Weerarkii Faysal + Garnaqsigii Muuse + Isdhul-dhiggii Cabdiraxmaan Q.2aad (W.Q. Maxamed Cabdikariim)

Nabadeey akhristayaal. Mar labaad iyo gorfayntii dooddii saddexda guddoomiye xisbi. Bal aynu eegno muuqaalladii xiisaha lahaa ee ay doodaasi gudbinaysay

  1. Xurgufti siyaasadeed ee Cabdiraxmaan Iyo Faysal iyo  isbadalkii Habeenkii dooda

Iyadoo xurguf siyaasadeed oo qadhaadhi hore u soo kala martay Cabdiraxmaan  Iyo Faysal, deeraduna in baddan soo kala dhex miranaysay, isagoo guddoomiye Faysal habeen iyo maalinba ku doodayay inuu Cabdiraxmaan  khiyaameeyay xisbigii UCID, dhanbalayna awooddii xisbiga, ayaa jawiga doodda habeenkani ka duwanaa.

Inta baddan Faysal Iyo guud ahaan xisbiga UCID oo weerari jiray xisbiga Waddani ayaa habeenkan u muuqatay mid isbeddel wayni ku yimid. Cabdiaxmaan Cirro  oo isdhul dhigid badan iyo taxdir badan aad ka dareemaysay ,isagoo si gaar ah iskaga ilaalinayay Faysal, sidoo kale inta badan ku soo halqabsanayay, kuna raacayay dooda Faysal ayaa wariyuhu waydiiyay su’aasha ah : in xisbiyadu ay ka war hayaan, sidoo kale la xisaabtamaan  xildhibaannada ay soo saaraan, kana war hayaan  fulinta afkaarta xisbiga ay ka soo baxeen?

Waxa markiiba dawaadayaasha doodu u arkeen su’aal xasaasi ah oo taaban doonta dareenka Faysal, waxanay dadku iswaydiinayeen Faysal jawaabtiisa,iyagoo maanka ku haya in Cabdiraxmaan  Ciro ka goostay Xisbiga UCID,  tacabkii ay u galeen hanashada gudoomiye nimada golaha wakiilada iyo murankii xisbiga UCID dhexdiisaba ee Maxkamadda sare ka garnaqday. Waxa la filayay in uu ku qaad qaado, bayaamiyana dhaliilaha gudoomiyaha wakiiladda balse wuxu dam damis u noqday Cabdiraxman Cirro.

Muuse Biixi ayaa isagu si qoto dheer u sharaxay, nidaamka dimuqradiga ah ee curdinka ah , sidaanay dadkeenu ugu bislaan muhiimadda codkoodu leeyahay, inagoo galnay 5 doorasho oo dag dag ah, wuxuu tibaaxay in sharciga doorashooyinku uu ka sheegayo 2 qodob oo ah isku xidhka xildhibaanadda iyo xisbiyadda, kaas oo ah:- xildhibaanka la doorto waa u xor inuu ra’ayigiisa cabiro isagoo xildhibaanku aanu xisbigiisa ka tagi Karin. inkastoo waa dhawayd Cabdiraxmaan Ciro gudoomiyaha gollaha wakiiladdu ay doc faruureen ayuu yidhi, Muuse Biixi wuxuu ku baanay inay xisbi ahaan keeneen fikrad cusub oo curdin ah oo xisbiga iyo xukuumadda lagu kala qaadayo, si aanay xisbiga iyo xukuumaddu iskugu milmin, xisbigiina aanu u baab’in, isagoo tusaale u soo qaatay xisbigii Udub iyo dawladiisii aan kala hadhin.

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe, wuxuu qudhadiisu iska dhawrayay inuu xuso Cabdiraxman Ciro, iyadoo aad dareemaysay in aad loogu soo dar daaray inaanu weerarin, lagana soo shaqeeyay sidii ay u muujin lahaayeen mucaaridad wada jirta, isagoo ku afgobaadsaday inaanay xildhibaanadu gacmaha ugu jirin, marka la doortana ay ugu danbayso, iskana cosobsi tagaan.

