U-kuurgalka Waqtiga Tiiha/Jahwareerka (Waxa turjumay: Cabdifataax Xuseen)

In La raadiyo xadaaradii aynu lahayn waa shardi assaasi u ah garashada cidda aynu nahay? Iyo baadigoob ka masaafada inoo dhaxaysa inaga iyo umadaha kale ee horumartay xadaarad ahaan iyana waa qodob kale oo muhiim u ah in aynu fahano halka aynu taaganahay?  Sida ay muhiim u tahay in la baadho sababta horumarka iyo dib udhacaba, looguna tilmaami karo arimaha gundhiga u ah in la fahmo god dalloolooyinka dhanka fikirka iyo aqoontaba.

Waqtiga lagu jiro Tiiha/Jahwareerka, waxaa tiro beela kuwa ka hadla wax walba (Afmiishaarada), waxaana yaraada aqoonyahanada sameeya baadhis qoto dheer, waqtiga tiiha waxa ay bulshadu u baahataa booqashada dhanka ruuxiga kuwaa oo lagu daaweeyo xanuunada oo dhan aqriska quraanka oo kali ah, markaa waxaa lagu tartamaa furitaanka goobaha loo yaqaan cilaaajka ama (Daarul Shifa) ee dhanka maskaxda, kuwaas oo ka aradan ama aan lahayn aqoonyahano takhasus u haysta dawaynta dhanka maskaxda/nafsiga (psychologists), Waqtiga jahwareerka waxaa yaraada xarumaha lagu baadho xanuunada ku dhaca nafsiga ama bulshada taas oo ka dhalata hirdanka xadaaradaha ama waqtiga iyo iska horimaatinka joogtada ah iyo dhibaatooyinka bulshooyinka la soo darsa, Sidaas oo ay tahay kitaabka Quraanka ee casiiska waxaa loo soo dajiyay si uu u daweeyo dhalanteedka nafsiga iyo fikirkaba Iwm.

Waqtiga tiiha/jahwareerka waxaa bata khatiibyada/Imaamyada, waxaana yaraada aqoonyahanda diinta, intaas waxaa ka sii daran in ay noqoto fahamka guud ee laga qabo waxwalba mid xiddidaydu ay dheer yihiin, waqtiga lagu jiro jahwareerka, qof walbaa wuxuu noqday aqoonyahan gaar u suntan, waxaana ay faaqidaan nolosha iyaga oo u eegaya fikirkooga gaarka ah, taas oo ay faahfaahiyaan dhibaatada gun dheerida u saaxiibka ah.

Waxyaabaha ugu layaabka badan ee waqtiga tiiha lagu jiraa, waa in dadku ay u tagaan wadaadada diinta, waydiiyaana wax walba, waxaana ka sii yaab badan tu walba, in ragga wadaadadu ay ka jawaabaan wax walba iyaga oo aan u celin marjic leh takhasuskeeda. Waxaan maqlay maalintii igu yaab ka badnayd fatwa yaab leh oo uu lahaa nin caalim caan ah kuna saabsanayd umuuraha shaqada iyo mushaarka, waxaan uu uga jawaabay mawduucaas si deg deg badan, uma uusan sheegin dadka, in arintani ay leedahay saldhig aqooneed oo xagga dhaqaalaha, iyo dhinaca fikirka, anigu laf ahaantay uma lihi aqoon gaar ah labadaa dhinacba, waxaana ay tahay in aan la tashado kuwa u leh khibrada/aqoonta dhanka fikirka shariciga, maxaa yeelay, xukunka waxaa laga soo dheegtaa in la suuraysto marka horeba, hana u walwalin waxay ka mid tahay waqtiyada jahwareerka.

