Goob-joogayaashii Caalamiga ahaa ee ka soo qayb galay Doorashada Madaxtooyada Somaliland ayaa waxay la hadleen warbaahinta

 

Doorashada madaxtooyada Somaliland ayay ka soo qayb galeen goobjoogayaal caalami ah oo lixdan qof ka badan, kuwaasi oo ka kala socday 27 Dal oo dunida ka tirsan.

Goobjoogayaashan ayaa waxay si qoto dheer ula socdeen hanaanka ay dadwaynaha Somaliland u dhiibanayaan codkooda goobjoogayaashan oo soo wada maray meelo badan oo iyagu ay xiisaynayeen iyo dhamaan goobaha codbixinta ee degmooyinka iyo gobolada iyo tuuloojinka ay hawlaha doorashadu ka socdaan.

Qaar ka mid ah joobjoogayaashan ayaa noo sheegay goobaha ay soomareen iyo dareenkooda ku wajaha doorashadan ay ku hawlanaayee.

Halkan ka daawo muuqaalka warkan:

Diyaarintii: Mustafe Maxamed Nuur Dheereeye

bandhige@gmail.com