WELIGAA HA QUUDHSAN AWOODDAADA .W/Q(Kamal marjaan)

Weligaa ha ka quusan awooddaada, hana ogolaan caqabad kaa hor istaagta dadaalka aad ku rumaynayso riyadaada.

Wilma Rudolph waxa ay ahayd gabadh yar oo uu cudurka dabayshu ku dhacay, dhakhaatiirtuna sheegeen in aanay abidkeed lugaheeda dib ugu socon kari doonin. Laakiin markii ay ka hadhi weyday riyadeedii ahayd horyaalnimada orodka, waxa ay ugu dambayntii noqotay ‘Gabadha dunida ugu orodka dheeraysa”

Wilma oo 23 Juun 1940 kii ku dhalatay deegaanka gobalka Tennessee ee Maraykanka, waxa ay ka kabatay xanuunka dabaysha (Polio) ee naafeeya carruurta, iyo xumadda dilaaga ah ee Scarlet Fever.

Iyada oo shan sano jir ka yar ayuu ku dhacay cudurka dabayshu, sida caadada u ahna waxa uu naafeeyey labadeeda lugood.

Waxa ay xidhan jirtay biraha lugta naafadaha ah taageera si uu qofku ugu istaagi karo, dhakhaatiirtuna waxa ay u sheegeen in aanay jirin rejo ay dib lugaheeda ugu socon kari doontaa, laakiin kama ay quusan in ay maruun ku oroddo lugaheeda, waxa aana rejadaas u xoojin jirtay hooyadeed. Hooyadeed waxa ay ku celcelin jirtay, inanteedana mar kasta u sheegi jirtay in ay cagaheeda ku socon kari doonto.

Wilma labadeeda waalid iyo carruura ay la dhalatay ayaa dadaal adag ku garab istaagay, daryeel, socodsiin/lugaysiin, iyo duugis joogto ah ayaa ay u samayn jireen.

Lix jir markii ay gaadhayna waxa ay bilowday in ay hal lug ku boodbooddo, siddeed jirkii waxa ay bilowday in biraha Cagaha iyada oo gashan ay socoto, 11 sanno jir markii ay gaadhayna waxa ay bilowday in ay carruurta la ciyaarto iyada oo cagaheeda ku socota. Waxa se ay mucjiso dhigtay markii xilligii dugsiga sare ay ku guulaysatayba abaalmarinta xiddiga kubadda kolayga (All-American in Basketball).

Sannadkii 1956 Wilma waxa ay ka qaybgashay tartankii orodka ee ciyaarihii Olambikada (Olympic), waxa ay ku guulaysatay biladda Maarta ee orodka 4×100 mitir ee afarta orodyahan wadaagaan.

Afar sanno kaddib, ciyaarihii Olambikada ee 1960kii waxa ay ka mid noqotay ciyaaryahannadii ugu fiicnaa ee soo maray qarnigii 20-naad. Waxa ay ku guulaysatay saddex abaalmarinnood oo dahab ah, waxa aanay jebisay illaa saddex rikood oo hore u yaallay.

Waxa ay noqotay haweenaydii Maraykan ahayd ee ugu horreysay ee ku guulaysatya in ay jebiso saddex rikoodh oo hore u yaallay. Waxa ay noqotay gabadhii ugu horreysay ee Maraykan ah ee ku guulaysatay saddex bilood oo dahab ah, isku ciyaar keliya. Waxaana ugu dambayntii loo aqoonsaday “Gabadha ugu dheeraysa dunida” waxa kale oo ay ku guulaysatay abaalmarinno kale oo tiro badan.

Wilma bishii Noofambar 1994 ayaa ay u dhimatay xaalad caafimaad oo la xidhiidhay buro maskaxda ka soo baxday.

 

 

Xigasho:kamal marjaan

Bandhige@gmail.com