Wax u muuqda inqilaab ayaa ka socda Zimbabwe

Xaaladda dalka Zimbabwe ayaa ceeryaan badani saaran tahay kadib markii ciidamada milatarigu ku soo ruqaansadeen madaxtooyada halkaas oo la isla dhex marayo in ay xabsiga u taxaabeen Robert Mugabe iyo xaaskiisa.

Dhaqdhaqaaqa milatari ee ka socda Harare ayaa imanaya kadib markii Robert Mugabe uu dhawaan eryay Emmerson Mnangagwa oo ahaa madaxweyne-xigeen isla markaana ka mid ahaa halgameyaashii la soo dagaal galay Zimbabwe.

Eriga Mnangagwa ayaa loo fahmay in uu madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe uu xaaskiisa u banaynayey jagadan.

War ay soo saareen ciidamada Zimbabwe ayay ku sheegeen in aanu waddanka Zimbabwe ahayn hanti ay leeyihiin Mugabe iyo xaaskiisu. Waxay sidoo kale sheegeen in hawsha ay wadaan aanay ahayn inqilaab laakiin ay dalka u soo celinayaan haybaddii maamul iyo dhaqaalihii uu mar lahaan jiray.

Qaraxyo iyo rasaas la is weydaarsanayo ayaa laga maqlay gudaha magaalada harare. Lama oga xaqiiqada dhabta ah laakiin calaamadaha la arkayo waxay muujinayaan in uu inqilaab socdo.

Halkan kala socda hadba wixii warkaa ka soo kordha.

Bandhige@gmail.com