Sideed askari oo Qaahira lagu dilay

Duleedka magaalada Qaahira ayaa waxa lagu dilayu askari oo ka tirsan ciidanka booliska Masar sidaasna waxa sheegay Madaxda Masar.

Wasaaradda arrimaha gudaha, ayaa sheegtay in rag hubeysan oo aan la garaneyn ay xabado ku fureen bas yar oo boolisku lahaayeen degmada Helwan oo ku taal koonfurta Qaahira.

Dhadhaqaaqa mucaaridka ee taageera kooxda Akhwaanu-Muslimiin, ayaa sheegay in ay ka dambeeyeen weerarka. Waxay sheegeen in ay ku xusayeen taageerayaashi Madaxweynihii talada laga tuuray Muxamed Morsi, kuwaasi oo lagu dilay dibadbaxii 2013kii.

bandhige@gmail.com