Waxaynu galnay xaalad kala guur, tolow siday noqon (WQ: Nuur Xaaji Xiiray)

Dadku farta ayay wadnaha ku hayaan, waxay is leeyihiin tolow siday noqon, imika uun baynu salka dhignay, caruurtii waxbarasho u dhaqaaqeen baayacmushtarkii dantiisii u dhaqaaqay dadkii kala foofeen qofwalba wax rajaynayaa.  Laakiin xaalad kala guur ayaa inagu soo fool leh oo ah dad kursi doon ah oon waxba yamxeerin si ay u gaadhaan waxaa ay doonayaan, dhiiga maxastoodana ka baayacmushtareeya.

An kuu sheegee maxas yahay adigaa doorashada leh hadii aad colaad doonayso iyo hadii aad nabad doonayso, waxba ha eegin nimankaa shaadhadhka badan xidhay ee danaha gaarka ah doonaya.  Nimankaa wax ku noqda inay dadkooda dhiigooda ka baayacmushtareeyaan waxaba ha eersan ee inoo kala doora. iyagu kubadii dhexdeena ayay ku soo laageen eh, ma si nabad ah ayaynu u ciyaarnaa mise waynu isku dilnaa. Dooro.

Tusaale yaa burburiyay suuriya dadku waxay ku odhan Bashaar iyo Ruushka iyo waxay caga ku qaataan, may burburin iyagu, kubad ayaa loo soo laagay si khaldan ayay u ciyaareen iskamay garan cida kubada soo laagtay, hadii ay iska garteena, si wanaagsan umay xaliyin. Ee waa kuwaa u ciyaaray sidii la doonaayay. sida la doonayayna waa in suuriya la burburiyo. cida kubada soo laagtayna waa reer galbdeed iyo dabadhilifkooda, waa taa la gaadhay hadafkii la lahaa, oo ah in suuriya la burburiyo, iyada oo waliba cidkale lagu shaambadeeyay. Waxaynu ku jirnaa sanado khiyaamo sidii Rasuulkeenu inoo sheegay SCW, umuuruhu sida ay u muuqdaan maaha ee si kale ayaa loo shaqeeyaa. Tusaale yaa soomaliya burburiyay, akhri maqaal hore oon qoray Yaa Soomali halkaa dhigay.

Tusaale dalka maraykanka nin baa ka hadlay wuxu yidhi waxaa maamula hal xisbi oo laba garab leh mid wuxuu ku qortay Democratic ka kalena  Republican.

Inaguna sidaas ayuun baynu nahay hal shabakad ayaa ina maamusha, oo magaacdaa inoo samaysay, Kulmiye, Waddani iyo UCID.

Markaa maxas yahay dooro colaad ama nabad, adaa ikhtiyaarka leh, arinku waa sidee, Arday ayaa doonaya inuu dhakhtar noqdo waa inuu maraa dariiqii lagu noqnaayay dhakhtarnimada,waxbarasho bilaabaa jaamacdii dhakhtarnimada gala iwm.

Sidaas oo kale colaadu dariiq bay leedahay waa inaga oo aamina inuu qaabiil jiro ( akhri maqaal hore oon qoray Qabiil ma jiraa), qabiil qabiil dulmiyaayo, midhuhu wuxuu noqonayaa qabiilkaagii u hiili u dagaalan, colaadii halkaa ayay ku abuurmaysaa. Hadiii aad nabad doonaysana waxaad fidinaysaa qabiil ma jiro niman kursi doon ah oon cid u danayn ayaa ku guuraya ha dhagaysanina, markaa nabadii ayaa dhalanaysa.  Illaahayna waxa aad waydiisato ayuun baad ka helaysaa markaa bal inoo kala doora nabad iyo colaad, maxasee idinka ayaa ikhtiyaarka leh eh.

Hoos ka akhriso maqaalladii hore ee Nuur Xaaji Xiiray:

Dhidar onkod kiciyay

Dhallinyartaay xaaladdu way adag tahaye faashashka badsada

Cadduur dhawdhawduba uma dhacsana

Dadkeenu ma istaahilaan in wadooyinka loo sameeyo

Dumarku waa kuwan shaqooyinkii la wada wareegay ee tolow lacagta xaggee ayey geeyaan

Isku shaandhaynta xoogaa leh tolow maxaa kalifay isagoo waqtiga hadhay yar yahay

Golaha wakiiladu yay matalaan

Maxay ahayd ujeeddadii laga lahaa dagaalkii 1988, goorma ayuuse bilaabmay?

Gaaladu labada wadan ee ay indho gaar ah ku eegaan

Bal ummaddan uu dulinku daashaday eega

Yaa soomaliland sameeyay?

Dajjaal iyo labadiisii salladood 

Maxaad ka taqaan Yuhuuda?

11 Sibtambar Soomaaliya khiyaamadii ugu waynayd

Yaa Soomaali halkaa dhigay?

Luqadee ayaa wax lagu baranayaa 

 Siyaasadda Waxbarashada 

Barasho horteed ha i nicin

Ha isku akhriyin haddii aanad ku camal falayn

Qaabka ragga loo dhufaano

Cisaabada ragga dhufaanta

Dhacdo ugub ah oo masaajid Hargeysa ah ka dhacday

Waar xaggeed ku socotaa? 

Muxuu u batay bilaa-camalku?

Munaafiqiinta casriga ah

Waa maxay siyaasaddu?

Eydu waa bilicda magaalada

Bal dadkan ku dawakhay riwaayadan Kulmiye eega

Waa kuma doqonku?

Qabiil ma jiraa?

Waa kuma wadaadku?

Dadku xerooyin ayay ku jiraan

Sidee ummadi ku horumari kartaa ama qof ku horumari karaa?

Dhuuqaa ha noqon

Goorma ayaa ummad la hoggaamin karaa?

Sidee ayay u shaqeeyaan dadka dadka waalaa

Maxaad ka taqaanaa dadka waala?

Xarakaadka Islaamku ma gaadheen ahdaaftoodii?

Life is three days

Global War

Maxaa Somaliland loo ictiraafi waayey?

Yaa burburiyey Soomaaliya?

Dhallintu way gaajoonaysaa!

Shakhsiyadda adduunka loogu neceb yahay

Maxaa dadkeena sidan u galay

Dadka doofaarrada noqday

Ummad aan xidhe lahayn!

nur.hersi21@gmail.com