Koonfur Afrika waxay bilowday hannaankii ay kaga bixi lahayd Maxkamadda Caalamiga ee Dambiyadda

Warbaahinta ayaa ku soo waramaysa in Koonfur Afrika ay si rasmi ah u bilowday hannaankii ay kaga bixi lahayd ka mid ahaanshaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyada (ICC).

Wararku waxay intaa ku darayaan in diblomaasiyiinta dalkaasi ku wargeliyeen Qarmada Midoobay tallaabadan ay qaadayaan waxaanay ku eedeeyeen Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyadu in ay ka xagliso dalalka Afrika.

Sannadkii hore waxay Koonfur Afrika diidday in ay xidho madaxweynaha Sudan, Cumar Al-Bashiir, oo ka qayb galayay shir-madaxeedkii Midowga Afrika oo ka socday Johannesburg.

Al-Bashiir waxay maxkamadd Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyadu ku eedaysay xasuuq iyo dembiyo dagaal, isagu se wuu beeniyaa eedaymaha ah in uu xasuuq ka geystay gobolka Daarfuur ee qalalaasu ka ooganyahay ee ku yaal galbeedka Sudan.

Dhawr xarun-warbaahineed ayaa sheegay in ay heleen nuqullo ka mid ah “qoraalka ka bixidda” oo uu saxeexay wasiirka Arrimaha Dibedda Koonfur Afrika.

“Jamhuuriyadda Koonfur Afrika waxay garawsatay in xilka ay iska saarto sidii si nabdoon xal loogu heli lahaa colaadaha jiraa aanay mararka qaarkood is waafaqayn fasiraadda sharci ee Maxkamadda Dembiyada Caalamiga” ayaa lagu sheegay qoraalka Koonfur Afrika gudbisay.

Qaramada Midoobay iyo dawladda Koonfur Afrika midkoodna ilaa haatan si rasmi ah uma xaqiijin wararkan warbaahintu qortay.

Waxa kale oo soo baxaya aragtiyo kala duwan oo xaga sharciga ah oo ku saabsan in Koonfur Afrika ka bixi karto ka mid ahaanshaheeda Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyada iyada oo aan baarlamaanku ansixinin tallaabadaa.

Tallaabadan ay Koonfur Afrika qaaday waxay soo baxday todobaad uun ka dib markii uu madaxweynaha Koonfur Afrika, Jacob Zuma, uu booqasho ku tagey Kiiniya oo ah dal aad u dhaliila Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyada tan iyo markii dacwad oogaha maxkamaddu madaxweynah dalkaas, Uhuru Kenyatta, ku eedeeyay dambiyo bani’aadannimada laga galay. Kuwaas oo uu beeniyey aakhrikiina dacwadii loo haystay ay ku burtay caddayn la’aan.

bandhige@gmail.com