  1. Eedda Dib u dhaca Doorashadda Iyo Cidda ka masuulka ah

Wariyaha oo waydiiyay su’ashan Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa eeda dib u dhaca doorashadda dusha ka saaray, sharci dajinta oo uu Cabdiraxmaan  Ciro gudoomiye u yahay, isagoo sheegaya inay daahiyeen xeerkii diiwaan galinta ee loo gudbiyey . Jawaabtaasi oo  daaha ka fayday  in:

  1. 10kii sanno ee gollaha wakiiladda Cabdiraxmaan  gudoomiyaha ka ahaa, aan marna gollaha la keenin doodii xeerka baarlamaanka lagu soo dooran lahaa.
  2. Gollaha sharci dajinta oo aan muddo dheer oo ay gollaha fadhiyeen halmar aan keenin dooda xeerkii lagu dooran lahaa guurtida, halka ay xeerar badan oo aan qarankan dan u ahayn ay meel mariyeen oo hadba ay cido dabada ka riixayeen
  3. Xeerkii Diiwaangalinta codbixiyayaasha oo ku raftay gollaha barlamaanka markii xukuumaddu u soo gudbisay.
  4. Sidoo kale waxa dadka xusuusisay in Gudoomiye Ciro, hormood ka ahaa, laalidii diiwaangalintii hore, taas oo qalad wayn ku ahayd umadda iyadii oo aan sharci iyo waxba u diyaar ahayn in la laalo.

Cabdiraxmaan  Maxamed Cabdillahi Ciro, ayaa isagoo iska difacaya eedahaas, tiraabayna:-

  1. In waddanku leeyahay maddaxwayne,dastuurka iyo sharcigana uu isagu ka masuul yahay iyo wixii dib u dhaca ee yimid
  2. 2013kii ayaanu bilownay qorshihii doorashadu wakhtigeeda ugu qabsoomi lahayd, saddexda xisbi qaran way la shaqeeyeen, xukumadduna intii hore way la shaqaysay, lakiin markii doorashadii soo dhawaatay ayay xukumadii haanbiriigii u xidhay.
  3. Xukuumaddu waxay tuurtay xeerkii diiwaangalinta ee komishanku sameeyay, ku aan kii ahayna way keentay kaas oo dhamaantii carqalad ku ahaa doorashada.mana aha mid loo nisbayn karo wakiilada iyo guurtida

Faysal Cali Waraabe, wuxuu masuuliyadda dib u dhaca dusha uga tuuray xukuumadda iyo barlamaanka, isagoo dhaliisha inta badan sheegay inay xukumaddu leedahay, tahayna xilgudasho la’aan madaxwayne.

Labada gudoomiye xisbi mucaaarid ayaa si wadda jir ah eeda dib u dhaca ku sifeeyay masuuliyad madaxwayne oo uu gudan waayay, isagoo madaxwaynuhu in badan fagarayaal badan ka sheegay inaan maalin loogu darayn, oo doorashada wakhtigeedii ku qaban doono, taas oo caddaynaysa masuuliyadda dib u dhaca eeda doorashada. Waxa kale oo ay iftiimiyeen aqbalaaddii gogosha madaxwaynaha iyo heshiiskii xisbiyaduba in uu madaxwaynuhu socodsiin waayay, iyagoo tilmaamay in aanu madaxwaynuhu qaadin talaabo si uu u fuliyo heshiiskaas, iyadoo  madaxwaynaha u banaanayd in uu:-

  1. Maxkamadda dastuuriga geeyo oo arinta dib loo eego
  2. In uu la tashi la sameeyo guurtida si loo cayimo mudadda doorashada

Doodda, oo sii adkaanaysay, ayaa waxay sare u kicisay dareenaddii ka qaybgalayaasha, iyaddoo gudoomiye faysal ka adkaysan kari waayay…………………………………………La soco…………

 

Maxamed Cabdikariim