Wax kabaro taariikhda kooban ee macalin Cabdillaahi Muuse Qaalib (WQ: Hamze Ali “Dalha”)

Ustaad Cabdillaahi Muuse Qaalib waxa uu ka mid yahay barayaasha qarsoon ee soo saara ardayda ugu tayadda saraysa dhinaca waxbarashadda isla markaasina ugu cilmi badan dhamaan dalka Soomaaliland.

Ustaad Cabdilahi Muuse Qaalib wuxa uu ku dhashay magaalada ARABSIYO ee galbeedka magaaladda Hargeisa sannadkii 1954, halkaasi ayuu ka bilaabay oo u ku soo qaatay malcaamadi Quranka iyo Dugsigii Hoose/Dhex, ka dib waxa uu ku biiray Dugsigii sarre ee sheekh, halkaasi oo uu ku soo qaatay waxbarashadii dusigga sarre, ka dib waxa uu waxbarashadiisi jamacadeed ku soo qaatay jaamacadi umadda somaliyeed ee Lafoole, qaybteedda Tacliinta (Education). Dedaalkii badnaa ee uu bixiyay Barahani waxa uu u saamaxay inuu shan sanno ka dib ka noqdo Barre, isla jaamacaddii uu dhigtay.

Ustaad Cabdilahi Muuse waxa dabayaaqadi sagaashamaadki loo diray waxbarasho bilaasha ah (SCHOLARSHIP), wadanka hindiya. Waxa uu halkaasi kusoo diyaariyey waxbarashadda sarre ee loo yaqaanno (Master-ta) culuumta macalinimadda iyo saynis ka. Ustaadad Cabdilaahi Muuse wuxa uu dalka ku soo noqday dabyaaqadi sanadi 1993kii, waxa uu furay sanadkii 1994 dugsi yar oo dhisme ahaana ka kooban laba fasal iyo hal xafiis, kaasoo ku yaaley suuqii hore lo odhan jiray xero-dhifta dhankeeda galbeed, laakiin waxa layaab lahayd cilmiga lagu dhigaa waxa uu ka tayo wanagsana kuwa dugsiyada dabaqyada ka kooban lagu dhigi jiray. Waxa uu barrahani ku dhigi jiray Iskuulkaasi culuumta sayniska (Fiisigis, Baayoolaji, Kimistriy iyo xisaabta) heerka dugsiga sarre. Halkaasi oo aan ardeydana laga qaadi jirin wax aduun oo buuran.

Aakhirkii sanadkii 2008 waxa ay ardey ka mid ahayd ardeydii barahani ee uu wax uso dhigay cilmigisana ku aflaxay ee aduun weyanaha kala joogay la yimaadeen fikir ah in ay lacag iska uruuriyaan kuna dhisaan iskuul weyn oo dugsi sarre ah, si ardey intan ka badanni ka faaidaystaan waxbarashadda barrahani. fikirkaasi oo marki danbe lagu guulaystay. Billowgii sanadkii 2009, waxa la dhameeyay hal Dugsi oo dhameystrin kana kooban 8 Fasal iyo laba Xafiis, hal laab iyo hal Masjiid iyo waligaba guri ad u weyn oo iskuulka ka danbeeya, kuwaasi oo laga dhisay duleedka Waqooyi ee magalada Hargeisa amba waqooyigga xaafada JIG JIGA YAR.

Iskuulkaasi oo loogu magac daray asxaabigi weynaa ee ABU HURAIRA (RAC) Abu Huraira Secondary School. Hadda lix sano kadib, waxa ka baxay dugsiga saddex dufcadood oo saddexduba si la taaban karo afartii sano ee ugu danbeyey uga dhex muuqdey ardeyda ugu sareysa imtaxanadda dugsiyadda sare ee Somaliland (Top Ten).

Bare Cabdillaahi Muuse Qaalib waxa uu ka mid ahaa haldoorki Somaliland ee sanadkii 2013 lasoo xulay, taasi oo ay sabab u ahayd ka dedaalkii laxaadka lahaa ee uu galiyay horumarinta waxbarashada Somaliland, waxa uu ku guuleystay abaalmarin (Award).

Qof-ahaan Cabdillaahi Muuse waa qof ku sifaysan Alle ka cabsi iyo cidaabo joogto ah kana saahidey aduunyo iyo dhaldhalalkeeda, Marwalbana waxa uu jecelyahay in uu caawiyo ardeyda, una faa’ideeyo.

Runti sharaf ayay ii tahay aniga iyo dhamaanba ardeyda nasiibka u heshay in ay kasoo biyo cabaan darkii Macalinkani,waxa aan ku faanayaa inaan ka mid noqdo ardeydi ugu horeysay ee lagu bilaabay iskuulkaasi qaybtiisa cusub isla markaana aan kamid noqdo Dufcaddii ugu horeysay ee iskulkaasi ka qalinjabisay. Abaalka aan u hayno Barre han maaha mid aan gudi karno, Xiisadihii subaxda hore iyo casarka cadceeddu kulushahay uu noo gali jiray maaha mid aanu iloobi karayno, Waxaan Eebe (SWC) ugu baryayaa inuu ustaadad Abdilahi Muuse Qaalib Cimri dheer iyo caafimaad qab ugu deeqo aduunka Aakhiranna Janooyinkiissaa cissiga iyo sharafta badan ugu deeqo isaga iyo caruurtisii u cilmiga iyo akhlaaqda wanagsan uu kuso barbaariyey iyo xaaskiisa sharafta badanba….. AMIIN AMIIN IN SHA ALLAH.

 

Waxa qoray soona uririyey: Hamze Dalha