Weerarada lagaga soo horjeedo kooxda Daacish oo soo kordhiya

Ururka Dawladda Islaamka ee ka jira guddaha Ciraaq iyo Suuriya ayaa waxay la kulmeen weeraro xoogan oo lagaga soo  horjeedo guddaha Suuriya iyo Ciraaq gaar ahaan Raqqa iyo Fallujah.

Magaaladda Raqqa waxaa weerar ku ah jabhada isbahaysi ay horkacayaan Kurdiyiinta Suuriya, kaasoo ka kooban ilaa 30,000 oo dagaalyahan.

Jabhadahani Kurdiyiinta horkacayaan ayaa sheegaya in ay diyaariyeen dagaalyahanno ururka dawladda Islaamka ka saara Raqqa iyo deegaannada ku xeeran.

Dhanka kale, ciidanka dawladda Ciraaq ayaa duulaan ku ah magaalada Fallujah ee ay ku xoogan yihiin ururka Daacish.

Ruushka iyo Maraykanka ayaa ballan qaaday in ay taageerayaan qabiiladda iyo maleeshiyaadka ka soo horjeeda ururkan ee magaalooyinka Fallujah iyo Raqqa.

bandhige@gmail.com