Wixii umusha u dan ah ayuunbaa ilmahana u dan ah (WQ: Cabdiraxman Caydiid)

 

Shacabka Somaliland ee codkooda u dhiibtay si ay nabad iyo horumar siyaado ah u helaan, ma qabato iyo in dib loo celiyo, oo dagaalo sokeeye durbaanadooda loogu tumo. Shacabka Somaliland waxaan leeyahay dani idiinkuma jirto AMISOM iyo waxay cago ku qaataan, iyo xornimadiina oo taladeena quwado shisheeye idinla yeeshaan. Dantiina garta, dantiinuna waa nabad oo keliya, taa marka la helo ayay wixii kale oo dhamina ku xigaan. Dawlad xumo inay dawlad la’aan dhaantana maanta waynu soo taabanay, oo maanta laynoogama sheekaynayo.

Dadka hogaanka bulshada u ah, siiba odayada dhaqanka iyo duubabka waxaan leeyahay, waar hadaladiina u tudha oo u meel daya. Xisbiyo ayaa loo tartamay, ee reero looma tartamin. Xisbiyadu ha wada hadlaan ee isu daaya. Iyagana sharci iyo Komishan baa u dhexeeya, oo maxkamado ayaa jira.

Runtii way caddayd markii dhaqanaka laga waaninayay inay siyaasadda ka joogaan tan oo kale hadday timaado in lagu baxsado ayaa la filayay, maanta se dhaqan waliba xisbi buu ku milmay. Ilaahay baase jira oo Umaadani leedahay, isaga ayaana Inshallah sida wanaagsan inuu ina waafajiyo aynu ka baryaynaa.

Musharaxiinta waxaan leeyahay, markay xaaladdu adkaado, idinka oo keliya (waa Lixdiinii tartamaye) ayaa go’aan geesinimo leh laydiinka fadhiyaa. Iska Ilaaba kuwa idinku xeeran, oo ka yeela kuwaa sidii Mudane Dahahir Rayaaleba ka yeelay. Komishankana waqti ha la siiyo, iyadoo sharcigii lagu heshiiyay la raacayo. Sidoo kale Muraaqibiintuna Ilaahay ha ka baqaan oo wixii Ilaahay ku ogaa ha u sheegaan Xisbiyada ay metelayaan ee soo aaminay.

Culimada Ilaahay diinta ku karaameeyay, waxaan leeyahay, idinkuna fadhiga ka kaca, waakaasoo waa aragtaan in dhaqankii eedoobay mar hore oo aan cidi waxba ka dhegaysanayne.

Ugu dambayn Illaahay ha guuleeyo Somaliland…Aamiin.

Hoos ka akhriso maqaalladii hore ee Cabdiraxmaan Caydiid

Ururada Rayidka ahi waa in ay xuquuqdooda difaacdaan 

Kulmiye guushii miyuu la caraabay mise ciyaari waa gelin dambe 

Baarlamaanow, arrinta Shirguddoonku – Maba weynee haysla waayina 

Baarlamaankii yara qufacay dawadiisii waa la helay

Itoobiya oo saami laga siiyo maalgeshiga Dekadda Berbera maxay ka dhigantahay?

Dacwadda UCID waa maara-raw siyaasadeed 

Qaylo-dhaanta Cabdilaahi Jawaan: Sax mise Khalad

Marsada Berbera laba laysku heli maayo

Taageeridda mudaharaadka London (UK) xisbiga Waddani miyuu ku saxsanaa?

Saldhig Milatari – Ictiraaf ma gooyaa? Q2aad

Saldhig milateri: Xul mise xal? 

Dhawaaqu ha gaadho meel dheer

Adigu haddaad Jamaal tahay maxaad yeeli lahayd

Dhaawaca Waddani intee buu hoos u qodan yahay?

 

Cabdiraxman Caydiid

abdiaideed11@gmail.com