Wax-barid iyo Tababarid (WQ: Cabdifataax M. Axmed)

Meelo badan Magaalada wax-barid Ayaa ka socota,Meelo badan oo kalena tababaro ayaa lagu qabanayaa,Labadaasi eray wax badan ayey ka siman yihiin,waayo labaduba waxa ay ka hadlayaan kasbashada aqoon,Wax-barida iyo Tababaradana labadaba Dad badan Ayaa Helaya oo fadhiya goobta lagu bixinaayo,Labaduba sidoo kale waxa ay yihiin erayo tilmaamaya bixinta iyo faafinta aqoon kugu cusub.

tababarku wuxuu ka dhacaa dibadda iyo goobaha shaqada,halka wax-baridu ay tahay mid dugsiyada iyo xarumaha waxbarashada lagu isticmaalo,Wax-barid iyo tababar waxa ay sidoo kale ku kala duwan yihiin dhanka bixinta dheefta mushaharka oo tababarka ayaa ka lacag badan,kana kharash badan marka la bar-bar dhigo wax-barida.

Xagga wakhtiga Ayey sidoo kale labada eray ku kala duwan yihiin,Tababarku wuxuu ku dhammaada wakhtiyar oo kooban isla markaasi la rabo in ujeeddo cayiman lagu gaadho,casharo kooban lagu dhigto,kuwaasi oo la rabo in si deg-deg ah loo arko isbedellada laga damacsan yahay,halka wax-barida iyo dhigashada dugsigu ay qaadato muddo fog oo dheer,Dadka shaqaalaha ah ee goobaha shaqada jooga iyo kuwa dibadda ka ah dugsiyada waxbarashada marka aqoon la gaadhsiinaayo waxa loo isticmaala tababar,Ardeyda dugsiyada fadhidana wax loo adeegsadaa wax-barid.

inkasta oo labada eray ay bixinta aqoonta ka hadlayaan haddana mid kasta meel gaar ah ayuu ku kooban yahay lagana isticmaala,tababarka iyo wax-baridu waxa ay ka siman yihiin ujeeddada oo mid kasta ujeeddo ayuu leeyahay,Waxtarka wax-baridu mustaqbal fog Ayuu qofka anfaceysa,halka waxtarka tababarkuna qofka sannadaha shaqadiisa ay waxtar u leedahay.

tababarayaashu waxba ma dhigaan,macalimiintuna waxba ma tababaraan qof u baahan in wax la baro tababar laguma siiyo,wax-baridu qofka waxa ay ku hagtaa jidka aqoonta,halka tababarkuna kugu hago jidka khibrada,waayo aragnimada iyo sirta nolosha ama shaqada.

Ugu danbeyntiina Tababarka iyo Wax-baridu waxa ay ku kala duwan yahay habka loo nashqadeeyo Fasalka aqoonta lagu bixinaayo,Habka gudbinta,habka dhigida casharada,tababarkuna wuxuu leeyahay doodo ,xiiso leh,muran iyo hadal badan,waana hab lagu gaadhsiinaayo dadyow kala duwan warbixino iyo macluumaad la rabo in ay isbedel ku sameeyaan.

AbdifataahMA01@outlook.com

Hoos ka akhriso maqaal hore oo uu qoray Cabdifataax:

http://bandhige.com/nolosha-warqadaha-wq-cabdifataax-m-axmed/