Jean-Bedel Bokassa, kelitaliyihii dalka Badhtamaha Afrika, qofkii mucaarad ku noqda hilbihiisa ama hilbaha carruurtiisa ayaa uu cuni jiray, dadkana ku casuumi jiray. W/Q(kamal marjaan)

Cunto kariyihiisii hore ayaa qiray in Bokassa uu joogto ugu karin jiray hilib dad oo ku kaydsanaan jiray qol tallaagad ah qasriga madaxtooyada ku yaallay. Cunto kariyuhu waxa uu sheegay in Bokassa uu aad ugu raaxaysan jiray dhadhanka hilibka dadka. markhaatiyo kale ayaa iyaguna maxkamad ka hor caddeeyey, in Bokassa uu jeclaa in hilbaha mucaaradkiisa oo la shiilay lagu daro hadhimo sharafeedyada uu u samaynayo waftiyada shisheeye ee dalka soo booqda.

Bokassa in kasta oo markii la xukumayey uu dafiray dadqalnimada, haddana isaga qudhiisa ayaa mar la caleema saarayey waxa uu danjire faransiis ahaa oo ka soo qaybgalay munaasabadda u sheegay, in uu cunay hilib dad. In kasta oo uu ku andacooday in aanu marka hore ogeyn in uu yahay hilib bani’aadam.

Bokassa oo 1966 illa 1979 kii xukun milateri ku haysatay dalka Central Afrika republic (CAR), ayaa la sheegay in qalan jiray dadka mucaaradka ku ah ama carruurtooda, kaddibna uu tallaagada ku ridan jiray hilbahooda. Mararka qaarkoodna beerta xayawaanka la geyn jiray si dugaaggu u quuto.

Dadka uu hilbahooda kaydsaday waxaa ka mid ahaa boqol carruur arday yaryar ahayd, kuwaas oo ay waalidkood ka mudaharaadeen, iibsiga labbiska dugsiyada (Dirays) oo uu madaxweynuhu beddelay, amarna ku bixiyey in nooca cusub laga iibsado shirkad ay lahayd mid ka mid ah xaasaskiisu. Carruurtan qaarkood isaga ayaaba gacantiisa ku dilay, si uu uga aargoosto waalidkooda diiday macmiil in ay u noqdaan xaaskiisa.

Markii xukunka afgembi lagaga qaaday 1979 kii, waxaa qasriga loogu tegey hilbo dad oo inta la jarjaray, la barfiyey si aanay isu beddelin inta la karinayo, waxa kale oo ka mid ahaa dad inta la dilay kaddibna iyaga oo aan la jarjarin la geliyey tallaagadda. Waxaa ku jiray nin Macalin dugsi ahaan jiray oo lagu tuhmay mucaaradnimo.

Bokassa waxa uu ahaa masiixi ay barbaarisay kaniisadda Faransiisku, 62 carruur ah ayaa uu dhalay, waxa aanu qabay xaasas tiradooda labataaneeyo lagu sheego.

 

 

 

Xigasho:Kamal marjaan

Bandhige.com