Jaarkaygu qaarba ma aha! (WQ: Ismaaciil C Ubax)

Bal ka warran haddii maalin kasta marka aad shaqada ka soo rawaxdo, jaarkaagu kugu sii sugayaan gurigaaga hortiisa. Deedna marka ay ku arkaan, ay kuu sacabbinayaan. Maalin kasta, mar kasta oo aad guriga sii gelayso, ay ku sii sugayaan sawirqaadayaal, weriyeyaal iyo shacab tiro badan. Dhammaantood way ku ammaanayaan, geesi in aad tahay ayay kugu sheegayaan, waayo reerkaagii ayaad u soo shaqaysay. Bes. Fiidkaba waxa aad iska daawanaysaa tiifiiga, adiga ayaa ka socda. Guddoomiyaha degmada aad ku dhaqan tahay ayaa u horreeya.

“Waa shakhsi cajiib ah, subax kasta wuu kallahaa, wuu soo shaqeeyaa, deedna guriga ayuu yimaaddaa. Waa qof runtii sameeyey wax aan hore loo samayn.”

Adiga oo yaabban ayaad iska seexanaysaa, subaxa ayaad ku soo toosaysaa adiga oo jariiradda ku sawiran. Odaygii beesha xaafadda aad ku nooshahay ayaa ku ammaanaya. Shaqaalihii degmada ee kala duwanaa ayaa fikirkooda cabbiraya.

“Waannu taageersan nahay ninkaa isaga ah ee reerkiisa u xoogsanaya, waa halyey.”

Bal ka warran haddii taasi dhacdo? Nin saaxiibkay ah ayay sidani haysataa. Magiciisa oo aanan sheegi karin awgeed, aan “Madaxyare” ugu yeedhno. Madaxyare waa kuma?

Madaxyare waa aabbaha caajiska. Caajis marka aan leeyahay, waxaan u jeedaa caajiskii la yaqaannay. Madaxyare waxa uu qabaa gabadh hanti leh. Nin hore ayaa ka dhintay. Gabadhaas waxa ay ku heshiiyeen in uu dhowr sanno oo keli ah qabo. Dhowrkaa sanno ka dib, way kala huleelayaan. Cid waliba way og tahay. Heshiiska waxa ka mid ahaa, in uu dhan walba xaaskiisa ka raalligeliyo. In uu farxaddeeda ka shaqeeyo, ubadka ay isu dhalaan uu nafaqadooda ka shaqeeyo, aqalkana bilicdiisa iyo sharafta uu xaafadda ku dhex leeyahay uu kor u qaado.

Sida caadiga ah, ragga xaafadda ku nool oo dhami way shaqo tagaan. Subixii ayay baxaan, galabtiina way soo rawaxaan. Walaalkeen Madaxyare waxaasi u ma bilowna. Maalintii uu aroostay illaa maanta, guriga ayuu ku jiraa. Allaa been caayee, dhowrkii biloodba mar ayuu soo baxaa. Markaana jaarkiisu way la yaabaan, farxad ayay cirkaa maraan. Mararkaas uu soo baxo, meelaha uu tago waxa ka mid ah degmooyinka jaarka. Wuu soo dalxiisaa, muddo ka dibna gurigiisii ayuu ku soo noqdaa. Sidii caadiga ahayd, jaarkiisu halkii ayay ku sii sugayaan si ay u soo dhoweeyaan. Dumarkii madbakha ku jirey ayuu dherigu ka gubtaa, ubadkii ayaa xiisadda khasab lagaga soo saaraa. Dhammaan caleemo qoyan ayay u ruxaan ninka deriskooda ah ee soo dalxiisay. Gurigiisa ayuu daf yidhaa si uu bilo kale u hurdo.

Halkaas waxa ku sii sugayey xaaskiisii uu ballanta ka qaaday iyo ubadkii ay u dhashay. Ninkaa Madaxyare intaa uu qoslayo, ubadkiisa qaar ayaa imika gaajo ugu dhimanaya qolalka gurigiisa qaar ka mid ah. Isna ma oga. Wax uu u soo shaqeeyo iska daaye, maryihii ay xaaskiisu xidhnayd maalintii uu guursaday, weli way xidhan tahay. Adduunkii ay iyadu lahayd ayuu dib uga gurtay, taas ayuu ku nool yahay. Waxa lagu xantaa in uu gabdho kale guursan rabo, isaga oo lacagteeda adeegsanaya, kor se loo ma yidhaa. Xaaskiisu haatan way gabowday, diif badan ayaana wejigeeda ka muuqata. Beri ay yarayd, magac bay lahayd. Maantana ma tagto aroosyada xaafadda ka dhaca. Aan idhaahdo’e, lagu ma soo casuumaba. Meelaha ay dumarku isugu yimaaddaan, iyada waa la dhaafdhaafaa, magaceedana la ma xuso. Ninkeedii Madaxyare, gurigii ayuu hurdaa.

In badan ayay dhabaradaygtay, nasiibwanaag heshiiskoodii ayaa soo dhammaaday. Sidan si kastaaba way dhaantaa, ayay ku fikirtay. Markii uu la hadli waayey, ayay iyadu xasuusisey in la joogo wakhtigii ay kala tegi lahaayeen. “Maalinta aan rabo ayaan ku furayaa” ayuu jawaab uga dhigay. Wax ku cusub ma aha, weligeed ayaa xoog lagu soo qabi jirey, waanay iska samirtay.

Dhowr carruur ah ayay u leedahay, dhammaan waa iskunuug. Mid uu isagu gaar u jecel yahay mooyaane, inta kale cidi wax ma siiso. Walow uu qolalka gidaar keli ahi u dhexeeyo, haddana laba duni oo kala geddisan ayay ku kala nool yihiin isaga iyo carruurtiisu. Gurigiisa haddii aad gasho, dhulka waxa daadsan maddiibado godan oo astaamo kala duwan leh. Waa weelka loogu baaheeyo ubadkiisa. Dhammaan waxa ay ka yimaaddaan degmooyinka jaarka. Sannadkii hal mar ayuu Ilaahay hor istaagaa – inta uu soo dhergo – deedna uu ubadkiisa u weydiiyaa in bariis sammada uga soo daato. Intaa in ka badan, degmooyinka jaarka ayuu baaho la dhex wareegaa. Sidaas ayuu saaxiibkay Madaxyare ku qanacsan yahay.

Gar waa loo islaame, kumaa qaldan? Ma saaxiibkay ayaa waajibkiisii ka weecday, oo isaga ayaa qaldan, mise jaarkiisan ku taageersan sidaa uu yahay ayaa qaladka leh? Mid ay noqotaba, aniga jaarkaygu qaarba ma aha!