dadka soomaalidu ay xaq u leeyihiin in ay gobanimo gaadhaan.

Faarax Oomarr markii uu muddo ka wadey halgankiisii dalka Ingiriiska gudihiisa waxyaalo badanna uu ka korodhsaday, ayuu goostay inuu dalkiisii ku laabto. Waxa uu intii uu ku jiray safarkaa soo laabshada ah uu soo maray magaalada barakaysan ee Maka, halkaasoo uu ku soo gutey waajibaadka ballaadhan ee Xajka.

Faarax isaga oo xaaji ah ayuu ku soo laabtay Cadan, isla markii halkaa soo gaadhayna waxaa loo doortay inuu ka noqdo madax ururkii (Somali Islamic Association) oo uu wax ka saasay xubin buuxdana uu ka ahaa.

Laakiin ujeedada u weyn safarkiisu waxay ahayd inuu dalkii ku noqdo. Sidaas ayuuna Xaaji Faarax Oomaar ugu laabtay dalka mar labaad sanadkii 1943kii. Waxa Xaajiga ku soo dhaweeyay magaalada Berbera oo uu ku soo degey dad fara badan oo isugu jira saaxibadiisii iyo kuwii uu ka dhexeeyey xidhiidh ku saabsanaa xornimodoonka. Berberana wuxuu uga sii gudbay Magaalada Burco halkaas oo uu ka sii huriyey halgankiisii.

Xaaji Faarax wuxuu xidhiidh toos ah la yeeshay bulsho wayntii reer Burco sida: Culimo-awdiinkii, cuqaashii, dhalinayaradii iyo waxgarad kale, wuxuna war bixino iyo xog- warran uu ka siiyey ujeedooyinkii gumaysiga iyo dhaqdhaqaaqyadii gobonimo-doonka ahaa ee ka jirey daafaha adduunka sida; Afrika, Eeshiya iyo Laatin Ameerika halka ay marayaan, waxaa kale oo uu uga xog waramay ujeedooyinka halgankiisa iyo waxa la gudboon dadka Soomaaliyeed inay yeelaan.

Arrimahaasi waxay ku ahaayeen madaxdii xukuumadda Ingiriiska ee joogtay Somaliland, duufaan gilgiley oo xididada u siibaya ujeedooyinkii maamulkoodii. X. Faarax Oomaar waxay madaxdii Ingriisku u arkeen inuu yahay garyaqaan geesi ah oo hab casri ah ku dagaalamay, waxaana madaxdii Ingiriska u cadaatay inay adag tahay si ay u joojiyaan halgankiisa goobonimo-doonka ahaa. Intaana waxa isa soo taraayey taageerada loo hayo Xaajiga iyada oo guubaabadii iyo kicintii uu dadka gelieye ay ka soo if-baxday dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba.

Madaxdii Ingriisku waxay goosteen inay qaadaan tallaabooyin cad-cad oo ay isku hortaagayaan dhaqdhaqaaqiisii waxayna marar badan isku dayeen inay xidhaan si ay dabka gobonimo-doonka ah ee uu ka shiday u demiyaan, balse may noqon mid suurto gasha sababtoo ah Xaaji Faarax oo ka tirsanaa Ururkii Garyaqaanada Ingriiska iyo isaga oo aan isticmaalayn in xoog lagu muquuniyo ee sharci wax ku doonayay.

Xaaji Faarax oo marar badan u yeedheen madaxdii gumeysiga iyaga oo weydiin jiray waxa uu la goobyaalayo ee uu doonayo ee ka maqan una soo bandhigay in uu rabshadda ka joojiyo dalka, ayaa markasta isagoo isku kalsoon ka jawaabi jiray su’aalaha la waydiiyo. Waxaa meel walba ka bilaabmay dareemo iyo shucuur xornimoodoon ah taas oo gaadhey miyi iyo magaaloba, dadkuna waxay bilaabeen kharbudaad iyo nacayb dareenkooda gudaha ee hoose ka soo jeeda oo wada saameyay.

Waxa halgankaa iyo abaabulkaa gudaha ah uu Xaajigu barbar waday ururinta xogaha iyo wararka ku saabsan dhibaatada Soomaalida uu Ingriisku ku hayo, kuwaas oo uu gudbin jirey Ururkii Garyaqaanada Ingiriska, isaga oo u sii marinaya wakiilkiisii Islmaaciil -Telifoon.

Markii la arkay in halganka Xaaji Faarax Oomaar inuu yahay mid laba weji leh ayna qayb ka yihiin dad Ingriisa oo weliba garyaqaanadii dalka ah ayay xukuumaddii Ingiriisku go’aan ku gaadhey in la xidho Xaaji Faarax Oomaar dalkana laga masaafuriyo.

Xadhigii iyo mustaafurkii Faarax Oomaar

Ugu dambeyntii Xaaji Faarax Oomaar waxa loo taxaabay xabsiga, waxaana lala xidhay Shiikh Ibraahim Xujaale oo ay saaxiib ahaayeen. Xaajig Faarax iyo Shiikh Ibraahim oo Cadan laga soo qabatay waxa la iasugu geeyey jasiiradda Saqdara oo ku taal biyaha Yemen ee Badda Cas, waxana laga ilaaliyey inay cidi ku soo booqato oo ugu tagto xabsigaas, si loo soo ogaado xaaladda uu ku sugan yahay. Waxa uu Xaajigu halkaa ku xidhnaa muddo dheer. Waxa uu Faarax Oomaar halkaa kala kulmay darxumo fara oo isoo jiiday inay asiibaan cuduro.

Markii la ogaaday xadhigii iyo masaafurintii iyo Xaaji Faarax ayaa waxa ay ururadii uu xubinta ka ahaa gaar ahaan Ururkii Garyaqaanada iyo Ururukii Islaamka ay u direen Ingiriiska dacwad ay kaga ashkatoonayaan xadhiggiiisa. Sidoo kale shacbigii Soomaaliyeed ayaa muujiyey sida y uga xun yihiin in Xaaji Faarax la xidho oo dalka dibedda looga saaro. Isaga oo arrintaa ka hadlaya gabyaagii waynaa ee Xaaji Aadan Axmed Af-qalooc tiryey gabay ay ku jirtay weedhani.