Madaxweyne Siilaanyo oo dalka ku soo laabtay, ka dibna u ambabaxay Isu-tagga Imaaraadka Carabta

????????????????????????????????????

Madaxwayne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo waftigii uu hogaaminayay ayaa  maanta abbaaro 2:00 Duhurnimo ku soo laabtay dalka, ka dib markii ay soo dhamaysteen ka qaybgalkii caleemo-saarka madaxwaynaha jamhuuriyada JabuutiIsmaciil Cumar  Geelle, oo ku qabsoontay xarunta dalkaasi ee Jabuuti.

Intii ay ku sugnaayeen Jabuuti, waxay la kulmeen masuuliyiinta  dawladda Jabuuti oo uu ugu horeeyo Madaxwaynaha Dib loo doortay, Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka dhex muuqday masuuliyiin ka kala yimid meelo kala duwan oo ka mid ah Africa iyo Caalamka intiisa kale.

Madaxwaynaha iyo waftigiisa waxa ku soo dhaweeyay madaarka Madaxwayne-ku-xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil “Saylici”, wasiiro, xildhibaano iyo Taliyayaasha ciidamada oo kala ahaa taliyaha ciidanka qaranka, taliyaha ciidamada Booliska, taliyaha Ciidanka Asluubta  iyo masuuliyiin kale.

Madaxwaynaha iyo waftigii wehelinaayay waxay cabbaar ku nasteen qolka nasashada (VIP) ee Madaarka Egal International Airport.

Nasashada ka dib, Madaxwaynaha iyo waftiga la socda waxay bilaabeen qaybtii labaad ee Safarkooda ee  Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxaana halkaa ku sugaysay  Diyaarad Khaas ah oo uu u soo diray Madaxwayne-ku-xigeenka ahna, raysal wasaraha Isu-tagga Imaaraadka Carabta ahna xaakimka Dubai Muxamed Bin Raashid Al-Maktuum.

Safarkan oo la filaayo in uu maalmo qaato, waxa madaxweynaha ku wehelinaayey, Marwada Kowaad ee qaranka Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde, Gudoomiyaha Xisbul Xaakimka kulmiye ahna Musharaxa Xisbiga Mujaahid Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye), Wasiirka Duulista iyo Hawada, Mudane, Cumar Sheekh Maxamed Faarax, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir “Cukuse”, Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha, Mudane Cali Axmed Cali, iyo Xoghaynta Marwada Sabaax Cali Diiriye, iyadoo ay hore u sii joogeen imaaraadka, Wasiirka Madaxtooyada, Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Arrimaha Dibeda Dr Sacad Cali Shire, iyo Maareeyaha Dekeda Berbera Mudane Cali Cumar Maxamed “Cali Xoor-xoor”.

bandhige@gmail.com