Waxaan hayaa xalka tahriibka, Q1aad (WQ:Prof: Maxamuud Jaamac Axmed “Xamdi”)

Waan ka raaligalinayaa akhristayaasha dibu-dhaca ku yimid maqaalkan oo daba socda maqaal hore (Ma Dambiilayaalbaa mise waa halyeeyo?) mashquul jiray awgeed, iyadoo fahanka maqaalkani aanuu suuragal ahayn ilaa iyadoo lala akhriyo maqaalkaasi hore.

Ka hadalka tahriibka siiba nuxurkii uu xambaarsanaa maqaalkii hore wuxuu I xasuusiyay muxaadaro aan ka jeediyay masaajidka Cali Mataan sannadkii 2013-kii, habeen Jimcuhu soo galaayay oo ah habeen masaajidkaasi aad u camiran yahay, anigoo kaga waramay arrinta tahriibka, kaasoo aan ugu talo galay in aan u qaybiyo laba qaybood oo kala baxaaya laba habeen oo kala duwan, balse taasi ma suuragalin, sababtoo ah waxaan qaybtii hore ugu talo-galay in aan soo bandhigo qiilal iyo xujooyin dhab ah oo ka dhigaaya tahriibka arrin dhallinyarada u fiican, markii aan muxaadaradaasi 1aad dhammeeyay waxaan arkay sawaxan iyo buuq weyn oo uu dhalliyay hadalkaygii, taasoo kaliftay in aan iska daayo in qaybtii 2aad aan dhamaystiro.

Sidaa awgeed waxaan wali rumaysan ahay in shaybaadhka iyo dawayntu aanay kala maarmi karin, markaa maqaalkii hore waa shaybaadhkii kanina waa daawayntii.

Xalka tahriibka ee aan halkan ku soo bandhigaayo waa tahriibka ka dhasha rajo-beelka, oo aan aaminsan ahay in uu sabab u yahay ku dhawaad 90% dhallinyaradeena tahriibta, laakiin xalkani kama waramaayo tahriibka ka dhasha jacaylka ay dadka qaar jecel yihiin dhoofka iyo in ay waddamo kala duwan arkaan, iyadoo taasi ay tahay dabeec bini aadanimo, oo dadka qaarna aad ugu sii xoogan, mana fiicna in dareenkaasi la mamnuuco balse waa in la fudaydiyaa.

Tusaale ahaan: haddii dadka Hargeysa jooga laga mamnuuco in ay tagaan Burco, waxay arrintaasi ku kalifaysaa dad aan u baahnayn in ay Burco tagaan in ay u heloobaan tagista magaaladaasi, maadaama dabeeca bini aadamku uu yahay mid jecel waxa loo diido, xitaa haddii uu wax yeelo ku jiro (Nabi aadam oo loo fasaxay dhammaan dhirtii jannada oo loo diiday geed qudha, taasoo dabeeca aadanimo uu ku kalifay in uu geedkaasi u hanqal-taago oo uu aakhirkii cuno).

Markaa waxaan uga socdaa sawirka mamnuucida ah ee la mamnuucaayo (Tahriibka) dhoofka ay muwaadiniinta Somaliland u dhoofaayaan wadamada kale waa mid laftiisu wax ina yeelaaya, laakiin waxa wax ina taraaya waa sidii loo abuuri lahaa rajo wanaagsan oo la hadhsado. Gabyaa Carbeed oo la odhan jiray Al-Durqaa ayaa waxa laga hayaa:

“Nafta waxaan ku sasabaa rajada oo aan ku sugsiiyaa…. Noloshu cidhiidhi badanaa haddii aanay jiri lahayn Rajadu.”

Aqoonyahan Talyaani ah oo lagu magacaabo (Pareto) ayaa dajiyay aragti ku qotonta (20% – 80%), taasoo macneheedu tahay, in 80% mushkiladan taagan ay ka dhalatay 20% oo qudha arrimha sababay, halka daawaynta 20% -ka ugu muhiimada badan uu dawaynaayo 80% mushkilada ballaadhan ee bulshada haysa.

Sidaa awgeed anigu waxaan aaminsan ahay in sababta ugu weyn ee dhalisa mushkilada tahriibka ay tahay rajo-la’aanta, xalka ugu fiicanna waa rajo-abuurida.

Aragti uu soo bandhigay aqoonyahan lagu magacaabo Maslow oo uu u bixiyay qaab-dhismeedka baahiyaha, ayaa sheegay in bini aadamku ay baahiyihiisu nidaamsan yihiin oo aanu u hanqal-taagin baahi ilaa uu tii ka hoosaysay uu haysto, baahiyahana wuxuu u qaybiyay:

  1. Aasaasi: (Cunto, hoy iyo hug)
  2. Nabadgalyada
  3. Baahida inuu bulsho yeesho oo uu cid ka tirsanaado
  4. Baahida qadarinta iyo ixtiraamka iyo inuu magac iyo sumcad fiican yeesho
  5. baahida inuu gaadho ahdaaftiisa fog oo uu dareemo inuu noqon karo waxa uu doonaayo.

Haddii aad aragtidaasi u fiirsatid waxaad fahmi kartaa sababta tahriibka quusta u eeg uu u badan yahay maanta, halka aanu u badnaan jirin sidan oo kale markii ay taagnaayeen dagaaladii kala duwanaa ee dalka soo maray.

Hal arrin ayaan aaminsan ahay in ay rajada abuuri karto, taasoo ah in la is-waafajiyo (nolosha dalka iyo xaalada dalka).

La Soco Qaybta 2aad …….