Wakaaladda Qurba-jooga ayaa kulan maamuus ah u qabatay 25 arday oo maqalka ka naafo ah oo dhammaystay Dugsiga Sare

Wakaaladda Qurbajoogga ee Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah  Somaliland iyo Ururka Dadka Maqalka ka Naafada ah ayaa kulan ugu qabtay Hudheelka Xaraf ee Magaalada Hargeysa 25 arday ka mid ah dhalinyarada maqalka ka naafada ah oo dhamaystay waxbarashada dugsiga, waxana sidoo kale ujeedada kulanku ahayd in bulshada lagu baraarujiyo caqabadaha iyo dhibaatooyinka ka haysta dhalinyarada maqalka ka naafada ah waxbarashada, fursadaha shaqo, isgaadhsiinta iyo xidhiidhka bulshada.

Kulankan oo sidoo kale lagu martiqaaday dhalinyaro ka badan 60 xubnood oo ka mid ah bulshada maqalka naafada ka ah, xubno qurbajoog ah, hay’ado iyo shirkado, waxa kala soo qaybgalay oo u hambalyeeyay ardayda qalinjabisay, kana hadlay dhibaatooyinka haysta iyo sida wax looga qaban karo madax ka socotay Wasaaradda Arrimaha Debadda, Wasaaradda Waxbarashada iyo Guddoomiyaha Xisbiga Siyaasiga ah ee UCID, Injineer Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiyaha Ururka Somaliland ee Dadka Maqalka Naafada ka ah (Somaliland Deaf Association), Mudane Khaalid Cali Xuseen ayaa halkaas ka jeediyay khudbad dheer oo uu kaga hadlay dhibaatooyinka kala duduwan ee haysta ardayda iyo guud ahaan bulshada maqalka naafada ka ah ee xagga waxbarashada, manhajka, xirfadaha shaqada, isgaadhsiinta iyo xidhiidhka bulshada. Guddoomiyuhu wuxu bulshada, dawladda iyo qurbajoogga Somaliland ugu baaqay inay usoo gurmadaan waxka qabashada baahiyaha iyo dhibaatooyinka ka haysta ardayda maqalka naafada ka ah xagga waxbarashada iyo dhankasta Somaliland. Mudane Khaalid waxa  kale oo sheegay inay ururkan u sameeyeen inuu mideeyo oo u adeego dhalinyarada iyo bulshada maqalka naafada ka ah ee Somaliland.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ee UCID Injineer Faysal Cali Waraabe oo uguhorayn u hambalyeeyay ardayda qalinjabisay guusha ay gaadheen, isla markaana ku ammaanay Xafiiska Qurbajoogga iyo Wasaaradda Arrimaha Debadda JSL inay kulankan qabtaan  ayaa ku tilmaamay inay tahay arrin qaran oo u baahan in loo magaabo guddi heer qaran ah oo Wasaaradaha Debadda, Waxbarashada, Qoyska iyo Ururka Dadka Maqalka Naafada ka ahiba ku jiraan oo si waafi ah looga hawlgalo in laga shaqeeyo baahiyaha iyo dhibaatooyinka ka haysta ardaydan iyo dhalinyarada dhagoolayaasha ah isagoo ballanqaaday inuu xubin ka noqonayo gudidaas. Wuxu sidoo kale Guddoomiyaha oo wajigiisa murugo ka muuqataa soo jeediyay in la sameeyo manhajka u gaarka ah waxbarashada qaybtan iyo sidoo kale in laga caawiyo baahida xagga isgaadhsiinta.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Debadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL Mudane Cabdiraxmaan Abdeeq Muxumed ayaa isaguna u hambalyeeyay ardayda qalinjabisay, isla markaana ballanqaaday in Wasaaradda Arrimaah Debaddu si buuxda arrintan u gacan siinayso si wax looga qabto dhibaatooyinka haysta dhalinyarada maqalka naafada ka ah. Agaasime Abdeeq ayaa tilmaamay inay ardayda qalinjabisay yihiin qaar karti iyo hal adayg ku sifoobay oo xaqiijiyay inay waxbartaan oo dhamaystaan dugsi sare halka qaar dhago qabay ay dhaceen imtaxaankii.

Agaasimaha Fulinta Wakaaladda Qurbajoogga JSL Mudane Xasan Axmed Yuusuf ayaa sheegay inay fursaan uga faaiidaysanayaan inay ku wacyigeliyaan bulshada, dawladda iyo dadweynaha qurbajoogga ah ee Somaliland si wax looga qabto baahiyaha aas’aasiga ah iyo dhibaatooyinka la dariska ah dhagoolayaasha.

“Wakaaladda Qurbajooggu in muddo ahba way ka warhaysay xaaladda dugsiyada iyo ardayda maqalka ka naafada ah, waxa soo booqday qaarka mid ah qurbajoogga jaalliyadaha Somaliland, qaar badan oo kalena waxan u gudbinnay warbixintooda. Waxay dawladda hoose u ballanqaaday inay ka bixiyaan kirada, isla markaana siiyaan dhul wax looga dhiso waana laga sugayaa. Haddii ay dawladda hoose siiso dhulkaas, Wakaaladda Qurbajooggu waxay ku dadaalaysaa inay u raadiso dhaqaale lagu hirgeliyo. Qurbajoogga Somaliland waxa ka dhisan degmooyin kala duwan oo gobollada dalka ah in ku dhaw 20 dugsi oo boodhin ah 5-6-dii sano ee u dambeeyay, waxanay sidoo kale meelaha qaar ka shaqeeyeen inay abaabulaan bulshada gudaha oo la iska kaashado mashaariicda dhismaha adeegyada bulshada iyo kaabayaasha. Waxan aaminsahay inay qurbajoogga Somaliland wax badan u qaban karaan dadka maqalka naafada ka ah oo ugu horayn u dhisi karaan dugsi Hargeysa ah haddii dawladda hoose siiso dhulka.”

