Dheelliga saami qaybsiga Saaxil waa dhabar jab( WQ: Maxamed Sidiiq Dhamme)

Caddaalad daro iyo ceeb ugub baan u arkaa Maareeyaha wakaaladda biyaha Berbera xilka qaadistiisa loo cuskaday in uu la hayb yahay Hoggaamiyaha WaddaniI. waxa mudan in qofka lagu ixtiraamo qofnimadiisa oo aan loo sibir saarin reernimda cidda siyaasadda ku jirta ee ay isku beesha yihiin. Aqoonbaan ku ogahay foolaadka seefta agnaanku sahayatay wakaaladda Berberina way tebidoontaa maanta iyo maalmo kale.

Cawaaqib xumada sidani waxay reebi kartaa eel siyaasadeed awoodda Kulmiye maaha in ay ummadda isku deegaanka ah u kala sadburiso. Saami qaybsigu waa seeska dawladnimadeena ku taagan tahay hallaga noqdo oo hallaga daayo ku dirqiga colaada walaalaha isku deegaanka ah.

Waa hubaal xaaji Axmed in aanu ogayn xaaladdo badan oo xiddida loogu siibayo wada degenaanta iyo dan wadaagta deegaanka Saaxil, taladeedana wax laga siin. Dadka ku xeeran ee talada xeedha ku jirta wadaaga hadba siday jantaanbay u jiidjidaan talada ummadda cidda loo dhaarshay.

Xero ka saarka Cartan waa xafiiltan siyaasadeed, xil ka qaadistu haday ku abtirsato Xisbi hebel hoggaankiisad la hayb tahay la mahadin maayo. Arrinkan waa in indho fayoow iyo aragti dheer lagu jeedaaliya, haddii xilkasnimo daro lagu bedelo qofka hawraarsan waa hal soo jireena haddase Cartan arrintiisu ka fog taas. Deegaan wadaagta iyo ood wadaagta Alle iska weelay ee deegaan ku wada nooli xaqa haysugu hiiliyeen oo halla sheego midhkaan la qaadan karin ee aan ku qaban isna ma qabtee gacallayaal haddii kale dhito meel taalay ahaan oo hadba mid ku dhacda.

Waxa Qoray: Maxamed Sidiiq Dhamme