Wasiir Shucayboow, dalka ma Hargeysa ayuun baad ka taqaanaa ama u taqaanaa? (WQ: Xuseen Maxamed Maxamuud “Xuseen-lucky”)

Wasiirka Ganacsiga ee Somaliland ayaa isagoo magaalada Gabiley ka hadlaya, isla markaana duraya kooxdii Isbahaysiga badbaadada Kulmiye la baxday, ee dhawaan ku biiray Xisbiga Waddani, ayaa wuxuu yidhi:-

“Raggan hadda ku biiray Xisbiga Waddani ma jiro nin qudha oo 15 habeen seexday magaaladda Hargeysa inagoo og in qaar badan oo ka tirsan xubnaha ku biiray Xisbigan Waddani ay xilal sare ka hayeen Xukuumadda maanta Shucayb haldoorka u yahay.”

Tan kale, markuu Wasiirku sidan lahaa waxaa uu nusqaan uga dhigayay xubnahaas ku biiray Xisbiga Waddani, laakiin, dad badani waxay Isweydiinayaan, Wasiirku muxuu uga jeeday, kuma jiro nin qudha oo 15 habeen Hargeysa seexday?

Ma Waxuu ujeeday nin qudha oo reer Hargeysa u dhashay kuma jiro oo dadka reer Hargeysa ayuun buu u yaqaanaa reer Somaliland?

Isaguse shakhsi ahaan, Ma wuxuu isu yaqaanaa wasiir metelaya hal magaalo ama hal gobol?

Dhinaca kale, in 15 habeen Hargeysa loo hoyan waayaan ma denbi baa? Haddiise ay 15 habeen Hargeysa u hoyan waayaan, oo ay in kabadan 15 habeen u hoydaan Burco, Ceerigaabo, Boorama, ama Laascanood, tolow wasiirku muxuu ku macnayn lahaa?

Ma waxa uu ku macnayn lahaa niman Qurbaha u hoyday in ay yihiin.

Iskusoo wada duuboo, tani, waxay muujinaysaa khibrad yarida iyo bisayl la’aanta siyaasadeed ee dadka uu Wasiirada ka dhigtay Madaxweyne Siilaanyo, oo u badan kuwo aan aqoontooduba dhaafsiisnayn Hargeysa iyo inta ku xeeran,

Wasiir Shucaybna waxaan weydiin lahaa adigu imisa habeen baad u hoyatay Burco, Ceerigaabo, Laascanood iyo Boorama? Denbise ma u aragtaa in aad u hoyan waydo magaalooyinkaas?

Wa bilaahi Towfiiq

Xuseen Maxamed Maxamuud “Xuseen-lucky”

Burco,

Email, husseinlucky@hotmail.com