Agaasimaha Fulinta Wakaaladda Qurbajooggu waxa kale oo uu sheegay in isticmaalka farrimaha mobile-ka lagu diro uu yahay hab ay aad ugu wada xidhiidhaan dhagoolayaashu dhexdooda iyo ehelkoodaba balse shaqo la’aanta iyo duruufaha dhaqaale ee haysta uu qaali ku yahay, intooda badanna ka soo jeedaan qoysas danyar ah loona baahanyahay in shirkadaha SOMTEL iyo TELESOM ka caawiyaan inay bilaash uga dhigaan ardaydaas dirista farriimaha ama ka jabiyaan.

“Waxan ula xidhiidhnay shirkadaha isgaadhsiinta qaarkood oo sheegay inay ka dhaafayaan 50% balse taasna aan fulin. Ma badna tiradoodu ardaydan oo tusaale sida ururkan u diwaangashan way ka dhaafi karaan 280 Hargeysa ah, illaa 200 oo Borama ah iyo 140 Burco ah iyo inka badan ba. Arrintaas  waa inaan xoogga saarnaa oo shirkadaha isgaadhsiintu ka dhaafaan.”

Agaasimaha Waaxda Baahida Gaarka ah ee Wasaaradda Waxbarashada Mudane Cabdishakuur Maxamed Cali ayaa ka warramay in sideed bilood oo uu xilka hayay ay Wasaaraddu tallaabooyin hore u qaadday sidii loo  samayn lahaa manhajka u gaarka ah dadka baahida gaarka ah qaba sida dhagoolayaasha iyadoo la qaban doono aqoon is waydaarsi wadatashi ballaadhan oo lagaga hadlo dejinta manhajkan oo la hirgelin doono sannadka 2017 haddii Alle idmo.

Guddoomiye ku xigeenka Ururka Dadka Maqalka Naafada ka ah Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Axmed oo sheegay in isagoo aan maqal lahayn uu ka qalinjabiyay waxbarasho heer jaamacadeed ah Jaamacadda Camuud isagoo ku jiray afart arday oo darajadaa gaadhay iyago dhagoolayaal ah. Wuxu ka hadlay in dhagolayaashu leeyihiin baahiyaha nololeed iyo xuquuqda ay dadka kale leeyihiin oo dhan balse aan lagu baraarugsanayn oo la dayacay bulshadaas. Mudane Maxamuud wuxu ka warramay inay ururkan u sameeyeen inuu u dhaqdhaqaaqo oo waxka qabto mashaakiilka faraha badan ee haysta bahda maqalka naafada ka ah ee Somaliland una baahanyihiin gacan qabasho iyo taageero ay ka helaan dawladda, ganacsatada iyo qurbajoogga Somaliland.

Cabdicasiis Colow Maxamed oo ka socday shirkadda dhismaha ee Al Baraka oo ka mid ah shirkadaha waaweyn ee Somaliland ayaa isaguna ballanqaaday inay shirkadoodu kow ka noqonayso waxqabadka iyo daryeelka ay dadka dhagoolayaasha ahi u baahanyihiin ee kulankan lagaga hadlay, isla markaana ay noqonayaan shirkadda koowaad ee qaybqaadanaysa dhaqaalaha lagu fulin dooni dhismaha dugsiga dhagoolayaasha ee Hargeysa.

Dhinaca kale, waxa ka hadlay kulanka afartii arday ee ugu horreeyay ee iyagoo maqalka naafo ka ah hadana turjumaan la’aan dhamaystay waxbarashada dugsiyada sare iyo dhalinyaro kale oo iyaguna sannado hore ka baxay dugsiyo Boorama iyo Hargeysa ku yaalla turjumaan la’aan. Waxay aad aad ugu dheeraadeen dhalinyaradaasi dhibaatada ka haysata garab la’aanta aan cidi ka caawinayn xagga waxbarashada, barashada xirfada shaqada iyo xidhiidhka bulshada iyagoo xusay inaanay jirin goob kaliya oo adeeg oo dawladeed oo ama gaar loo leeyahay sida dhakhtarada, dugsiyada, saldhigyada oo laga heli karo cid uga turjunta oo loogu talo galay.

Gebogebadii, ardayda qalinjabisay ayaa hadiyado ay usoo xidheen guddoonsiiyay afartii arday ee ugu horreeyay ee turjumaan la’aan kaga baxay dugsiyada sare oo ay ku tilmaanee inay ahaayeen qaar tusaale fiican u ahaa inay waxku bartaan fasal aanay waxba ka maqlayn macalinka dhigaya balse isha iyo caqligooda kaashadaan, dadaal iyo samirna laasimaan.

Source:  Somaliland Diaspora Agency

sldiasporaagency@gmail.com

www.sldiasporaagency.org

HQ: Hargeisa, Somaliland