Waxa lumay sinnaantii muwaadiniinta, qabyaaladdana waxaa kobciyey oo barbaariyey xukuumadda (WQ: Dr Maxamed-Culimo)

Qaranimadu waxay qiimo leedahay marka muwaadinku waajibkiisa garto kana soo baxo, xaqiisana uu helo oo lagu ixtiraamo. Hay’ado dawli ah oo wada shaqeeya iyo muwaadiniin loo adeegayaal ah oo ku kalsoon nidaamka maamul ee la isla ogol yahay ayey dawladnimadu ku hana qaadaa.

Wali waxaynu ku jirnaa dhismihii qaranka iyo qorshaynta mustaqbalka dambe ee dadkeena. Tiirarka qaranimadu ku taaba gasho waxaa ugu muhiimsan cadaaladda iyo sinaanta muwaadiniinta iyo in bulshadu ku qanacdo in dawladnimaddu u adeegayto iyaga.

SINNANTA MUWAADINIINTA waxaa qeexaya QODOBKA 8AAD EE DASTUURKA JSLoo odhanaya “Muwaadiniinta Somaliland iyadoon lagu kala saarayn midabka, qabiilka, dhalashada, luqada, lab iyo dhedig, hantida, mudnaanta, afkaarta iwm, waxay sharciga hortiisa ku leeyihiin xuquuq iyo waajibaad siman”
Hasayeeshee, muwaadiniinteena looguma adeego si siman. Adeegyadda bulshadda iyo mashaariicda horumarineed si siman looma gaadhsiiyo. Danyarta iyo hantiilayaasha muwaadiniinta ahina way ku kala soocan yihiin indhaha xukuumadeena.

Maansaddi Gunaad ee Xassan-Weedhsame waxaa ka mid ahaa:

“Sharcigan wadhatada ganaaxa
Wasiirkana gool u looga
Sharcigan gabay maatadiisa
Af-miishaarkana gunneeya
Sharcigan kii galay abaalka
La gawdhshee gebagebeeya
Sharcigan lagu guulwadeeyo
Sharcigan uu gado macdaarku
Sharcigan geneyoow agoonta
Gidaar seexshee gumeeyey
Sharcigan kii ginida haystay
U siiyey dan-guud badheedhka”

Fursadaha shaqo ee soo baxa waxaa inta badan si hoose loo siiyaa ehelka masuuliyiinta xilalka siyaasiga ah haya oo dawladnimaddii ka dhigay shaadh loogu adeego inta dano gaar ahi ka dhexeeyaan iyo ehelkooda u dhaw
Waxaa aad u kordhay adeegsiga qabyaaladda, eexda, qof jeclaysiga iyo kala dhawaysashadda muwaadiniinta.

Qabyaaladda waxaa cariyey xisbiyadda iyo doorashooyinka, waxaase barbaariyey oo kobciyey xukuumadda. Kolba inta xilka haysa ayaa bulshadda qoysas u qaybiya si ay danahooga siyaasiga ah ugu fushadaan. Dulmigu waxa uu hor socdaa burburka bulshada. Cadaaladduna waxay astaan u tahay deganaanshaha iyo horumarka umadda
Bulshadeenu waxay u haraadan tahay qaran loo siman yahay iyo dawladnimo u adeegta muwaadiniinta. .
Maansaddi Dabataxan ee macalin Gaariyye waxaa ka mid ahaa:

“Waxa maanta ii daran,
Qaran haga dadweynaha;
Qaran damal sidiisii,
Noo dallaalimeeyoo,
Soo taabta darafyada;
Qaran aan dir-sooc jirin,
Qaran aan ahayn dulin,
Nabad-doonka beeshiyo,
Raacatada dulsaar ku ah;
Qaran aan dirsada oo,
Anigaysku kay dirin;
Qaran iigu soo dara,
Aan iiga sii darin;
Qaran gudaha daafaca,
Dibeddana aqoonsi leh.
Isku soo dabaal oo
Waxaan doonayaa qaran,
Qaran dhaama kii dumay”

Waxaan xusuusin lahaa masuuliyiinta qaranka xadalkii nabiga (scw) ee ahaa, ” Qofka ummadayda xil u qabta ama masuul u noqda ee aan masuuliyadda xaqeeda marin JANADDA ma uriyo ”

Dr. Maxamed Yuusuf Aw Cali “Culimo”
London, UK