Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxay ka hadleen in aanay wali natiijo soo saarin balse ay diyaar u yihiin cabashada xisbiyada 

 

Guddiga doorashooyinka Somaliland, ayaa sheegay inay aqbalayaan oo ay dhegaha u furayaan Xabashada Xisbiyada, gaar ahaan Xisbiga Waddani oo isagu ku eedeeyey Komishana inuu dhegaha ka furaystay Cabashooyin iyo Dacwado ay u gudbiyeen oo la xidhiidha Sanaaduuq ay sheegeen in Xisbiga Kulmiye ku shubtay doorashadii madaxtooyada ee 13-kii bishan dalka ka qabsoontay.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Cabdiqaadir Iimaan Warsame, ayaa sheegay inaanay weli natiijo soo saarin, isla markaana ay dhegaysanayaan Cabashada Xisbiyada, waxaanu Dadka ugu baaqay inay is-dejiyaan, ka dib markii Rabshado Fiidkii ka dhacay Hargeysa iyo Burco oo lagaga soo horjeeday siday hawsha u wadaan Komishanku dhimasho iyo dhaawac-ba sababeen.

Xubnihii Heer Qaran ee Xisbiga Waddani ee Guddiga doorashada la shaqaynayey ayaa sheegay inay joojiyeen Wada-shaqayntii Guddiga, illaa inta ay ka jawaabayaan Cabashooyinka iyo Dacwadaha ay u gudbiyeen ee ay Aammusnanta kaga jawaabeen Komishanku, sida Xubnaha Waddani ku eedeeyeen.

Sidoo kale, Musharraxa Madaxweynaha Waddani Cabdiraxmaan-Cirro, ayaa mar uu Saxaafadda qaar kula hadlay Hargeysa amray inay la-shaqaynta Guddiga doorashada joojiyaan dhammaan Xubnaha Xisbiga Waddani u metelayey Xafiisyada Guddiga doorashada, illaa inta Komishanku jawaabo sax ah ka bixinayo Dacwadaha iyo Cabashooyinka Waddani ahaan ay u gudbiyeen.

Muuqaalka Guddiga doorashooyinku iska soo duubeen Caawa iyaga oo 4 Xubnood oo toddobada Xubnood ee Komishanku ka kooban yahay ka tirsani ku sugan yihiin Hargeysa, waxa uu Guddoomiyaha Guddigu kaga hadlay Waraaqo ay sheegeen Xubnaha Waddani inay foojari yihiin ee ay Warbaahinta u soo bandhigeen inaanay waxba ka jirin, Ciddii laga helay Warqadahaasna ay Sharciga la tiigsan doonaan, sida uu hadalka u dhigay Cabdiqaadir Iimaan.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka warkan: 

bandhige@gmail.com