Masuuliyinta Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, ayaa Shahaadooyin iyo Abaal-marin guddoonsiiyey Tobankii Qof ee Shaqaalaha Wasaaradda ugu Shaqada fiicnaa sannadkan dhammaanaya ee 2019-ka iyo Xubno Shaqaalaha ka tirsan oo Tabobbar muddo u socday dhammaystay.
Munaasibad lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Magaalada Hargeysa ee Shaqaalahan lagu abaal-marinayey Ka sokow Madaxda iyo Shaqaalaha Wasaaradda, waxaa ka qaybgalay Wasiirrada Wasaaaradaha Dastuurka iyo Xidhiidhka Golayaasha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, Guddoomiyaha Hayโadda Shaqaalaha dowaldda, Guddoomiye Ku-xigeenka Hayโadda Maamul-wanaagga iyo la-dagaallanka Musuqmaasuqa, Culimo, Mudan iyo Marti-sharaf kale.
Ugu horreyn Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Aadan Cabdillaahi Cabdalla, ayaa faahfaahiyey marxaladaha kala duwan ee ay Wasaaraddu soo martay iyo abaal-marinta Shaqaalaha. Waxaanu sheegay in labada Sano ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi xilka hayey in wax badani u qabsoomay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ha ugu horreyso diiwaangelinta Maddarasadaha Diiniga ah iyo Macallimiinta dhiga, samaynta Manhajka Maddaarista, tayaynta iyo tabobbarista Shaqaalaha, xoojinta wacyigelinta Diiniga ah, Isku-xidhka Culimada Dalka iyo qodobbo kale.
Agaasime Aadan waxa uu sheegay in Shaqaalaha la qiimeeyey tobankii ugu sarreeyey ay u garteen inay abaal-marin iyo dhiirrigelin u sameeyaan, halka isla Xafladdan Shahaadooyin lagu guddoonsiinayo Shaqaale tabobbar dhinaca Xisaabaadka ah muddo bil ah baranayey.
Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga Maamul-wanaagga iyo la-dagaallanka Musuqmaasuqa Liibaan Ismaaciil Buraale iy Guddoomiyaha Hayadda Shaqaalaha Dowladda ee Somaliland Farxaan Aadan Haybe, ayaa halkaas ka hadlay, waxaanay sheegeen muhiimadda ay shaqada qaranka iyo maamul-wanaagga u leedahay dhiirrigelinta Shaqaaluhu.
Sidoo kale, Sheekh Maxamed Aadan iyo Sheekh Cabdillaahi Albaani, ayaa iyaguna halkaas ka hadlay. Iyaga oo Wasiirka iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ku ammaanay isku haynta culimada iyo dedaalka hufan ee ay ku horumarinayaan Wasaaradda oo ay ku tilmaameen mid muhiimad weyn u leh Dalka, Dadka iyo Diinta Islaamka ee ay Qaranka Somaliland Masuulka uga tahay.
Sidoo kale Macallinta muddada bisha ah tabobbarka u wada shaqaalaha Wasaaradda Awqaafta Eng. Axmed Qaalib Ismaaciil, ayaa halkaas ka hadlay, waxaanu ammaanay dedaalka iyo xil-kasnimada ay shaqaaluhu joogteeyeen inta ay waxbarashada ku jireen, isagoo ku teliyey in waxbarasho intaa ka sii sarraysana lagu aammini karo shaqaalaha uu tabobbaray, marka loo eego tayadooda, doonistooda iyo dedaalkooda-ba.
Wasiirrada Wasaaradaha Dastuurka iyo Xidhiihdka Golayaasha Maxamed Xaaji Aadan Cilmi iyo Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Boos Maxamed Mire, ayaa iyaguna halkaas ka hadlay, isla markaana soo dhaweeyey tallaabada ay Madaxda Wasaaradda Diintu ku dhiirrigelinayaan Shaqaalaha.
Agaasimaha Waaxda Masaajidda iyo Maddarashada ee Wasaaradda Diinta Sheekh Maxamed Macallin Aadan iyo Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Lacagta ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sacda Axmed Cabdi, ayaa iyaguna hadallo ay ugu mahad-celiyeen Masuuliyiinta Wasaaradda halkaas ka jeediyey.
Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa isaguna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in Guddi qiimaysa ay u saareen Shaqaalaha, guddigaas oo si hufan u qiimeeyey, kana soo saaray tobonkii qof ee ay u arkeen inay ugu shaqo wacnaayeen ama dedaal badnaayeen sannadka dhammaanaya ee 2019-ka, waxaanu ugu hambaleyeeyey dedaalkooda iyo shaqo-wanaaggooda.
Gebo-gabadii waxay Wasiirrada iyo Masuuliyiinta kale, Abaal-marinta ay mutaysteen iyo Shahaadooyin halkaas si wada-jir ah ugu guddoonsiiyeen Shaqaalaha ugu shaqada fiicnaa Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sannadkan sii galbanaya ee 2019-ka iyo Shaqaalaha Tabobbarka Muddada Bisha ah u socday dhammaystay, sidoo kale, waxa isna Shahaado Sharaf la guddoonsiiyeyoo iyagana halkaas shahaadooyin lagu guddoonsiiyey.
Iyaguna Geestooda Shaqaalaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, gaar ahaan Hablaha, ayaa Shahaado-sharafyo ku maamuusay Wasiirka Wasaaradda Diinta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed iyo Awqaafta iyo Agaasimaha guud ee Wasaaraddaas Sheekh Aadan Cabdillaahi Cabdalla, ay ku tilmaameen inay si guud uga shaqeeyeen horumarinta iyo cadaalad ku maamulka guud ahaan Shaqaalaha Wasaaradda, gaar ahaan Haweenka oo ay xuseen inay door fiican oo muuqda siiyeen.
Warbaahinta Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta
Jamhuuriyadda Somaliland.