Wax Ka Ogow Sababaha Madhalaysnimada Ku Keena Haweenka (WT: Kamaal Axmed Cali)

Xarunta caafimaadka dhalmada iyo bacariminta ee ‘IVI Fertility’ oo fadhigeedu yahay magaalada Dubai ee dalka isutagga Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in qiyas ah boqolkiiba 40 sababaha ma dhalaysnimada lammaanuhu ay ka timaaddo gabadha, halka ninkuna uu boqolkiibna 40 yeesho sababta, boqolkiiba 20 ka soo hadhayna ay keenaan sababo aan gaar ahayn oo ay ka mid yihiin, da’da oo aad u weynaata, diiqadda iyo culayska badan ee nafsiga, duruufo caafimaad oo qofka la soo darsa, hidde iyo Khalkhal dhinaca hormoonnada.

Dr. Upma Pathak Shanker oo ku xeeldheer dhalmada, xanuunnada dumarka iyo beerista carruurta oo ka tirsan xaruntan ayaa sheegtay in sababaha dabiiciga ah ee ma dhalaysnimada keena ay ka mid yihiin gabadha oo marka hore caadaysata isticmaalka dawooyinka iyo waxyaabaha kale ee uurka dib dhiga ama ka hortaga, iyo sida oo kale hab nololeedka caadiga ah ee gabadha oo saamayn taban ku yeesha ilma qaadista.

Sida oo kale waxaa jira sababo caafimaad oo keeni kara ma dhalaysnimada gabadha, kuwaas oo ay ka mid yihiin:

1. Xaaladda caafimaad oo ah in afka ilma galeenka ay ka soo baxaan burooyin yaryar oo inkasta oo aanay kansar ahayn haddana sababi kara in ay dhuumuhu xidhmaan.

2. Dhuumaha isku xidha ilma-galeenka iyo ogxaansidaha oo qayb ka ah habdhiska taranka haweenka ayaa haddii ay xidhmaan iyaguna waxa ay keenaan ma dhalaysnimo.

3. Waxaa jira xaalad caafimaad darro oo afka Ingiriisiga loo soo gaabiyo ‘PCOS’ oo keenta ma dhalaysnimo. Waa Khalkhal ku dhaca hormoonnada dheddig ee gabadha, waxa aanay inta badan keentaa ma dhalaysnimo.

4. Dhibaato dhinaca samaysanka ogxaanta ah gabadha ka haysta ayaa iyaduna keeni karta ma dhalaysnimada. Xeeldheereyaasha daraasadahan sameeyey waxa ay ogaadeen in xaaladdani ay tahay boqolkiiba 20 sababaha gabadha ku keena ma dhalaysnimada.

5. Miisaanka oo inta saxda ah ka weynaada iyo miisaanka oo inta saxda ah ka yaraadaa waxa ay sababaan in jidhku uu soo saro hormoonka ka masuulka ah samaysanka caanaha hooyada, xitaa haddii aanay gabadhu irmaanayn. Hormoonkani waxa uu sababaa in dhiigga caadadu uu gabadha ka joogsado waana sababta keenaysa ma dhalaysnimada.

6. Macaanka, Kansarka, dawooyika qaar ay ka mid yihiin kuwa loo qaato xaaladaha nafsiga ah iyo isku buuqa, ayaa dhammaantood ka mid ah sababaha keeni kara ma dhalaysnimada.