XUSUUSTA XUN WAA LA KALA DHAXLAA . W/Q(kamal marjaan)

Cilmibaadhiso kala duwan ayaa lagu ogaaday in ubadku ay xusuusaha xanuunka leh ka dhaxlaan waalidkood.

Mid ka mid ah daraasadaha oo ay samaysay jaamacadda Emory University ee Maraykanka ayaa ay cilmibaadhayaashu tijaabo ku sameeyeen jiir. Nooc ka mid ah khudradda (Cherry) ayaa loo soo dhoweeyey jiirka, isla markii uu uriyeyna waxaa lagu qabtay koronto (Shoodh) aad u xanuunjisay. Maskaxdii jiirku waxa ay isku xidhatay urtii khudradda iyo korontadii. Waqtigaas wixii ka dambeeyey mar kasta oo uu jiirku uriyo khudraddan waxa uu dareemayey cabsi xad dhaaf ah.

Waxaa cilmi ahaan la ogaaday in cabsidaasi ay jiirkii ku keentay isbedello dhinaca DNA ga ah oo saamayn ku yeeshay xawada (Sperm) jiirka, taas oo sababtay in xusuustiisaa xanuunka badani ay u gudubto carruurtii markaas kaddib ka farcantay oo xitaa kuwii jiilka saddexaad ahaa lagu arkay.

Waxa ay xeeldheereyaashu sheegeen in kasta oo ay muuqato in xusuusta xanuunka leh ama xun ee maskaxda qofka ku dhegta uu hidde ahaan ugu gudbin karo tafiirtiisa, haddana waxa weli loo baahanyahay baadhitaanno dheeraad ah oo lagu sii xaqiijinayo sida xusuusta loo kala dhaxlo, iyo illaa xadka la kala dhaxli karo.

 

 

 

 

Xigasho:kamal marjaan

Bandhige.com