Waqtiyada jahwareerka/Tiiha, waxaa uu noqdaa aqoonyahanku bilaa hub/agab, waxaana uu noqdaa aqoonyahanka dhanka sharciguna shaqaale ama u adeege ninka aan u saaxiib ahayn caqliga ee maamulka jooga, waxaa uu hogaamiyaasi isku dayaa in uu noqdo ninka kali ah ee loo celinayo sida dhabta umuuraha ku saabsan nolosha, markaas bay noqotaa noloshu mid ka aradan macaanka xaqiiqdii, waxa kale oo ay lumisa dhadhanka iyo macnaha ay samayso, dhalintu markaas bay bilaabaan in ay ka hor yimaadaan xaaladaa lagu jiro, markaas bay iska waydiiyaan si aan gabasho fikir lahayn, maxaa inaga oo kali ah ugu jirnaa tiiha/jahawareekan? Jahwareerku ma wax inaga oo kali ah la inoo qoray baa? Dhanka eebe inooga yimid baa? Sababma?

Waqtiga lagu jiro jahwareerka, waxa ay noqdaan dhaqdhaqaayada diinigu kuwa bilaa mashruuca/Aragti ah, waxaana ay dib ugu noqdaan dhanka danbe, waxa kale oo uu noqdaa aqoonyahanka diiniga ee wayni mid si gaar ah takhasus ugu haysta dhanka ka saarida jinka dadka xanuusan, taasina waa farshaxan leh hawsheeda waqtigan aan ku jirno, noloshuna ay noqotaa mid dib  usocod ah, Dhaqdhaqaaqyada ururadu sida caadiga waxa ay leeyihiin aragti horumarinee , laakiin waqtiga lagu jiro tiiha/jahwareerka waxa ay ka baxdaa dabeecadaas si ay uga mid noqoto waqtiga jahwareerka.

Hadaba, marka lagu jiro waqtigan oo kale, waxa soo if baxa is maandhaafka u dhaxeeya ragga xarakooyinka/dhaqdhaaqyada diiniga kaas oo ku saabsan, kuma ayaa doonta wadaya/hogaamaniya? Maxaa yeelay ujeedadii ayaa is badasha oo waxa ay noqotaa hay’ad diini ah waxaa ayna isku badashaa xarakad khayri ah (Caawimada ku lug leh), waxa ay leeyihiin lacago xoogaa ah iyo xoogaa hanti ah, markaas bay ka dhex qaraxdaa, waxaana bata is qabqabsiga, waxaa yaraada hanka, waxaa sidoo kale bata damaca bilaa xisaabta ah. Maxaa yeelay waxa lagu jiraa jahwareer/tiih.

Waqtiga lagu jiro Tiiha/Jahwareerka, dhamaan waxaa la noqdaa bilaa su’aal oo waxaa ka dhamaada nolosha jawigii wanaagsanaa ee is waydiinta iyo baadhidu ay asal ka u ahayd, maxaa yeelay waxa uu mid walbaa aaminsan yahay kan kale in uu yahay mid laga dhex hadlayo, waxaa lagu jiraa waqti tiih, Bulshada ku jira jahwareerka/tiiha, ama doonta tiiha, waxaa bata waraabaha/dhurwaaga waxaana soo gaabta aragtiyaha, waxaana ay cilmi baadhis tu ay noqotaa mid bilaa u jeedo ah, waxaana ay dadka qaarkii ay ka dhan tahay in horumarku ay ku dhamaato in la helo ama aad qaadato shahaadad sare adiga oo aan lahayn fikir xeel dheer, taasi waxa ay kaa filnaanaysaa in aad sidato xarafka (D) ee darajada si aad uga hesho soo dhawayn aan loo kala hadhin bulshooyinka kala qaybaha ah, hana waydiin, sababta ay u noqotay cimaamaduhu in ay matalaan fahanka diiniga ah? Shahaaduna ay u matasho aqoonta? Waxaana jirin cabir sugan oo lagu garto waxa uu yahay horumar ama dib u socod, taasina waxay qayb ka tahay waqtiga lagu jiro tiiha.

