Wasiirka Qorshaynta Qaranka oo daah-furay mashruuc kor u qaadaya Dhaqaalaha Dalka

Xafladan lagu daahfurayey mashruuca tayaynta ilaha dhaqaalaha ee Somaliland oo ka qabsoomay xarunta baanka adduunku ku leeyahay magaalada Hargeysa ayaa waxaa ka soo qayb galay wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, Ganacsiga, wasiiru dawlaha wasaaradda Qorshaynta Qaranka, xubno ka socda baanka adduunka, ururada bulshada, baanka dhexe ee Somaliland iyo ururada ganacsatada ee Somaliland.

Ujeedada mashruucan ayaa ah sidii looga caawin lahaa Somaliland caqabadaha maalgashi ee ka hor yimid. haddaba si looga hortago dhibaatooyinka maalgashi ee Somaliland ayaa waxaa si wadajira mashruucan iskaga kaashanaya dawladda Somaliland iyo baanka adduunka.

Waxaa lagu soo bandhigay warbixino la xidhiidha sida uu mashruucani u shaqaynayo waxaana kamid ahaa nagiib xaaji oo so bandhigay warbixin laxidhiidha dib u eegista barnaamijka maalgashi ee Somaliland, intii shirkani socday ayaa waxaa dood dheer laga galay sidii uu u shaqayn lahaa mashruucani, Mashruucan waxaa ku bixi doona lacag dhan 3 milyam oo doolar.

Wasiirka wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland oo ka hadlay u jeedada mashruucan ayaa waxaa uu si faah faahsan uga waramay caqabada ganacsi iyo maalgashi ee ka horyimid Somaliland.

Sidoo kale waxaa isna dhankiisa ka waramay Mr suhial Kassim Muhiimada uu mashruucani u leeyahay Somaliland sheegayna inay gacanta ku haynayso dawlada Somaliland isla markaana maamuli doonto Gabagabadii waxaa si wada jira u furay mashruuca wasiirka wasaaradda qorshaynta qaranka Cali ismacil xuseen jirte “Cali shoombe” iyo Suhail kassim oo ah hoggaamiyaha kooxda shaqada ee baanka adduunka.

bandhige@gmail.com