Waxay jeclaayeen in aynu jabno (WQ: Kaysar Mahad Cumar)

 

Doorashadii Isniintii si nabadgalyo ah ayay innoogu dhammaatay. Waa Alle mahaddii.

Doorashaddan waxaa aad uga hadlay warbaahinta caalamka ugu codka dheer sida Economist, Washington Post, The Guardian, The New York Times, The Sydney Morning Herald, Cape Times, ITV, Al Jazeera iyo  qaar kale oo badan oo aanan halkan ku soo koobi karin.

Dhammaan warbaahintan iyo cid kasta oo caqli fayow qabtaa waxay isku waafaqeen in Somaliland ku talaabsatay horumar tusaale u noqon kara waddama baddan oo la daalaa dhacaya hanaanka doorashooyinka iyo dimuqraadiyadda.  Horumarka Somaliland ay gaadhay 26 kii sano ee ay madaxbannaanida ay ku naaloonaysay waa mid farxad galisay cid kasta oo niyad wanaag ku sifowday, lamana dafiri karo heerka ay Somaliland ka gaadhay dawlad-wanaagga iyo dimuqraaddiyada oo fadhiid ku ah guud ahaan qaarada Africa.

Iyadda oo wanaag fara badan laga tabiyay Somaliland ayaa waxaa jira cadow fara badan oo indhaha ka qarsanaya guulaha is xig xigay ee ay Somaliland gaadhay. Lakiin suurta gal maaha in la qarin karo iftiinka ka baxaya geeska Africa. Odhaah somaaliyeed ayaa tidhaa “Cadceed soo baxday sacab laguma qarin karo”. Hadaba qormadan waxaan rabaa in aan dadka reer Somaliland ugu iftiimyo caddowga Somaliland oo aan u kala qaadi doono laba nooc.

Caddowga koobbaad ee Somaliland leedahay waa waddamada adduunka ee inaga  waayay wax iyaga u dan ah. Waddamadaasi waxa ku jira kuwo aynu jaar nahay.  Waaxaa caddayn innoogu filan qaabka ay innoola dhaqmayeen intii Somaliland xornimaddeeda la soo noqotay. Qaar ka mid ah waddamada jaarku waxay si badheedh ah u caadaysteen in ay ina hagardaameeyaan, kuwa kalana waxay inoo dhibaateeyaan si dadban. Dalalkani waxay ka siman yihiin in ay iska indha tiraan xaqiiqada dhabta ah ee Somalialand ka jirta. Qoraalkani farta ku fiiqi maayo waddamo gaar ah waayo dadka reer Somaliland baddidoodu way garanayaan cadowgooda inkasta oo ay ku kala aragti duwan yihiin qaababka ay u dhibaateeyaan.

Cadowga labaad ee Somaliland horumarkeeda dhibaa waa shakhsiyaad badi aynu wada naqaano oo ku sifoobay nacaybka ay u qabaan Somaliland. Lakiin muddooyinkan danbe waxaa soo batay kuwa kale oo aan aad loo aqoon oo ka mida bulshada Soomaaliyeed. Waxaan haddaba jeclaaday in aan wax idiinka sheego dareenkoodii la xidhiidhay doorashadii qabsoontay Isniintii.

Badi marka aad dadkan la kulanto waxay kuu sheegayeen xisbiga ay taageersanaayeen labada murashax ee Kulmiye iyo Wadani. Su’aasha la is waydiinayaa waxay tahay maxaa uga dan ah doorashada Somaliland? Bal hada u fiirso jawaabtooda ayaa kuu iftiiminaysa sababta ay u taageerayeen.

Nin ka mid ah dadkaa ayaa igu yidhi “Kulmiye ayaa taageersanahay waayo Muse waa askari oo waxaan rabaa in uu dadka laayo oo ay ka soo qaxaan Somalialand oo la midoobo

Mid kale wuxuu yidhi “Ciro ayaan rabaa waayo waa nin dawladda Somaliya heeshiis cad oo midnimo la soo galay” Mid kale wuxuu yidhi “Waxaan rabaa in dagaal sokeeye dhex maro beelaha Somaliland sidii 1994 kii” Mid kale wuuxu yidhi “Somaliland waxay gaadhay meeshii ay ku burburaysay”.

Halkan kuma soo koobi karo hadaladda turxaanta leh ee ka soo yeedhaya qaar ka mid ah ummadda Soomaliyeed gaar ahaan qurba joogta. Dadka xumaha inoo saadaalinayaa waa kuwo aan aqoon u lahayn qaab dhismeedka qaranka Somaliand iyo dabeecaddaha musharixiinta u tartamaya doorashada. Lakiin waxa xusid mudan in ay jiraan Soomaali badan oo u riyaaqsan hurmarka balaadhan ee ay Somaliland ku tallaabsatay, sidaas daraadeed inta horumarkeena ka daba qaylinaysa u joojin mayno waynuse ka feejignaan.

Doorashadii si wanaagsan bay u qabsoontay. Waxan rajaynayaa in natiijaduna si fiican u soo baxdo ciddii laga badiyaana si gobonimo leh u aqbasho. Waxaa rajaynayaa in doorashadani noqoto tii badhaadhe iyo aqoonsi inoo horseedi lahayd.

Kaysar Mahad Cumar

kaysar10@gmail.com

London, UK