Wixii gef ah ee lagu arko dugsiyada Abaarso waynu sixi karnaa, laakiin yaan la hagardaamayn! (WQ: Mustafe Maxamed Khayre).

Haddii Mark Zuckerberg iyo dadka la midka ahi aanay samayn lahayn Facebook iyo aaladaha kale ee warbaahinta, maanta maynaan helneen meel aynu ku soo bandhigno dooddeenan aynu danaheena kaga wada hadlayno ee wadaad iyo waranle ba aynu ka qayb galnay. Zuckerbeg markii uu Facebook hindisay wuxu dhiganayey Jaamacadda Harvard. Dugsiyada Abaarso iyo Jaamacadda Barwaaqo waa kuwa aan rajaynayo in ay ka soo baxaan dadkeenii samayn lahaa wax dunida oo dhan anfaca sida Facebook.

Dugsiyada Abaarso maaha oo kali ah in ay yihiin kuwa ugu tayada sarreeya dalka. Laakiin waa kuwa kali ah ee awood u leh in ay ardaydeena ku xidhaan jaamacadaha caalamka ugu magaca weyn sida Harvard, MIT, Oxford, Stanford iyo kuwa la midka ah. Jaamacadahan waxa innooga soo bixi kara muslimiintii inoo samayn lahaa nukliyeerka, drones-ka, tallaallada cudurrada lagaga hor tago iyo tiknoolijiyadaha heerkoodu sarreeyo ee aynu ka faro madhan nahay. Diinteena ayaa innagu dhiirigelinaysa in aynu aqoonta u doonano meel kasta oo ay taallo.

Wixii khalad ah ama gef ah ee lagu arko dugsiyada Abaarso waynu saxan karnaa. Laakiin ilama habboona in aynu u tafo xaydano hagardaamayntooda. Ogsoonow, haddii aynu Soomaali nahay waxaynu karti badan u leenahay sida wax loo burburiyo, laakiin karti badan uma lihin sida wax loo dhiso!

mustafekhaire@gmail.com