Waqtiga lagu jiro tiiha, bulshadu waxa ay raadiyaan deganaasho, madaxduna waxa ay baadi goobaan deganaansho maamulkooda ah, halkan bay ku kulmayaan, laakiin mid walbaa waxa uu iska leeyahay deganaanshihiisa, xasiloonida madaxdu waa in aanay jirin wax hadidaad ama carqalad ku ah xukunkiisa siyaasiga ah, xasiloonida bulshaduna waa in ay helaan nolol maalmeedkooda dhiifta leh, iyo in aynan jirin degaal sokeeye, taasi waxa ay ku tusinaysaa in aysan jirin cabir cilmiyeysan oo sugan laguna garto xasilooni waxa ay tahay, sababtuna waa in lagu wada jiro tiih.

Waqtiga jahwareerka/tiiha, Dumarku waxay noqdaan jidh, markaas ayuu wadaadka diintu kusaleeyaa fikirkiisa inta ku saabsan jidhkeeda oo kali ah, taasina waxay u badisaa khudbadiisa diiniga ahi umuuraha dumarka iyo asturnaantooda oo kali ah, si ay tahay oo kali qaab dhismeed jidheed oo kali ah, kama hadlo karamaada dumarku halka ay diintu gabadha ka joogto illaa ay noqotay meel waxyi ahaan loola hadlay Maryan Ina Cimraan (( يا مريم اقتنى لربك ، واسجدى ، واركعي مع الراكعين ) ) Sida ay waxyaabaha ay muhiimada hore ay diintu uga hadashay ay tahay caqliga gabadha iyo garaadkeeda (Boqoradii Saba), Markaas bay gabadhu ku dhex luntay laba arigtiyood oo mayal adag, kaa diiniga ah ee dhanka ka raran iyo kaa kale ee cilmaaniyada ku salaysan, labadadooduba waa ay ka dhacsan yihiin mawduucan, sababtuna waa jahwareerkan/tiiha lagu jiro.

Waqtiga tiiha/jahwareerka, warbaahintu waxa ay ka hadlaan fitno, sida uu warbaahiyihu u yaqaano fitnadu waa in ay tahay shacabku in baahi u qabaan si ay u helaan xoriyad iyo cadaalad, taasina dhab ahaantii waxa ay khatar ku tahay xasiloonida, Marka lagu jiro tiih ama jahwareer, waxaa aynu leenahay mashruuc siyaasadeed dhan oo ah sidii looga hadli lahaa u hogaansanida madaxa u sareeya, wixii intaa ka baxsana aanu haboonayn, arin aan intaa ahayn aynan haboonayn in laga hadlo, sidaa daraadeed, waa in lagu marti qaadaa dhamaan aqoonyahanada fikirka siyaasiga si ay ugu fasiraan sida ay danta ugu jirto hogaamiyaha marar ka qaarkood, ama sida ay u dan ah in la helo maslaxad xasiloooni siyaasadeed marar ka kale, markaas buu noqdaa arinkaasi mid ka kali ah ee sugani dhanka warbaahinta, sababtoo ah waxaa lagu wada jiraa wareer tiih.

Marka lagu jiro Tiiha/jahwareerka, Masaajidku waxaa uu noqdaa mid aan sidin fariin, waxaana uu noqdaa hoy dadka howl gab ka ah, iyo kuwa laa daalaa dhacay hirdanka nolosha, ama kuwa dhex fadhiistay fashilka waqtiga tiiha., marka lagu jiro waqtiga tiiha, waxa ay noqotaa khudbadu go’aan siyaasadeed oo ay hagto Wasaarada diinta iyo awqaafta, ilaa maantana wixii ka danbeeyay kacdoonkii carabta, waxay noqotayba maqaaladii sirdoonka, waxa uu sheekhu soo jeediyaa khudbad minbarka dushiisa ah, ileyn waa loo soo diyaariyey, isaga oo ah sii gudbiye fikirka la soo diyaariyey, waxayna ay ka dhigan tahay taasi in uu yahay qalab u akhrinaya dadka waxa ay nan fahmayn, waxaan uu leeyahay waxa uu ku qanancsanayn, sababtu waa isaga iyo iyaga, iyo dhamaan dadka ku jira tiiha.

Xaalada tiiha/jahwareerka, dadku waxa ay u dhintaan si aan lahayn tiro, waxaana ku dhashaan bilaa qorshe, waxaa ku dhex faafa xanuunada aan lahayn gabaad, degaanadu waxa ay soo jiitaan xanuunada dilaaga ah, waxaa yaraada hanaankii aynu isaga ilaalin lahayn ama u dawayn kari lahaynba, su’aalina kama taagna arinkani, balse waxa uu khilaaf ku xoogiisa ku salaysan yahay qabiilka xukumaya wadanka? Iyo boosaska ay kala helayaan reeraha qaarkood?

Xaalada tiiha/Jahwareerka, waxaa jira doodaha ama muranka siyaasadeed ee aan lahayn macnaha badan, sida ay u qaybsanayaan qabiiladu boosaska, taas oo dhab ahaan lahayn macna sii fog, iskaba dhaaf in ay faaiido leedahay, maxaa yeelay dawladu dhamaan waxa ay ku jirtaa jeebka hogaamiyaha/xaakimka, sababtuna waa in ay maqan tahay fahamkii saxda ahaa ee aynu ka lahayn nolosha, waxa aynu ku jiraa xaalad jahawareer.

Waqtiga lagu jiro jahwareerka/tiiha, dadku waxay u fikiraan danahooda gaar ka ah, kaasi waxaa uu xadayaa xoolihii umadda bilaa tirro, laakiin waxaa uu ku noqday shaqadiisa mid xariif ku ah, Kan kalena waxaa uu ka dhigayaa wasaaradii loo igmaday xarun ay gaar u leeyihiin qabiilkiisa, markaas buu noqdaa geesi u tirsan reerkooda, maxaa yeelay waxa uu fahmay ciyaartu sida ay u socoto, Kaa kalena waxaa uu ka ag dhawaadaa kaabbaha beesha, markaasuu ka guursadaa xigaalkii, sidaasuuna ku gala fagaaraha hogaanka si balaadhan, ku kalena waxaa uu si fudud ku gaadhaa xagga sare isaga oo ka qoray maqaal hogaanka sare ama uu ka akhriyaa khudbad ku saabsan geesinimada uu leeyahay halyayga kali ah, ama sidoo kale u tiriyaa maanso/gabay ku saabsan waxqabadkiisa, taasaana ay tahay ta ugu haboon ama ugu fudud ee uu ku gaadhi karo ujeedada kama dambays ah, markaas bay noloshuna is huursataa, qofna aanu dhuganba waxa socda, ileyn qof walbaa waxa uu ku mashquulsan yahay umuurihiisa gaarka ah, kuwa wax fahansani way ka digaan, kuwa kalena waxa ay ku odhanayaan: Waa maxay sababta uu isaga oo kali ah u arkayo waxa aynaan arkayn anagu? Dhabtii waxay ku jiraan tiih cajiib ah, taasina waxa ay mid tahay xaaladaha jahwareerka/tiiha.

Marka lagu jiro jahwareer/tiih, dadka intooda badan waxa ay ka baqaan hadhka, ama naftoodaba, sababtoo ah waxa ay u qaybsameen laba shaqsiyadood, shaqsi waxaa uu arkaa xaqiiqdu sida ay u jirto, shaqsiga kale waxa uu ka arkayaa maslaxada dhanka kale, waxa uu ku jiraa habeen mugdi ah isaga oo ku taagan xaqii, waxaa ay tahay in  dharaarnimo lagu jiro iyo arinka oo cad laakiin ay maslaxadi ku jirto.

Waqtiga lagu jiro jahwareerka, ma jiro baqdin laga qabo mustaqbalka, wax walbaa waxa ay ku jiraan gacan ta Ilaahay, laakiin waxaa cabsi leh waqtiga hadda taagan, ileyn waxa ay ku jirtaa gacanta hogaamiyaha guud, !! Alla miyaynan ahayn cabqarnimo In lala wadaajiyay Ilaahay shariik, marka lagu jiro waqtiga tiiha, waxa uu qofku ka laba labeeyaa shaqo ay ahayd in uu qabto, waxa uuna ku qancaa in duruufahu ay ka dhigeen tu laba kaclaysiisa, waxaana uu is waydiiyaa, waa maxay sababta uu san ugu jirin qoyska xukunka jooga? Waa maxay sababta uu u noqon waayay qof lacag leh sida hebel oo kale? Taasina waa suaalaha la is waydiiyo waqtiga lagu jiro tiiha, waxaa uu qofku is ku hawlaa baadhis aan macno badan lahayn, waxaana uu isaga tagaa tii dhabta ahayd, sidaas buu na ugu jiraa tiih, dadka la deganina ay ugu jiraan tiih/jahwareer.

Waqtiga lagu jiro tiiha/jahwareerka, waxay dadku ka xoroobaan mabaadi’da, waxay qaarkood ka baqaan is adoonsiga, markaas bay is ka horimaadku uu hirgalaa, jacaylka xoriyada, laakiin aanu garan waxa uu ka xoroobayo? Umaddaha dib usocod ka ahi marka lagu jiro xaalada jahwareerka ahi, suurto gal ma aha in ay dadku arkaan waxa ka baxsan sanduuqa gudihiisa kujira, ama ka badan ba, xaalada jahwareerka, sanduuqaa reernimada, kiishka siyaasadeed, godka diinigu/madhabiga iyo sanduuqa bulshaduba, waxa ay dhab ahaantii tahay mugdiyo isa saaran, oo hadii uu qofku saaro gacantiisa aanu arkayn.

Waqtiga lagu jiro tiiha, waxaa joogsada samanka/waqtiga kaa faaideysigiisa, waxaa fadhiid noqdaa caqliga, waxaana uu fikirku waayaa hilaaciisa iyo iftiinkiisa, waxay noqotaa xooluha/agabka ujeedo kama danbays ah oo oo nolosha laga leeyahay, markaas bay noloshu cidhiidhi gashaa, maxaa yeeelay, tartanka halkani maaha mid ku saabsan dhanka qiimaha nolosha mabda’iyan, laakiin waa dhanka dhuuniga oo kali ah, waxaana ay isku badashaa midig iyo bidixba.

Waqtiga lagu jiro tiiha/jahwareerka, waxaa uu siyaasigu necebyahay kan kale, markaas bay bulshadu bixiyaan qiimaha uu leeyahay dhibku dhab ahaantii, waxaa maanta tusaale kii ugu danbeeyay aan u soo qaadan karnaa cunaqabataynta ay carabtu saareen qadar waqtigan aan ku jirno, waxayna ka tahay jahwareerka aan ku jirno, Waa maxay sababta ay siyaasadu u soo faragalisaa nolosha qaybaheeda kala duwan marka aan ku jirno jahwareerka? Waa maxay sababta ay u timaado caadifaduhu marka ay xidhiidhka guud ee bulshada laga hadlayo?

Maamulku Wuxuu ku jiraa jahwareer, shacabku waa jahwareersan yahay, guud ahaan caalamkuba waa la jahwareeray, kii wax korinayay waa uu dawakhsan yahay, kii fikirka keeni lahaa tiih ba uu ku jiraa, (Aayad: يتيهون فى الأرض أربعين سنة) Waxa ay ku dhex jahwareersan yihiin dhulka afartan sano) laakiin suaasha taallaa waa: Maxaa aynu inagu tiiha ugu jirnaa? Waa maxay sababta ka dhigay tiihu in uu ka mid noqdo xayndaabka nolosheena waqtigan? Maxaa aynu kaga bixi karnaa tiiha?

Waa aynu sii wadi doonaa su’aalaha ku saabsan waqtiga tiiha, u kuurgalidiisa, iskaba dhaaf fikirka dhabta ah ee sidii aan uga bixi lahay xaalada jahwareerka,  laakiin ma aha xikmadu in aan kaga baxno mawduucan inta aan sheegin in ay jiraan awood dhalinyareed oo u uleeyahay wadankeenu si aynu uga baxno xaalada jahwareerka ama tiiha.

W/Q: Cheikh Abdirahman Bashir (Afcarabi)

W/Turjumay: Abdifatah Hussein (Af Soomaali)

fataax11@gmail.com 

Facebook: https://www.facebook.com/abdifatah.hussein.395